Monday, July 24th, 2017

Maxaa kajira in kooxda Tottenham laga iibinayo Ninka iska leh Facebook

Published on July 12, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(12-7-2017) Naadiga caasimad London ka dhisan, horyaalka heerka koobaad wadankaasina ee Premier League na ka ciyaara ee Tottenham Hotspur, ayaa beeniyey jiritaanka in kooxdaas la iibinayo.

Warbaahinta qaar ayaa maalmahan baahinayay, in naadiga laga iibinayo shirkad fadhigeedu Maraykan yahay, isla markaana uu iska leeyahay mulkiilaha shabakada bushadu ku haasawdo ee Facebook, taas oo lagu magacaabo Iconiq Capital.

Spurs ayaa imika ku gudo jirta dhismaha garoon cusub xili ciyaareedka soo socdana, kulamadii garoonkeeda ku ciyaari doonta geggida Wembley.

Biahii May ayay kooxdu kharashka dhiaha garoonka cusub heshiis kula gashay inay bixiyaan saddex Bangi.

Waxa kale oo ay kooxdu sheegtay in heahiiskaas kadibna dhawr qorshe oo kale loo soo banshigay , “oo uu ku jiray qorshe deyn bangi iyo amaah dulsaar leh”.

Saddexda Bangi ee bixiyey kharashka garoonka ayaa kala ah America Merrill Lynch International Ltd, Goldman Sachs Bank USA iyo HSBC bank.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo naadiga ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Maamulka sare ee naadigu wuxuu rumaysan yahay in arinta [heshiiska maalgalinta dhismaha garoonku ] ay ahayd xalka kaliya ee u cuntami karay, filashada taageerayaasha, shaqaalaha iyo wadaageyaasha hantida naadiga, iyo in la sii wadi karo horumarinta naadiga.”

Qoraalku wuxuu intaas kudaray: “maamulka kooxdu kuma jiro wax kasta oo ku saabsan cid kale ku wareejinta mulkiyada naadig.”

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!