Monday, July 24th, 2017

Wenger oo beeniyay in Sanchez uu ka tagayo Arsenal

Published on July 12, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(12-7-2017) Tababaraha Arsenal, Arsene Wenger, ayaa sheegay in weeraryahan Alexis Sanchez, aanu kala hadlin inuu doonayo inuu ka tago kooxdaasi ka dhisan London, isagoo intaa ku daray inuu filayo in laacibkan Chile u dhashay uu dhamaysan doono muddada qandaraaskiisa.

28 jirkan ayaa qandaraaskiisa kooxdan ku ciyaarta garoonka Emirates waxaa uga hadhsan muddo sannad ah.

Haseyeeshee waxaa jira warar sheegaya in Sanchez laga maqlay inuu doonayo in uu ku biiro kooxda Manchester City.

Sanchez ayaa xagaagii 2014kii Arsenal kaga soo biiray kooxda Barcelona, isagoo ay ka bixisay 35 milyan oo gini.

Weeraryahan Sanchez ayaa xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay u dhaliyay Arsenal 24 gool kulamadii uu u saftay horyaalka Ingiriiska.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!