Saturday, December 16th, 2017

Warbixin: Maxay Salka ku haysaa dhibaatada Haysata Arsenal Xiligaan?

Published on August 28, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(29-8-2017) Fasixii xagaagii, waxay wararkii markaas soo baxayay sheegayeen in Alexis Sanchez uu ka tagayo Arsenal iyo mustaqbalkiisa.

Wararkaas ayaa ah kuwo sii socon doona illaa laga gaadho Khamiista oo uu xidhmo suuqa ciyaartoyda lagula kala wareegayo.

Laakiin kullankii Axaddii ee niyad jabka ahaa wuxuu muujinayaa heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada Arsenal ee u baahan in wax laga qabto.

In 4-0 lagaga badiyo kullankii Anfield, Arsenal waxaa ka muuqatay in farsamo ahaan aanay u dhaweyn kooxaha kale ee xifaaltanka uu ka dhexeeyo.

Umay muuqan koox dooneysa in ay guul gaadho, mana aanay ciyaarin farsamadii lagu garan jiray Arsenal.

Aaway kubad wanaagii Arsenal? Lama hayo, kamanuu muuqan. Inta aanu billaaban xilli ciyaareedkan, waxaa la saadaaliyay in Arsenal aanay gaadhi doonin afarta koox ee ugu horeeya Premier League-ga, sababtoo ah kama aanay faa’iideysan suuqa ciyaartoyda.

Waxay ceeb ku tahay koox dooneysa inay isa soo dhisto ka dib markii ay ka hadhay horyaalka yurub, markii ugu horeysay muddo 20 sano ah.

Haddii ay fasaxaan Sanchez, waxay ku jiraan dhibaato aan ka soo kabasho lahayn, waxayna u baahanayaan inay buuxiyaan booskiisa.

Sanchez wuxuu doonayaa in uu ka tago Arsenal

Sanchez wuxuu ciyaaray kullankii ugu horeeyay xilli ciyaareedkan, wuxuuna fooda daray Liverpool ka dib hadalladii la isla dhexmarayay ee ahaa inuu ka guurayo Emirates.

Wuxuu ka ciyaarayay dhanka bidix, wuxuuna caawinayay Danny Welbeck iyo Mesut Ozil, wuxuuna ahaa halista keli ah ee Liverpool ay wajeheysay.

Laakiin waxay ku ahayd dhibaato, sababtoo ah Arsenal kubadda si wanaagsan umaanay dhisaynin.

Wuxuu u shaqeeyay si adag, laakiin markii la badalay waxaa ka muuqday jahwareer, inkastoo uu dhoolacadeynayay.

Hadaba, miyuu doonayaa in uu Arsenal sii joogo? Sidaas looma maleynaayo.

Waxaa jira warar sheegaya in uu Manchester City ku biiri doono, waxaana suuragal ah inuu Khamiista ka hor ka tago Woqooyiga London.

 

Meesha ay Arsenal daciifka ka tahay waa khadka dhexe

Granit Xhaka iyo Aaron Ramsey waxay ku sugnaayeen dhexda, labada dhinacna waxaa ka taagnaa Alex Oxlade-Chamberlain iyo Hector Bellerin.

Cayaartoyda dhexda marna umay ciyaarin sida ciyaartoy ah in ay caawiyaan difaaca.

Liverpool waxay si joogto ah kubadda ula dhexmareysay khadka dhexe ee Arsenal, waxayna meelo bannaan ka heshay qeybta dambe ee difaaca kooxda martida ahayd.

Dhibaatada Arsenal ee halkanna ma ahayn mid la xidhiidha shaqsiyad ama koox.

Markii Francis Coquelin uu badalay Ramsey, wuxuu la yimi isbedel ciyaareed in kastoo laba gool oo kale laga dhaliyay.

Arsenal waxay u muuqatay mid isku deyeysa inay ciyaarta wax ka badasho, awoodeedana soo ceshato.

