Saturday, December 16th, 2017

Mudaharaad Lagu Dalbanayo In Sanchez Uu Furo Xaaskiisa Oo Ka Dhacaya Chile Sabab?

Published on September 7, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(07-09-2017) Kumannaan taageereyaal cadhaysan ah ayaa iskugu soo baxaya mudaharaad aan noociisa hore loo arag, kaas oo ay kaga soo horjeedaan xaaska laacibka xulka qaranka dalka Chile iyo Arsenal ee Alexis Sanchez.

Taageereyaashan oo tiradooda lagu qiyaasay kumannaan qof ayaa iyagoo gadoodsan iskugu soo baxi doona jidadka, waxaanay ku qaylin doonaan ereyo ka dhan ah xaaska Sanchez, taas oo ay ku eedaynayaan inay laacibkan ka dhigtay mid buuran oo naaxsan, sababna ay u tahay in miisaankiisu kordho, taas oo markii dambe keentay in qaab-ciyaareedkiisu hoos u dhaco.

Sanchez oo naaxay

Mudaharaadkan oo abaabulkiisu uu bilaabmay markii xulka Chile uu guul-darro 1-0 ah kala kulmay Bolivia ciyaar muhiim ahayd oo ka tirsanayd isreeb-reebka Koobka Adduunka 2018, ayaa waxay jamaahiirta cadhaysani ku doodeen in 28 jirkan ay ciyaartiisu hoos u dhacday, miisaankiisuna kordhay, taasna ay sabab u tahay xaaskiisa Maytee Rodriguez.

Barta mudaharaadka facebook oo tirada dadka ku xidhan badanayaan

Taageereyaasha ayaa mudaharaadkooda u sameeyey bar FACEBOOK ah oo markiiba ay ku xidhmeen dad ku dhow 100,000 qof.

Bartan FACEBOOK ayaa loo bixiyey magac ah “March so that Alexis ends it with Mayte and returns to his level to reach the 2018 World Cup in Russia”, oo Af-soomaali ku noqonaysa “Mudaharaadka loogu baaqayo Alexis inuu soo afjaro xidhiidhka Mayte, uuna kusoo laabto heerkiisii hore si uu u gaadho Koobka Adduunka 2018 ee Ruushka”, ayaa dadka ku xidhmayaa ay soo badanayaan.

Mayte Rodriguez waxa lagu eedeeyey inay naaxisay Sanchez oo ay ka dhigtay caajis

Waxa la qorsheeyey in mudaharaadku uu ka dhaco barxadda hore ee garoonka Qaranka Chile markay taariikhdu tahay October 5.

Dad badan oo uu ku jiro tababarihii hore ee xulka qaranka 21 jirka Chile ayaa ku eedeeyey Sanchez in uu miisaankiisu kordhay, kaasina uu hoos u dhigayo xirfaddiisa.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Dhamaan Kulamada Sabtiga dhici doona iyo Saacada Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(16-12-2017) Waxaa Sabtiga la cayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo ah Horyaalada laxiiseeyo ee qaarada yurub ...

Warbixin: Tottenham ayaa ah kooxda kaliya ee Taako u dhigi karta Manchester City?

(15-12-2017) Tottenham ayaa Sabtida u safri doonta magaalada Manchester, halkaas oo ay garoonka Etihad kula ciyaari doonto kooxda ...

Carlo Ancelotti oo ku laaban doona kooxdiisii hore Chelsea?

(15-12-2017) Macalinka u dhashay dalka Talyaaniga ee Carlo Ancelotti ayaa lasheegayaa in uu dib ugu laaban doono Kooxdiisii hore ...

Daawo Sawiro Xul ah kulankii Puntland iyo Koofur Galbeed ee bareejada ku dhamaaday

(15-12-2017) Maamul Goboleedka Puntland ayaa mar kale bar baro heshay, waxaana ugu dambeyn ay xaqiijisay in ay kaalinta ...

Xiriirka FA ga oo Mourinho Ka Codsaday Inuu Sharaxo Kalmado Afkiisa Ka Soo Baxay

(15-12-2017) Tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa laga codsaday inuu sharaxaad ka soo bixiyo, weedho afkiisa ka ...

Dalka Spain oo qatar ugu jira in laga Ganaaxo koobka aduunka 2018 Sabab?

(15-12-2017) Warar Goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Xiriirka kubada cagta Caalamka ee FIFA ay Go aan ka ...

Daawo Sawirada Paul Pogba oo markale dunida ka yaabiyey

(15-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Manchester United Ganaaxa kaga maqan ee Paul Pogba ayaa qaab Cusub oo layaab ...

Ronaldinho oo Habeen Sakhraamay bur buriyey Rajadiisii Maraykanka

(15-12-2017) Sannadkii 2010, Ronaldinho waxa uu ku jiray xaalad roog cas loogu diyaariyey waddanka Maraykanka oo kooxda Red ...

Wasiirka Cayaaraha Soomaaliya oo sheegtay in ay qabteen kaarar faalso ah oo lagu geli lahaa Garoonka Banaadir digniina dirtay?

(15-12-2017) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo cayaaraha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Khadiija Maxamed diiriye ayaa sheegtay in ay ...

FT: Puntland 1-1 K.Galbeed

(15-12-2017) Waxaa hada socota Cayaar xiiso badan oo u dhaxaysa ismaamul Goboleedyada kala ah Puntland iyo koofur Galbeed ...

Pep Guardiola oo bishii 3 aad ee Xiriir ah ku Guuleystey Macalinka bisha Horyaalka Premier League+Sawiro

(15-12-2017) Macalinka kooxda kubada cagta Manchester City Pep Guardiola ayaa ku Guuleystey Markii 3 aad ee Xiriir ah ...

Manchester United Oo Heegan Ugu Jirta Griezmann Oo Ka Tegaya Atletico Madrid

(15-12-2017) Manchester United ayaa heshay war ay ku faraxday, kaddib markii uu tababaraha Atletico Madrid shaaciyey in weeraryahanka ...

Mohamed Salah oo loo doortay Cayaaryahanka bisha ee Horyaalka Premier League

(15-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Liverpool Mohamed Salah ayaa ku guuleystey laacibka bisha Horyaalka Premier League dalka England taas oo ...

Xiddig kooxo badan yurub ah doonayaan oo kooxdiisa ay kala tagayan janaayo

(15-12-2017)  Ciyaaryahanka kooxda AS  Monaco Fabinho ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago kooxda ka dhisan Ligue 1 ...

Pep Guardiola oo sheegay in wali uusan dhamaan tartanka horyaalka

(15-12-2017)  Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa fariin udiray kooxaha ka ciyaara horyaaalka isaga oo sheegay in ...