Monday, September 25th, 2017

Manchester City Oo Maxkamad Ka Dacweynaysa Waddanka Spain Sabab?

Published on September 7, 2017 by   ·   No Comments

(07-09-2017) Maamulka kooxda kubada Cagta Manchester City ayaa lasheegayaa in ay qorsheynayaan in ay dacwad ka gudbiyaan Xiriirka kubada Cagta dalka Spain oo dhawaan Naadigaas ku eedeeyey in ay Jabiyeen Xeerka dhaqaalaha kooxaha kubada Cagta qaarada yurub balse eedeyntaas waxaa difaacay Xiriirka UEFA oo sheegay in aan City loo qabsan doonin wax dacwad ah haba yaraatee.

Javier Tebas oo ah madaxa xidhiidhka kubadda cagta waddanka Spain ayaa ka dalbaday FIFA iyo UEFA inay baadhitaan ku sameeyaan labada kooxood ee PSG iyo Man City, kuwaas oo uu tilmaamay inay lacago badan ay ku iibsadeen ciyaartooyo, taas oo marka loo eego dakhliga soo galayna ay soo baxayso inay galeen khasaare badan, iyo in lacagta ay ciyaaryahannadu ku iibsadeen ay ka keeneen meelo aan jeebaddooda ahayn.

PSG iyo Manchester City oo ay leeyihiin Maalqabeenno Carbeed, ayaa la filayaa in baadhitaano lagu bilaabo, laakiin waxa dhinacooda cadho ka muujiyey hadalka Tebas mulkiileyaasha Manchester City, waxaanay ku hanjabtay inay sharciga la tiigsan doonto oo uu soo faro-geliyey arrimaha naadi aan dalkiisa ka dhisnayn.

Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa in Man City ay si dhab ah ugu dhaqaaqdo tallaabada sharciga ah ee ay ku hanjabtay iyo in kale.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Paul Pogba oo lacadeeyey in uu u baahanyahay in qaliin lagu sameeyo

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa waxaa soo food saartay cabsi aad u badib markii ay soo ...

Real Madrid oo heshiis lagaartay Cayaaryahan kale oo cusub+Sawiro

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid oo Todobaadkaan mashquul ku ahayd Cayaratoy u Saxiixayey heshiisyo cusub ayaa Axadii ...

Magacyada iyo Sawirada 10 ka Cayaaryahan Premier League ee ugu Taageeraha badan barta Instagram?

(25-9-2017) Cayaartoyda Kubada cagta Caalamku sida dadka kale ee dunida ayey isticmaalaan baraha ka du duwan ee bulshada ...

Manchester United oo diyaar u ah in ay £155 kala soo baxdo Weeraryahankii ay ku lamaanin lahaayeen Romelu Lukaku

(25-9-2017) Kooxda kubada cagta Manchester United ee dalka England ayaa lasheegayaa in ay diyaar u yihiin in ay ...

Atletico Madrid oo shaacisay Nambarka uu Xiran doono Diego Costa?

(25-9-2017) Kooxda kubada Cagta Atletico Madrid ayaa shaaca ka qaaday Nambarka uu Naadigaas u xiran doono Weeraryahanka dhawaan ...

Zinedine Zidane oo Xiligaan isticmaalay 21 Cayaaryahan oo kala duwan

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane oo Xiligaan uu u yahay mid aan qurux badnayd ilaa ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan magaca weyn leh ee Xiratay Nambarka loo yaqaan Nasiib laawaha Kubada cagta?

(24-9-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee ah kuwa ugu Magaca weyn kubada ...

Mushaarka rasmiga ah ee uu Sanadkii qaato Neymar oo lashaaciyey?

(24-9-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta PSG ee Neymar ayaa lasheegayaa in uu qaato Mushaar aad uga badan kii ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.