Haddii Arsenal ay haysato hal ama laba ciyaartoy oo dhexda ah, waa in Arsene Wenger uu u sheegaa in aanay dhinacyada u badan ama tagin oo halkooda ay joogaan, ogolaana in kubadda ay soo dhaafto.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Dhamaan Kulamada Sabtiga dhici doona iyo Saacada Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(16-12-2017) Waxaa Sabtiga la cayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo ah Horyaalada laxiiseeyo ee qaarada yurub ...

Warbixin: Tottenham ayaa ah kooxda kaliya ee Taako u dhigi karta Manchester City?

(15-12-2017) Tottenham ayaa Sabtida u safri doonta magaalada Manchester, halkaas oo ay garoonka Etihad kula ciyaari doonto kooxda ...

Carlo Ancelotti oo ku laaban doona kooxdiisii hore Chelsea?

(15-12-2017) Macalinka u dhashay dalka Talyaaniga ee Carlo Ancelotti ayaa lasheegayaa in uu dib ugu laaban doono Kooxdiisii hore ...

Daawo Sawiro Xul ah kulankii Puntland iyo Koofur Galbeed ee bareejada ku dhamaaday

(15-12-2017) Maamul Goboleedka Puntland ayaa mar kale bar baro heshay, waxaana ugu dambeyn ay xaqiijisay in ay kaalinta ...

Xiriirka FA ga oo Mourinho Ka Codsaday Inuu Sharaxo Kalmado Afkiisa Ka Soo Baxay

(15-12-2017) Tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa laga codsaday inuu sharaxaad ka soo bixiyo, weedho afkiisa ka ...

Dalka Spain oo qatar ugu jira in laga Ganaaxo koobka aduunka 2018 Sabab?

(15-12-2017) Warar Goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Xiriirka kubada cagta Caalamka ee FIFA ay Go aan ka ...

Daawo Sawirada Paul Pogba oo markale dunida ka yaabiyey

(15-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Manchester United Ganaaxa kaga maqan ee Paul Pogba ayaa qaab Cusub oo layaab ...

Ronaldinho oo Habeen Sakhraamay bur buriyey Rajadiisii Maraykanka

(15-12-2017) Sannadkii 2010, Ronaldinho waxa uu ku jiray xaalad roog cas loogu diyaariyey waddanka Maraykanka oo kooxda Red ...

Wasiirka Cayaaraha Soomaaliya oo sheegtay in ay qabteen kaarar faalso ah oo lagu geli lahaa Garoonka Banaadir digniina dirtay?

(15-12-2017) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo cayaaraha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Khadiija Maxamed diiriye ayaa sheegtay in ay ...

FT: Puntland 1-1 K.Galbeed

(15-12-2017) Waxaa hada socota Cayaar xiiso badan oo u dhaxaysa ismaamul Goboleedyada kala ah Puntland iyo koofur Galbeed ...

Pep Guardiola oo bishii 3 aad ee Xiriir ah ku Guuleystey Macalinka bisha Horyaalka Premier League+Sawiro

(15-12-2017) Macalinka kooxda kubada cagta Manchester City Pep Guardiola ayaa ku Guuleystey Markii 3 aad ee Xiriir ah ...

Manchester United Oo Heegan Ugu Jirta Griezmann Oo Ka Tegaya Atletico Madrid

(15-12-2017) Manchester United ayaa heshay war ay ku faraxday, kaddib markii uu tababaraha Atletico Madrid shaaciyey in weeraryahanka ...

Mohamed Salah oo loo doortay Cayaaryahanka bisha ee Horyaalka Premier League

(15-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Liverpool Mohamed Salah ayaa ku guuleystey laacibka bisha Horyaalka Premier League dalka England taas oo ...

Xiddig kooxo badan yurub ah doonayaan oo kooxdiisa ay kala tagayan janaayo

(15-12-2017)  Ciyaaryahanka kooxda AS  Monaco Fabinho ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago kooxda ka dhisan Ligue 1 ...

Pep Guardiola oo sheegay in wali uusan dhamaan tartanka horyaalka

(15-12-2017)  Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa fariin udiray kooxaha ka ciyaara horyaaalka isaga oo sheegay in ...