Sunday, December 17th, 2017

Leonardo Bonucci yuu u aqoonsanyahay in uu yahay daafaca Caalaamka ugu fiican Xiligaan?

Published on August 30, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(30-8-2017) Difaacyahanka birta ah ee kooxda AC Milan iyo Xulka qaranka Talyaaniga ee Leonardo Bonucci ayaa sheegay in Sergio Ramos oo ay Sabtida iska hor imanayaan labadooda waddan, uu yahay ciyaartoyga difaaca ah ee ugu wanaagsan dunida.

“Waa difaaca ugu wanaagsan dunida, waxaanu ku guuleystay Champions League. Jallaafada uu u dhigo weeraryahannada ayaa ay kooxdiisu ugu mahadcelisaa, laakiin khibrad ayaa jirta taas ka caawisa.” sidaas ayuu yidhi Bonucci.

Xulka qaranka Spain ayaa Sabtida ku martigelin doona Talyaaniga garoonka Santiago Bernabeu, ciyaar ka tirsan isreeb-reebka Koobka adduunka oo labada waddanba ay u dagaallami doonaan midka kaalinta koowaad noqonaya, laakiin Bonucci waxa uu aaminsan yahay in qaranka Talyaanigu uu aad u wanaagsan yahay, dhibaato badanna uu gaadhsiin karo Spain.

“Waxaanu haysanaa koox dhibaato ku noqon karta Spain, wax walbana sida ugu wanaagsan ayaanu u samayn doonaa si aanu u guuleysano, xattaa annagoo og in aanay sahlanaan doonin.” Sidaas ayuu yidhi Bonucci.

Talyaanigu waxay haystaan kalsooni, sababtoo ah waxa ku jira ciyaartooyo badan oo dalkooda ka ciyaara, kuwaas oo u badan da’yar tayo badan leh, sida uu aaminnsan yahay Bonucci.

Difaacan ka dhaqaajiyey Juventus bishii July, waxa uu tibaaxay inuu rajaynayo in uu muddo dheer sii xidhnaado funaanadda dalkiisa oo uu difaaco, waxaana uu ammaanay Rugani, Caldara iyo Romagnoli oo uu xusay inay khibrad badan ku kasbadeen Romana Cagliari.

Khadka dhexe ayuu sheegay inay uga ciyaarayaan Pellegrini iyo Verrati, halka weerarkana ay u istaagi doonaan Isigne iyo Belotti, guud ahaanna kooxdoodu tahay mid isku kalsoon oo khibrad leh.

Khilaaf ayuu kaga tegay Juventus, hase yeeshee, ma jirto dhibaato u dhexaysa laacibiintii ay funaanadda liidka cad leh u wada xidhan jireen Cajuusadda Talyaaniga, waxaana uu xusay inay saaxiibo yihiin Chiellini, Barzagli iyo Buffon oo aanay dhibaato u dhexaynin.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee iska leh diyaaradaha qaaska ah ee ugu qaalisan

(17-12-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo sawirada shanta Cayaaryahan ee cayaarta kubada Cagta ee leh diyaaradaha ...

Cristiano Ronaldo oo Shuruud adag ku xiray in uu sii joogo Real Madrid?

(17-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa lasheegayaa in uu shuruud adag ku xiray sii ...

DEG DEG: Kaka oo ku dhawaaqay in uu gebi ahaan ka fariistay Cayaarta Kubada cagta

(17-12-2017) Cayaaryahankii hore ee Xulka qaranka Braziil iyo Kooxda AC Milan Kaka ayaa ku dhawaaqay in uu gebi ...

FT: West Brom 1-2 Manchester United+Sawiro

(17-12-2017) Gooool  (JESSE LINGARD): (ROMELU LUKAKU) Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. West Brom: Foster, Nyom, Hegazi, Evans, ...

Layaab!! Kulan Cayaareed dalka Spain ah oo lagu kala badiyey 47 Gool iyo 0

(17-12-2017) Kulan katirsanaa Cayaaraha kooxaha dalka Spain Gaar ahaan Horyaalka Cayaartoyda da.da yar ee dalkaas ayaa lagu kala ...

AC Milan oo ay ku dhacday Guuldaradii ugu Xanuunka badanayd Xiligaan+Sawiro

(17-12-2017) Kooxda kubada Cagta AC Milan oo Maanta lacayaartay Naadiga Hellas Verona ayaa lakulantay Guuldaradii ugu xanuunka badanayd kadib ...

Manchester City oo ku dabaal degtay Manchester United kadib Guushii Xalay+Sawiro

(17-12-2017) Kadib Guushuii Naadiga Manchester City ay xalay ka gaadhay Tottenham ayaa Cayaartoyda kooxdaas waxa ay sameeyeen dabaal ...

Real Madrid Iyo Barcelona Oo Isku Baacsanaya Weeraryahanka Arthur

(17-12-2017) Real Madrid kuma faraxsana inay aragto sawirka sida hoose loo shaaciyey ee laacibka khadka dhexe uga ciyaara ...

Maxay ahayd Sababtii uu Kevin De Bruyne Sadex farood u taagay Markii uu Goolka ka dhaliyey Tottenham

(17-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Manchester City Kevin De Bruyne ayaa Xalay markii uu Gool ka dhaliyey Naadiga Tottenham ...

Sunderland oo soo afjartay 364 kulan oo aanay guul ku gaarin Garoonkeeda

(17-12-2017) Josh Maja goolkiisii koobaad ee horyaalka ayaa u horseeday kooxda baaxaa degaysa ee Sunderland guushii u horeysay ...

Manchester United oo doonaysa in ay soo yareeso farqiga dhibcaha u dhexeeya iyaga iyo hogaamiyaasha

(17-12-2017)Manchester United ayaan mar kale awoodi doonin inay Paul Pogba ugu yeerto kulanka ay ku wajahayaan West Brom ...

Heshiiska Ozil ee Arsenal oo dib u eegis lagu sameenayo

(17-12-2017)Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay Mesut Ozil inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxda. Heshiiska Ozil ...

Maxaad kala socotaa rikoorada ay dhigeen kooxda Real Madrid iyo C.Ronaldo markii ay koobka kooxaha adduunka qaadeen:

(17-12-2017)Maxaad kala socotaa rikoorada ay dhigeen kooxda Real Madrid iyo C.Ronaldo markii ay koobka kooxaha adduunka qaadeen: 1:Waa kooxdii ...

Ma jirto koox ka awood badan kooxda Manchester City kadib markii ay sii dheeraysatay hogaanka Horyaalka+SAWIRRO

(17-12-2017)Kooxda Kubada Cagta ee Manchester City ayaa sii dheeraystay hogaanka Horyaalka, kaddib markii ay 4-0 kaga adkaadeen dhigooda ...

Daawo: Cristiano Ronaldo oo Real Madrid u Suurta geliyey in ay Ku Guuleystaan koobka kooxaha aduunka

(17-12-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku Guuleysatay koobka kooxaha aduunka kadib markii ay ...