Monday, September 25th, 2017

Dead Line Day: Suuqa Iibka Oo Maanta Xirmaya, Ciyaartooyada Kala Wareegaya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Published on August 31, 2017 by   ·   No Comments

(31-8-2017) Suuqa iibka ciyaartoyga ayaa xidhmaya maanta, waxaana ay si aad ah kooxuhu ugu hawlan yihiin inay ka faa’iidaystaan saacadaha ka hadhay, si ay heshiisyo ula galaan ciyaartooyada ay u baahan yihiin.

Kooxaha Manchester City, Barcelona iyo Liverpool ayaa ugu waaweyn naadiyada sida xooggan suuqa ugu jira, laakiin Arsenal ayaa ku ducaysanaysa inuu hore uga xidhmo si aanu uga tegin Sanchez.

Manchester City ayaa doonaysa in inta aanu suuqu xidhmin ay la soo wareegto xiddiga Arsenal ee Alexis Sanchez, kaas oo sida la sheegay ay meel fiican wax u marayaan labadan kooxood.

Liverpool ayaa gacanta ku dhigtay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Chamberlain, waxaase ay halis ugu jirtaa inay weydo Philippe Coutinho oo Barcelona ay lacag badan la dul-taagan tahay.

Kubbad-sameeyaha reer Algeria ee Riyad Mahrez ayaa la sheegay in uu fasax ka qaatay tababaraha xulka qaranka dalkiisa, si uu heshiis ugu saxeexo koox aan la magacaabin oo loo malaynayo inay tahay Roma, taas oo 35 milyan oo Gini ku doonaysa.

Chelsea, Liverpool iyo Manchester City ayaa ku hirdamaya difaaca reer Holland ee Virgil van Dijk, hase yeeshee, waxa uu weli xaalkiisu laalan yahay Diego Costa oo dibed wareeg ka noqday Chelsea.

Man United ayaa doonaysa inay hal ciyaartoy oo kaliya kusoo kordhiso safkeeda, kaas oo ah Jonny Evans, hase yeeshee, Man City, Leicester iyo Arsenal ayaa ku cidhiidhinaya.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Paul Pogba oo lacadeeyey in uu u baahanyahay in qaliin lagu sameeyo

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa waxaa soo food saartay cabsi aad u badib markii ay soo ...

Real Madrid oo heshiis lagaartay Cayaaryahan kale oo cusub+Sawiro

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid oo Todobaadkaan mashquul ku ahayd Cayaratoy u Saxiixayey heshiisyo cusub ayaa Axadii ...

Magacyada iyo Sawirada 10 ka Cayaaryahan Premier League ee ugu Taageeraha badan barta Instagram?

(25-9-2017) Cayaartoyda Kubada cagta Caalamku sida dadka kale ee dunida ayey isticmaalaan baraha ka du duwan ee bulshada ...

Manchester United oo diyaar u ah in ay £155 kala soo baxdo Weeraryahankii ay ku lamaanin lahaayeen Romelu Lukaku

(25-9-2017) Kooxda kubada cagta Manchester United ee dalka England ayaa lasheegayaa in ay diyaar u yihiin in ay ...

Atletico Madrid oo shaacisay Nambarka uu Xiran doono Diego Costa?

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Atletico Madrid ayaa shaaca ka qaaday Nambarka uu Naadigaas u xiran doono Weeraryahanka dhawaan ...

Zinedine Zidane oo Xiligaan isticmaalay 21 Cayaaryahan oo kala duwan

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane oo Xiligaan uu u yahay mid aan qurux badnayd ilaa ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan magaca weyn leh ee Xiratay Nambarka loo yaqaan Nasiib laawaha Kubada cagta?

(24-9-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee ah kuwa ugu Magaca weyn kubada ...

Mushaarka rasmiga ah ee uu Sanadkii qaato Neymar oo lashaaciyey?

(24-9-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta PSG ee Neymar ayaa lasheegayaa in uu qaato Mushaar aad uga badan kii ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.