Tuesday, September 19th, 2017

Diego Costa oo ku soo laabtay London iyo Sababta uu u soo laabtay?

Published on September 5, 2017 by   ·   No Comments

(05-09-2017) Weeraryaahnkii dibad Jooga ka ahaa kooxda Chelsea ee Diego Costa ayaa ku soo laabtay Magaalada London ee Caasimada dalka England waana markii koowaad ee uu Xiddigaan yimaado Magaaladaas tan iyo Markii uu dhamaaday Horyaalkii lasoo dhaafay.

Diego Costa oo safar ka soo galay dalka Braziil ayaa 3 bilood ka dib kasoo degay Magaalada London waxaana Sababta ugu weyn ee uu usoo gaaray lagu sheegay in uu bilaabo Tababarka kooxda Chelsea iyo in uu wadahadal lafurto Macalinka dalka Talyaaniga ee Antonio Conte.

Cayaaryahanka dalka Spain ayaa lasheegayaa in uu bisha Janaayo 2018 dib ugu laaban doono kooxdiisii hore ee Atletico Madrid inta ka horeysana uu Tababar laqaato kooxdiisa sidoo kalana waxa uu Raali ku noqon doonaa in uu fariisto kursiga hadii lacayaarsiinaya uu u dheelo Naadigiisa.

Costa ayaa doonaya in uusan meel iska fadhiyin inta laga gaarayo bisha Janaayo waxaana uu doonayaa in uu koobka aduunka u dheelo dalkiisa Spain sidoo kale Atletico Madrid ayaa kula talisay in uu dib ugu laabto Chelsea lana qaato Tababar.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Bandhigii Barcelona iyo 4 Gool oo uu dhaliyey Lionel Messi

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Horyaalka Spain ee ay xalay ladheeleen ...

Cayaaryahan ay lahayd Juventus oo ku Geeriyoodey dalka Maraykanka?

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa shaacisay Geerida mid ka mid ah Cayaartoydeeda oo ku ...

Taageerayaasha Manchester United oo lagu dacweeyey hees ay u qaadaan Romelu Lukaku taas oo Tilmaameysa Xubintiisa Taranka

(20-9-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lagu eedeeyey in ay hees lagu tilmaamay anshax daro iyo ...

Jose Mourinho oo ku dhawaaqay Xiddiga ugu qoran Rigoore dhalinta Waa kuma?

(20-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday Cayaaryahanka ugu qoran in uu ...

Marcel Desailly oo lagu Casuumay Finalkii Tartanka K/Cagta Djibouti Cup lana kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele+Sawiro

(20-9-2017) Kooxda ciiddamada gendermarie ee dalka Jabuuti ayaa ku guulaystay tartanka kubada cagta ee lo yaqaan Djibouti Cup ...

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu ...

Danny Welbeck oo lashaaciyey mudo uu Garoomada dhaawac uga maqnaan doono?

(19-9-2017) Kooxda kubada Cagta Arsenal ee dalka England ayaa shaacisay dhaawac soo gaaray Weeraryahankeeda Danny Welbeck kaas oo ka ...

Lionel Messi 11 Rigoore ayaan siiyey Neymar Xiligii lasoo dhaafay

(19-9-2017) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.ayaa shaaca ka qaaday in uu siiyey 11 Rigoore Saaxiibkii Neymar Xili Cayaareedkii ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.