Tuesday, September 19th, 2017

Portugal oo Guul dirqi ah ku gaartay Goolkii agoonka ahaa ee Xiddiga AC Milan Andre Silva

Published on September 3, 2017 by   ·   No Comments

(04-09-2017) Xulka qaranka Portugal ayaa Xalay Guul dirqi ah waxa ay ka qaateen dalka Hungary oo ay Marti ugu Noqdeen dalkooda waxaana Goolka Guusha u dhaliyey Weeraryahanka Cusub ee AC Milan Andre Silva.

Bortaqiiska oo uu u dheelayey Xiddigooda Cristiano Ronaldo ayaa Goolal badan ka dhalin waayey Hungary oo inta badan Cayaarta ku dheeleysey 10 Cayaaryahan markii Calaamada Casaanka ah laga siiyey Weeraryahankoodii qaybta hore ee Cayaarta kaas oo Xusul ula kac wejiga kaga dhuftay daafaca Portugal ee Pepe.

Sikastaba Xiddiga 21 sano jirka ah ee u dheela AC Milan Andre Silva ayaa xaliyey Cayaarta kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubad baas qurux badan ahayd oo uu ka helay Ronaldo Waxaana Portugal weli ay kaalinta labaad kaga jirtaa Gruubkeeda.

MATCH FACTS

Hungary: Gulácsi, Fiola, Guzmics, Kad,Korhut, Lovrencsics, Pátkai, Elek, Dzsudzsák, Priskin, Eppel

Portugal: Rui Patrício, Soares, Bruno Alves, Pepe, Fábio Coentrão, Batalha Martins, Danilo, João Moutinho, João Mário, Silva, Ronaldo

Sent off: Priskin 30 minutes

Goalscorer: Silva, 48 minutes

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Bandhigii Barcelona iyo 4 Gool oo uu dhaliyey Lionel Messi

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Horyaalka Spain ee ay xalay ladheeleen ...

Cayaaryahan ay lahayd Juventus oo ku Geeriyoodey dalka Maraykanka?

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa shaacisay Geerida mid ka mid ah Cayaartoydeeda oo ku ...

Taageerayaasha Manchester United oo lagu dacweeyey hees ay u qaadaan Romelu Lukaku taas oo Tilmaameysa Xubintiisa Taranka

(20-9-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lagu eedeeyey in ay hees lagu tilmaamay anshax daro iyo ...

Jose Mourinho oo ku dhawaaqay Xiddiga ugu qoran Rigoore dhalinta Waa kuma?

(20-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday Cayaaryahanka ugu qoran in uu ...

Marcel Desailly oo lagu Casuumay Finalkii Tartanka K/Cagta Djibouti Cup lana kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele+Sawiro

(20-9-2017) Kooxda ciiddamada gendermarie ee dalka Jabuuti ayaa ku guulaystay tartanka kubada cagta ee lo yaqaan Djibouti Cup ...

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu ...

Danny Welbeck oo lashaaciyey mudo uu Garoomada dhaawac uga maqnaan doono?

(19-9-2017) Kooxda kubada Cagta Arsenal ee dalka England ayaa shaacisay dhaawac soo gaaray Weeraryahankeeda Danny Welbeck kaas oo ka ...

Lionel Messi 11 Rigoore ayaan siiyey Neymar Xiligii lasoo dhaafay

(19-9-2017) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.ayaa shaaca ka qaaday in uu siiyey 11 Rigoore Saaxiibkii Neymar Xili Cayaareedkii ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.