Monday, September 25th, 2017

Jiilka Dahabiga ah Ee Real Madrid Ee Dunida Kusoo Socda

Published on September 5, 2017 by   ·   No Comments

(05-09-2017) Markii suuqyada Yurub furmeen, kooxuhu waxay bilaabeen inay lacago badan ku farraqaan ciyaartooyo la garanayo oo gudaha qaaradda jooga iyo kuwo aan weli soo shaac bixin oo kooxahooda ku dhex qarsoon, laakiin Real Madrid qorshe kaa ka duwan ayay samaysay.

Waxay tagtay qaaradda Latin America, gaar ahaan Brazil, halkaas oo ay heshiis kula gashay wiil 16 jir ah oo dunidu ay magaciisa maqashay markii ay Madrid lacag dhan 45 milyan oo Euro ka bixisay.

Vinicius Junior waa  wiil madow oo jidh ahaan dhisan, orodkiisa iyo xirfaddiisa xarragada leh ayaana intii uu heshiiska Real Madrid saxeexay kaddib, ay dad badan daawadaan.

Way jiri karaan kuwo ku dooda in lacagta ay laga bixiyey ay ahayd khamaar, hase yeeshee, inta Madrid taageersan ama ka agdhow ciyaartoygan oo dhawr kulan oo kaliya u saftay kooxdiisa waxay kuu caddaynayaan in uu u qalmo, haddii sannad uu sii joogi lahaana uu qiimihiisu gaadhi lahaa laba jibbaar.

Marco Asensio, waa wiilka ugu da’da yar kooxda koowaad ee tababare Zidane, waana ciyaartoyga loogu hadal haynta badan yahay marka laga reebo Ronaldo. Sannadkii 2014 ayay Real Madrid ku iibsatay 3.5 Milyan Euro oo kaliya, laakiin maanta waxa uu qiimihiisu dhaafayaa 100 milyan oo Euro.

21 jirkan ayaa ku koray caasimadda Spain ee Madrid, tababarka kooxda Real-na waxa ku gacan qabtay Zinedine Zidane, isla markiibana waxa uu usoo dallacsiiyey kooxda koowaad. Hibada ciyaareed iyo jidhkiisa dabacsan ee dhaqdhaqaaqu u sahlan yahay, waxay laacibkan ka dhigeen mid ay dunidu isha ku wada hayso.

Qorshaha Suuqa iyo jiilka dahabiga ah ee Real Madrid ay dooneyso inay mar wada-hawl-galaan waxa ka dhantaalmay Kylian Mbappe oo Zidane iyo madaxweyne Florentino Perez ay ku adkaatay inay ka dul qaadaan PSG oo amaah kaga qaadatay Monaco, hase yeeshee, dhibaato kuma aha.

Sannadka 2017, suuqa iibka ciyaartoygu wuxuu xidhmay iyadoo Real Madrid soo iibsatay ciyaartooyo aan lagac badan ku kicin, laakiin suuqa gelisay dhawr kale oo ay ka faa’iidday lacag badan.

Martin Odegaard, mada-daaliyaha xarfadda iyo goynta ee ka riwaayadsada ciyaartooyada kasoo horjeeda, ayaa udub-dhexaad u noqon doona jiilka dahabiga ah ee Real Madrid, kaas oo sannadkii 2015 ay ka hor qaadday Bayern Munich, hase yeeshee wakhtigan amaah ugu ciyaara Heevenveen.

Odegaard waxa uu galay taariikhda Real Madrid, waana ciyaartoygii ugu da’da yaraa  ee waligii u safta kooxda koowaad, taasina waxay dhacday 2015. Kulamada jogotada ah iyo Heevenveen uu u ciyaaro, ayaa uu ku muujiyey inuu yahay libaax dunida kusoo socda.

Kaliya kuma jiro taariikhda Real Madrid ee ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee u safta, hase yeeshee, waxa kale oo uu noqday laacibkii ugu da’da yaraa ee weligii u ciyaara xulka qaranka Norway.

Saddexdan ciyaartoy, Asensio, Vinicius Junior iyo Odegaard oo lagu daray raxan kale oo  ku sugan kooxda oo khadka dhexe iyo dhinacyadaba ah, waxay noqon doontaa Real Madrid koox dunida taariikh cusub ka dhigta marka ay iska garab saftaan.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Paul Pogba oo lacadeeyey in uu u baahanyahay in qaliin lagu sameeyo

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa waxaa soo food saartay cabsi aad u badib markii ay soo ...

Real Madrid oo heshiis lagaartay Cayaaryahan kale oo cusub+Sawiro

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid oo Todobaadkaan mashquul ku ahayd Cayaratoy u Saxiixayey heshiisyo cusub ayaa Axadii ...

Magacyada iyo Sawirada 10 ka Cayaaryahan Premier League ee ugu Taageeraha badan barta Instagram?

(25-9-2017) Cayaartoyda Kubada cagta Caalamku sida dadka kale ee dunida ayey isticmaalaan baraha ka du duwan ee bulshada ...

Manchester United oo diyaar u ah in ay £155 kala soo baxdo Weeraryahankii ay ku lamaanin lahaayeen Romelu Lukaku

(25-9-2017) Kooxda kubada cagta Manchester United ee dalka England ayaa lasheegayaa in ay diyaar u yihiin in ay ...

Atletico Madrid oo shaacisay Nambarka uu Xiran doono Diego Costa?

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Atletico Madrid ayaa shaaca ka qaaday Nambarka uu Naadigaas u xiran doono Weeraryahanka dhawaan ...

Zinedine Zidane oo Xiligaan isticmaalay 21 Cayaaryahan oo kala duwan

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane oo Xiligaan uu u yahay mid aan qurux badnayd ilaa ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan magaca weyn leh ee Xiratay Nambarka loo yaqaan Nasiib laawaha Kubada cagta?

(24-9-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee ah kuwa ugu Magaca weyn kubada ...

Mushaarka rasmiga ah ee uu Sanadkii qaato Neymar oo lashaaciyey?

(24-9-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta PSG ee Neymar ayaa lasheegayaa in uu qaato Mushaar aad uga badan kii ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.