Tuesday, September 19th, 2017

Cayaaryahan isaga oo dheelaya kulankii Chelsea iyo Everton loosoo sheegay in Aabihii Rasaas lagu Toogtey

Published on August 27, 2017 by   ·   No Comments

(28-8-2017) Mid ka mid ah Cayaartoydii dheeleysey kulankii Horyaalka England ee dhex maray kooxaha Chelsea iyo Everton ayaa markii ay dhamaatay qaybta Hore ee Cayaarta waxaa loosoo sheegay in uu Geeriyoodey Aabihii kadib markii rasaas ay ku dhacday.

Muhamed Besic oo ah Cayaaryahan u dheela kooxda Everton ayaa waxaa loosoo sheegay war Naxdin leh kadib markii Toogasho lagu dilay Aabihiis oo ku sugnaa dalkiisa Bosnia Waxaana kadib lagu Sameeyey badal.

Cayaaryahanka Muhamed Besic ayaa lasheegayaa in uu aad uga Naxay qabarka aadka u xun ee lasoo Gaarsiiyey Xili uu isku diyaarinayey in uu qaybta labaad ee Cayaarta ku soo laabto Garoonka balse Macalinka Everton ayaa badal ku sameeyey maadaama uu aad uga murugoodey Toogashada Aabihiis.

Ronald Koeman oo ah Macalinka Everton ayaa Saxaafada u Xaqiijiyey warka sheegaya in Rasaas lagu Toogtay Aabaha dhalay Cayaaryahankiisa Muhamed Besic waxaa kaloo uu sheegay in uu soo gaaray dhaawac daran oo keenay in ladhigo isbitaal waxaana uu beeniyey in uu Geeriyoodey.

 

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Bandhigii Barcelona iyo 4 Gool oo uu dhaliyey Lionel Messi

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Horyaalka Spain ee ay xalay ladheeleen ...

Cayaaryahan ay lahayd Juventus oo ku Geeriyoodey dalka Maraykanka?

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa shaacisay Geerida mid ka mid ah Cayaartoydeeda oo ku ...

Taageerayaasha Manchester United oo lagu dacweeyey hees ay u qaadaan Romelu Lukaku taas oo Tilmaameysa Xubintiisa Taranka

(20-9-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lagu eedeeyey in ay hees lagu tilmaamay anshax daro iyo ...

Jose Mourinho oo ku dhawaaqay Xiddiga ugu qoran Rigoore dhalinta Waa kuma?

(20-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday Cayaaryahanka ugu qoran in uu ...

Marcel Desailly oo lagu Casuumay Finalkii Tartanka K/Cagta Djibouti Cup lana kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele+Sawiro

(20-9-2017) Kooxda ciiddamada gendermarie ee dalka Jabuuti ayaa ku guulaystay tartanka kubada cagta ee lo yaqaan Djibouti Cup ...

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu ...

Danny Welbeck oo lashaaciyey mudo uu Garoomada dhaawac uga maqnaan doono?

(19-9-2017) Kooxda kubada Cagta Arsenal ee dalka England ayaa shaacisay dhaawac soo gaaray Weeraryahankeeda Danny Welbeck kaas oo ka ...

Lionel Messi 11 Rigoore ayaan siiyey Neymar Xiligii lasoo dhaafay

(19-9-2017) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.ayaa shaaca ka qaaday in uu siiyey 11 Rigoore Saaxiibkii Neymar Xili Cayaareedkii ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.