Monday, July 24th, 2017

Pep Guardiola oo Xanaaq ka qaaday heshiiskii uu Dani Alves lagaaray PSG

Published on July 12, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(12-7-2017) Macalinka kooxda kubada Cgata Manchester City Pep Guardiola ayaa lasheegay in uu aad uga xumaaday kadib markii lasoo gaarsiiyey in daafaca dalka Braziil ee Dani Alves uu heshiis lagaarya kooxda dalka France ee PSG.

Dani Alves oo siweyn loola Xiriirnayey Naadiga Manchester City ayaa lasheegay in uu heshiis 2 Sano ah lagaaray Paris Saint-Germain isla Markaana uu dhawaan mari doono Tijaabo Caafimaad.

Pep Guardiola ayaa sheegay in uu ku balan furay Dani Alves isla Markaana uu aad uga xunyahay heshiiska lasheegay in uu lagaaray PSG isaga oo intaa ku daray in ay suuqa ka raadin doonaan Cayaaryahan booskiisa ka dheela.

Xidigii hore ee Barcelona Dani Alves ayaa la leeyahay heshiis 2 Sano ah ayuu lagaaray PSG isaga oo mushaar ahaan u qaadan doona Todobaadkii aduun lacageed gaaraya £230,000 taas oo wax badan kasaraysa tii uu ka qaadan lahaa Manchester City.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!