Sunday, September 24th, 2017

Magacyada Cayaartoyda laga Saaray Liiska Champions League ee kooxaha ay u dheelaan?

Published on September 4, 2017 by   ·   No Comments

(05-09-2017) Inta badan kooxaha kubada Cagta qaarada yurub ee Xiligaan ka qayb gelaya koobka Xiisaha badan ee Champions League waxa ay Xiriirka UEFA u gudbiyeen Magacyada Cayaartoyga uga qayb galeysa koobkaas waxaana jira in Xiddigo magac leh laga waayey liiska kooxdoodu gudbisey.

Cayaartoyda oo Sababao kala duwan looga reebay Liiska kooxdooda ee koobka Champions League ayaa waxaa ka mid ah Cayaaryahanka Chelsea ee Diego Costa kaas oo aan ku soo laaban Kooxdiisa tan iyo markii uu dhamaaday Xili Cayaareedkii la soo dhaafay.

Naadiga dalka Jarmalka ee  Dortmund ayaa liiska ay soo gudbisey waxaa ka maqnaa Cayaaryaahnka Marco Reus’ kaas oo ay sheegeen in dhaawac dartiis looga reebay Liiska ay Gudbiyeen.

Macalinka kooxda PSG Unai Emeri oo Xiligaan lasoo Wareegay Cayaartoyda Neymar iyo Kylian Mbappe,ayaa liiska uu gudbiyey ka reebay Xiddiga dalka france ee  Hatem Ben Arfa kaas oo sidoo kale aan qayb ka ahayn qorshiisa Xiligaan.

Imaanshihii Juventus ee Mattia De Sciglio iyo Benedikt Howedes waxa ay keentay in Liiska naadiga ee Champions League laga tiro Stephan Lichtsteiner kaas oo looga reebay Sabab aan lamicneyn.

Ugu danbayn Nathaniel Clyne, Lazar Markovic, Danny Ings, Vincent Janssen iyo Erik Lamela ayaa kooxaha Premier League ka reebeen liiska ay soo gudbiyeen kuwaas oo aan u dheeli doonin kulamada koobka Horyaalada ilaa bisha janaayo 2018.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Kenya oo laga xayuubiyey Xuquuqdii marti gelinta koobka African Nations Championship (CHAN) 2018 Sabab?

(24-9-2017) Shir ay isugu yimaadeen Gudiga fulinta Xiriirka kubada Cagta Africa ee Caf ayaa lagu Go aamiyey dalka ...

AC Milan oo shaacisay Cayaartoyda u diyaarka ah kulanka Sampdoria iyo shax cusub oo uu dheeli doono Vincenzo Montella

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta AC Milan Vincenzo Montella ayaa soo bandhigay Cayaartoyda Naadigaas ee u diyaarka ah kulanka ...

Waa Maxay Nasiib darada kaga habsatay Gool dhalintii Cristiano Ronaldo?

(24-9-2017) Xiddiga Naadiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa shalay Xanaaq iyo madax xanuun kala baxay Garoonka kadib markii ...

Kadib Sadexleydii Alvaro Morata Chelsea oo qarka u saaran in ay jabiso Record u yaalay Arsenal?

(24-9-2017) kadib Guushii weyneyd ee ay Gaartay Chelsea kulankii Stoke City iyo Sadexleydii uu dhaliyey Alvaro Morata kooxda ...

Daawo Goos Gooska iyo sawirada bandhigii Paulo Dybala iyo Guushii Bianconeri

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Derby della Mole ee ay ladheeleen Naadiga ...

Romelu Lukaku kaligii oo aan ku soo laaban Magaalada Manchester welina baaqi ku ah Southampton Sabab?

(24-9-2017) Kadib Guushii ay ka gaareen kulankii ay lacayaareen Sabtigii kooxda Southampton .Cayaartoyda Manchester United ayaa ku soo laabtay Magaaladooda ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo Guul ka gaartay Kulankii Girona

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacayaareen kooxda Xiligaan soo ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Man United oo Guul Rafaad ah ka gaartay Southampton

(23-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa Guul dirqi ah ka Gaartay kulankii Xiisaha lahaa ee ay banaanka ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.