Tuesday, September 19th, 2017

Falanqeynta: dalka Argentina iyo Rajeda ay ka leedahay u soo bixida koobka aduunka

Published on September 6, 2017 by   ·   No Comments

(06-09-2017) Xulka qaranka Argentina ayaa qabad kale oo rajadoodii koobka aduunka mugdi galisay la soo deristay Salaasadii kadib markii ay barbar dhac gool iyo gool ah isla dhaafi waayeen, xulka ugu hooseeya liiska kala saraynta isreb reebka koobka aduunka 2018 wadamada Koonfurta qaarada America, ee Venezuela oo marti ugu ahayd garoonkooda.

Venezuela ayaa si lama filaan ah ciyaarta hogaanka ugu qabatay bilowga qaybtii dambe, kadib markii John Murillo kubad difaaca loo dhaafiyey oo uu xerada ganaaxa la dhex galay si qurux badan uga kor laliyey goolwade, Sergio Romero oo masaafo goolka ka soo baxay.

Laakiin, xulka Argentina oo weeraro isdaba joog ah ku hayay goolka Venezuela ayaanay ku qaadan saddex daqiiqo inay la yimaadaan goolka bareejaha ciyaarta ku soo dabaalay, kaas oo uu isla shabaqiisa ku qabtay Rolf Feltscher, oo isku dayayay inuu ka saaro kubad uu meel khatar ah soo dhigay Mauro Icardi.

Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 1-1, rajada xulka Argentina ayaa ah mid 50-50 ah, maadaama ay kaalinta shanaad fadhido xili laba ciyaarood oo kali ah u hadhsan yihiin, lana rabo inay afar xul oo kali ah si toos ah ugu baxayaan koobka aduunka 2018 ee Ruushku marti galin doono.

MATCH FACTS

Argentina: Romero, Mascherano, Fazio, Otamendi, Dybala (Bendetto 62), Pizarro, Banega, Messi, Acosta, Icardi (Pastore 75), Di Maria (Acuna 25)

Subs not used: Guzman, Pareja, Pinola, Paredes, Biglia, Rigoni, Aguero, Angel Correa, Rulli

Goalscorers: Feltscher og 54

Booked: Banega, Acosta

Venezuela: Farinez, Garcia, Chancellor, Villanueva, Feltscher, Figuera, Moreno, Murillo, Herrera (Santos 77), Cordova, Rondon (Martinez 82)

Subs not used: Contreras, Quijada, Velazquez, Machis, Flores, Otero, Farias, Soteldo, Silva, Gonzalez, Olses

Goalscorers: Murillo 51

Booked: Villanueva, Figuera, Chancellor, Herrera, Feltscher

Referee: Roberto Tobar

 

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Arsene Wenger iyo Alex Ferguson oo caawa kulan Cayaareed markale isaga hor imaan doona Sabab?

(20-9-2017) Dunida kubada cagta Caalamka ayaa markale dib u Xasuusan doonta Caawa marka ay maqlaan Magacyada Macalimiintii mudada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Bandhigii Barcelona iyo 4 Gool oo uu dhaliyey Lionel Messi

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Horyaalka Spain ee ay xalay ladheeleen ...

Cayaaryahan ay lahayd Juventus oo ku Geeriyoodey dalka Maraykanka?

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa shaacisay Geerida mid ka mid ah Cayaartoydeeda oo ku ...

Taageerayaasha Manchester United oo lagu dacweeyey hees ay u qaadaan Romelu Lukaku taas oo Tilmaameysa Xubintiisa Taranka

(20-9-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lagu eedeeyey in ay hees lagu tilmaamay anshax daro iyo ...

Jose Mourinho oo ku dhawaaqay Xiddiga ugu qoran Rigoore dhalinta Waa kuma?

(20-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday Cayaaryahanka ugu qoran in uu ...

Marcel Desailly oo lagu Casuumay Finalkii Tartanka K/Cagta Djibouti Cup lana kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele+Sawiro

(20-9-2017) Kooxda ciiddamada gendermarie ee dalka Jabuuti ayaa ku guulaystay tartanka kubada cagta ee lo yaqaan Djibouti Cup ...

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu ...

Danny Welbeck oo lashaaciyey mudo uu Garoomada dhaawac uga maqnaan doono?

(19-9-2017) Kooxda kubada Cagta Arsenal ee dalka England ayaa shaacisay dhaawac soo gaaray Weeraryahankeeda Danny Welbeck kaas oo ka ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.