Monday, September 25th, 2017

FIFA oo diidey in uu dheelo ilaa bisha Janaayo Cayaaryahan 14 Sikin ka soo daahay suuqa kala iibsiga

Published on September 6, 2017 by   ·   No Comments

(06-09-2017) Xiriirka kubada Cagta Caalamka ee FIFA ayaa diidey in uu dheelo Cayaaryahan ay soo qaadatay kooxda Leicester City oo lagu magacaabo Adrien Silva kaas oo 14 sekin oo kaliya ka soo daahay xiligii uu xirmayey suuqa kala iibsiga Cayaartoyda qaarada yurub.

Adrien Silva oo Leicester City ka soo qaadatay Naadiga Sporting Lisbon ayaa loo sheegay in uusan dheeli doonin ilaa laga gaaro bisha Janaayo 2018 kadib markii uu ka soo daahay xiligii uu xirmayey suuqa kala iibsiga Cayaartoyda.

Leicester City ayaa Adrien Silva ku soo iibsatay aduun lacageed gaaraya £22million balse Waxa uu sugi doonaa ilaa uu ka furmayo markale suuqa kala iibsiga Cayaartoyda bisha Janaayo 2018 xiligaas oo uu u dheeli doono kooxdiisa.

Xiddigaan ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay Ganaaxa lasaaray isaga oo doonayey in uu dheelo koobka adunka 2018 isla Markaana ay dhibaato ku tahay in uusan dheelin ilaa bisha Janaayo waxaa kaloo dhibaato kala kulmi doonta kooxda soo iibsatay ee Leicester City Naadigaas oo doonayey in uu u buuxiyo booskii uu baneeyey Danny Drinkwater oo Chelsea ku biirey habeenkii ugu danbeeyey suuqa kala iibsiga.

 

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Paul Pogba oo lacadeeyey in uu u baahanyahay in qaliin lagu sameeyo

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa waxaa soo food saartay cabsi aad u badib markii ay soo ...

Real Madrid oo heshiis lagaartay Cayaaryahan kale oo cusub+Sawiro

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid oo Todobaadkaan mashquul ku ahayd Cayaratoy u Saxiixayey heshiisyo cusub ayaa Axadii ...

Magacyada iyo Sawirada 10 ka Cayaaryahan Premier League ee ugu Taageeraha badan barta Instagram?

(25-9-2017) Cayaartoyda Kubada cagta Caalamku sida dadka kale ee dunida ayey isticmaalaan baraha ka du duwan ee bulshada ...

Manchester United oo diyaar u ah in ay £155 kala soo baxdo Weeraryahankii ay ku lamaanin lahaayeen Romelu Lukaku

(25-9-2017) Kooxda kubada cagta Manchester United ee dalka England ayaa lasheegayaa in ay diyaar u yihiin in ay ...

Atletico Madrid oo shaacisay Nambarka uu Xiran doono Diego Costa?

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Atletico Madrid ayaa shaaca ka qaaday Nambarka uu Naadigaas u xiran doono Weeraryahanka dhawaan ...

Zinedine Zidane oo Xiligaan isticmaalay 21 Cayaaryahan oo kala duwan

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane oo Xiligaan uu u yahay mid aan qurux badnayd ilaa ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan magaca weyn leh ee Xiratay Nambarka loo yaqaan Nasiib laawaha Kubada cagta?

(24-9-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee ah kuwa ugu Magaca weyn kubada ...

Mushaarka rasmiga ah ee uu Sanadkii qaato Neymar oo lashaaciyey?

(24-9-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta PSG ee Neymar ayaa lasheegayaa in uu qaato Mushaar aad uga badan kii ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.