Sunday, September 24th, 2017

DEG DEG: Degmada Waaberi oo ku Guuleysatay koobkii Cayaaraha demooyinka Gobolka Banaadir

Published on September 8, 2017 by   ·   No Comments

(08-09-2017) Cayaartoyda mataleysa degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa ku Guuleystay Cayaarihii degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay 3-1 ku Garaaceen dhigooda degmada Hodan.

Cayaartaan oo ladheeley Xili habeenimo ah Markii u horeysey 27 sano kadib ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan kun oo Taageerayaal ah waxaana buuxsamay Garoonka Koonis oo lagu qiyaaso in uu qaado in kabadan Toban kun oo Taageerayaal ah.

Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ka qayb galeen 17 ka degmo ee Gobolkaan ka koobanyahay ayaa waxaa Finalkiisa isugu yimid degmooyinka Hodan iyo waaberi iyada oo ay si qurux badan ugu Guuleysatay degmada Waaberi oo ladhihi karayo waa u qalantay in ay qaadaan koobkaan.

Kulankaan ayaa qaybtiisa Hore waxaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaamineysey degmada Waaberi oo sidoo kale qabatay Rigoore laga dhigay waxaa kaloo Roose ka qaatay Cayaaryahan.

Qaybta labaad ayey Waaberi heshay Goolka 3 aad waxaana jirtay in laga soo daahay bilaawgii qaybta labaad kadib markii sida lasheegay ay Waaberi ka doodey qaladaad badan oo uu Galay Garsoorihii Cayaartaan oo lagu Magacaabo Maxamed Soomaali kaas oo aan ilaa hada lagaranayn Sababta uu Calaamada Casaanka ah u siiyey Cayaaryahan Waaberi u dheelayey.

 

 

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Kenya oo laga xayuubiyey Xuquuqdii marti gelinta koobka African Nations Championship (CHAN) 2018 Sabab?

(24-9-2017) Shir ay isugu yimaadeen Gudiga fulinta Xiriirka kubada Cagta Africa ee Caf ayaa lagu Go aamiyey dalka ...

AC Milan oo shaacisay Cayaartoyda u diyaarka ah kulanka Sampdoria iyo shax cusub oo uu dheeli doono Vincenzo Montella

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta AC Milan Vincenzo Montella ayaa soo bandhigay Cayaartoyda Naadigaas ee u diyaarka ah kulanka ...

Waa Maxay Nasiib darada kaga habsatay Gool dhalintii Cristiano Ronaldo?

(24-9-2017) Xiddiga Naadiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa shalay Xanaaq iyo madax xanuun kala baxay Garoonka kadib markii ...

Kadib Sadexleydii Alvaro Morata Chelsea oo qarka u saaran in ay jabiso Record u yaalay Arsenal?

(24-9-2017) kadib Guushii weyneyd ee ay Gaartay Chelsea kulankii Stoke City iyo Sadexleydii uu dhaliyey Alvaro Morata kooxda ...

Daawo Goos Gooska iyo sawirada bandhigii Paulo Dybala iyo Guushii Bianconeri

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Derby della Mole ee ay ladheeleen Naadiga ...

Romelu Lukaku kaligii oo aan ku soo laaban Magaalada Manchester welina baaqi ku ah Southampton Sabab?

(24-9-2017) Kadib Guushii ay ka gaareen kulankii ay lacayaareen Sabtigii kooxda Southampton .Cayaartoyda Manchester United ayaa ku soo laabtay Magaaladooda ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo Guul ka gaartay Kulankii Girona

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacayaareen kooxda Xiligaan soo ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Man United oo Guul Rafaad ah ka gaartay Southampton

(23-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa Guul dirqi ah ka Gaartay kulankii Xiisaha lahaa ee ay banaanka ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.