Monday, September 25th, 2017

Xasuus Xun: Muxuu la ilmeeyey Macalinka Real Madrid ee Zinedine Zidane+Sawiro

Published on September 3, 2017 by   ·   No Comments

(04-09-2017) Macalinka xiligaan ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ilmeeyey xili uu bixinayey Waraysi ku saabsan Xasuustiisa kubada Cagta iyo dhacdadii ceebta ahayd ee uu Garoomada uga baxay koobkii aduunka Cayaartiisii Finalka ahayd sanadkii 2006.

Zinedine Zidane oo Waraysi siiyey Telefoot Axadii ayaa wax laga weydiiyey waxa uu hada dareemayo marka uu xasuusuto Hertidii uu ku dhuftay daafaca dalka Talyaaniga ee Marco Materazzi taas oo keentay in uu qaato Calaamada Casaanka ah dalkiisana Rigoorayaal looga qaado koobka aduunka.

Zidane oo ka jawaabayey Su aashaas ayaa yiri aad ayaan uga shalaayaa wixii aan sameeyey ma ahayn wax fiican Caruurtyeda waan uga digaa iyo dhamaan Cayaartoyda Kubada Cagta in ay sameeyaan wixii aan sameeyey 2006 dii oo aah wax aad u qaldan.

Ninkaan oo hada 45 Sano jir ah ayaa bilaabay in uu ilmeeyo kadib markii uu hadal qaaday qaabkii uu Aabihii Ismael u garab istaagay markii ay dhamaan saaxiibadii iyo dalkiisu canbaarayn aan loo kala harin ay dhabarka u Saareen waxaana uu yiri Aabahay Ismael ayaa Tilifoon igula hadalay wuxuuna ahaa Ruuxa kaliya ee igu yiri Waa ku jeclahay ma hilmaamo ereygaas aad ayaanan u jeclahay Aabahay markasta.

Cayaaryahankii Hore ee xulka qaranka France Zinedine Zidane ayaa calaamada Casaanka ah loo taagay kadib markii uu si lama filaan ah madaxiisa ugu dhuftay daaficii xulka Talyaaniga Marco Materazzi daqiiqadii 110 aad ee cayaartii Finalka ahayd ee koobka aduunka waxayna Noqotey Cayaartii ugu danbeysey ee uu dheelo aad ayaana loogu canbaareeyey wixii uu sameeyey canbaareyntaas oo ahayd mid aan loo kala harin.

Hogaamiyaha Xiligaan Real Madrid ayaad moodaa in ay hada soo laabaneyso sharaftii uu kulahaa kubada Cagta kadib markii uu koobab badan u qaaday kooxdiisa waxaana lafilayaa in dhawaan loo magacaabo Macalinka ugu fiican caalamka oo dhan isaga oo Cayaaryahan ah ayuuna 3 Jeer ku Guuleystey Xiddiga dunida oo dhan ugu fiican.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Paul Pogba oo lacadeeyey in uu u baahanyahay in qaliin lagu sameeyo

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa waxaa soo food saartay cabsi aad u badib markii ay soo ...

Real Madrid oo heshiis lagaartay Cayaaryahan kale oo cusub+Sawiro

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid oo Todobaadkaan mashquul ku ahayd Cayaratoy u Saxiixayey heshiisyo cusub ayaa Axadii ...

Magacyada iyo Sawirada 10 ka Cayaaryahan Premier League ee ugu Taageeraha badan barta Instagram?

(25-9-2017) Cayaartoyda Kubada cagta Caalamku sida dadka kale ee dunida ayey isticmaalaan baraha ka du duwan ee bulshada ...

Manchester United oo diyaar u ah in ay £155 kala soo baxdo Weeraryahankii ay ku lamaanin lahaayeen Romelu Lukaku

(25-9-2017) Kooxda kubada cagta Manchester United ee dalka England ayaa lasheegayaa in ay diyaar u yihiin in ay ...

Atletico Madrid oo shaacisay Nambarka uu Xiran doono Diego Costa?

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Atletico Madrid ayaa shaaca ka qaaday Nambarka uu Naadigaas u xiran doono Weeraryahanka dhawaan ...

Zinedine Zidane oo Xiligaan isticmaalay 21 Cayaaryahan oo kala duwan

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane oo Xiligaan uu u yahay mid aan qurux badnayd ilaa ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan magaca weyn leh ee Xiratay Nambarka loo yaqaan Nasiib laawaha Kubada cagta?

(24-9-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee ah kuwa ugu Magaca weyn kubada ...

Mushaarka rasmiga ah ee uu Sanadkii qaato Neymar oo lashaaciyey?

(24-9-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta PSG ee Neymar ayaa lasheegayaa in uu qaato Mushaar aad uga badan kii ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.