Saturday, January 20th, 2018

In aan habeen dheelno Waa Hor u mar laakiin isweydii Maxaa ku hoos duugan?

Published on September 8, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(08-09-2017) Maamulka Gobolka Banaadir waxa ay shaaciyeen in Finalka Cayaarihii degmooyinka la dheeli doono Caawa isla Markaana kulanku bilaaban doono marka lagaaro 7-00 da fiidkii waa wax wanaagsan oo aan horay u dhicin 27 Sano balse waa maxay waxa ku hoos qarsoon oo aydnaan fahmi karayn intiina aan si hoose ula socon Sportska dalka.

Hadaba aan kuu bayaaniyo Waxa keenay in xili habeen ah laqabto Finalka Cayaaraha degmooyinka Gobolka banadir isla Markaana qarash aad u badan lagu bixiyo Nalal waa weyn oo laga shiday Garonka Gudihiisa kuwaas oo sidoo kale loo baahanyahay inlays weydiiyo halka ay ku danbayn doonaan marka ay dhamaato cayaarta Caawa.

Baaritaan ay Samayse Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxaan ku ogaanay in uu jiro qilaaf ba.an oo u dhaxeeya Gudoomoyaha Gudiga Olombikada Gobolka Banaadir Xasan Wiish iyo Gudoomiyaha Xiririka kubada Cagta Soomaaliya C.qani Saciid Carab qilaafkaas oo ka dhashay cida maamuleysa Garoonka Koonis ama lagala tashanayo markii wax laga badaleyo ama Cayaaro lagu qabanayo.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa aaminsan in ay iyagu shaqsiyan u leeyihiin Garoonka Koonis ayna tahay in wax kasta oo kadhacaya ay maamulaan halka Xasan Wiish oo adeegsanayan awooda Maamulka Gobolka Banaadir uu doonayo in uu u madax banaanaado Garoonka wax kasta oo uu doonana  uu kahelo amar la aan.

Xasan Wiisha ayaa hadaba ah shaqsiga kadanbeeya in Xili habeen ah lagu dheelo Garoonka koonis isaga oo doonaya in ay Taariikhda u gasho in uu yahay qofkii u horeeyey kadib Xiligii bur burka suurta geliya in habeen ladheelo Cayaar kubada Cagta ah taas oo dhabar jab iyo in awoodii lagala wareegay ay u arkaan Cabdi qani saciid iyo Xiriirkiisa kubada Cagta.

Gudoomiyaha Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya ayaa ku maqan dalka dibadiisa Gaar ahaan dalka Sacuudiga oo uu ku soo gutay Waajibaadka Xajka waana qayb ka mid ah sababta u fududeysey in Xasan Wiish Nalal ku xiro Garoonka Koonis isla Markaana uu geeeyo boorar waa weyn oo lagu Xardhay Magaca iyo hal ku dhegyada Maamulka Gobolka banaadir taas oo aan dhacdeen hadii Gudoomiye C,qani uu Joogo dalka waayo waxa ay Garoonkaas kala diriraan in wax siyaasad ah ladhex keeno ama lagu arko.

Wiish oo ah Garsoore hore oo kubada Cagta ah isla Markaana heer Caalami ka gaaray ayaa dhawaan Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya ka kansaleen kujiritaankii Garsoorayaasha Caf iyo FIFA iyaga oo u sheegay hay adahaas in Xasan Wiish gaaray Xiligii kafariisiga arinkaas oo aan lagala tashan isaga Waana waxa soo dadajiyey in uu xumaado Xiriirka labada dhinac isla markaana keenay Xafiiltan dhanka kubada cagta ah oo u dhexeeya Gudiga Cayaaraha Gobolka Banaadir iyo Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo lagu yaqaan in aysan dooneyn cid aan iyaga ahayn in ay talaabo u qaado Cayaar Kubaad cagta ah.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Aqriso: Shirkii Jaraa id Jose Mourinho oo uu kaga hadlay Wax yaabo badan oo xiiso leh

(20-1-2018) Macalinka kooxda Kubada cagta Manchester United, Jose Mourinho ayaa xaqiijiyey in ay meel fiican marayaan wada-hadallada ay ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(20-1-2018) Galabta iyo Caawa waxaa laga dheeli doonaa qaarada yurub kulamo xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ...

Magacyada iyo Sawirada 11 Cayaaryahan oo lawada shaqeeyey Jose Mourinho iyo Pep Guardiola

(20-1-2018) Waxaa lagu wadaa in Cayaaryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez uu ku biiro Manchester United waxa uuna noqonayaa kii ...

Cristiano Ronaldo oo lumiyey booskiisa 10 ka Cayaaryahan ee ugu mushaarka badan Kubada cagta?

(19-1-2018) Cayaaryaahnka kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa lumiyey booskii uu kulahaa Cayaartoyda ugu Mushaarka badan ...

Boqorkii Kubadda Cagta Pele Oo Cusbitaal La Dhigay

(19-1-2018) Halyeygii kubadda cagta Brazil ayaa loola cararay cusbitaal ku yaalla waddanka Brazil gellinkii hore ee Khamiista. 77 jirkan ...

Daawo Sawirada Alexis Sanchez oo ku soo laabtay Tababarka Arsenal

(19-1-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada Cagta Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa Markii u horeysey beryahaan ka soo muuqday Tababarka ...

Waqtiga uu Zidane katagi doono Real Madrid oo la ogaadey?

(19-1-2018) Dhibaatooyinka badan ee aan marnaba lasii saadaalinin ee hoosta u dhigay Real Madrid, waxay sabab u noqonayaan ...

Mesut Ozil iyo Jack Wilshere oo dhawaan Saxiixi doona heshiis Cusub

(19-1-2018) Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa u laab qaboojiyey Taageerayaasha Naadigiisa kadib markii uu u sheegay in ...

Jose Mourinho oo War ka soo saaray heshiiska Alexis Sanchez?

(19-1-2018) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in uusan weli dhicin heshiiska ...

Chelsea oo heshiiska shaqsiga ah lagaartay Emerson Palmieri

(19-1-2018) Kooxda kubada Cagta Chelsea ee dalka England ayaa lasheegayaa in ay heshiiska shaqsiga ah lagaartay Cayaaryahanka dalka ...

Layaab! Chelsea oo baadi goobeysa 36 Sano jirka Peter Crouch

(19-1-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa bartilmaameed ka dhigatay gool dhaliyaha duqa ah ee Peter Crouch kaddib markii ...

Wararkii ugu danbeeyey Cayaaryahanda Alexis Sanchez iyo Henrikh Mkhitaryan+Sawiro

(19-1-2018) Cayaaryahanka dalka Chile ee dibad jooga ka ah Arsenal Alexis Sanchez ayaa subixii Jimcaha laga qaaday Sawiro xili ...

Real Madrid Oo Guul Xummad-Jebin Ah Ka Gaadhay Leganes+Sawiro

(19-1-2018) Gool uu dhamaadkii ciyaarta u dhaliyey Marco Asensio ayaa Real Madrid u saamaxay inay guul dirqi ah ...

Xiriirka UEFA oo baaritaan ku samaynaya Manchester United Sabab?

(18-1-2018) Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa laxaqiijiyey in ay baartaan ku samayn doonaan Manchester United ...

Warbixin: Dhibka haysta Real Madrid iyo Cayaartoyda ay doonayaan?

(18-1-2018) Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez waxa uu aaminsan yahay in wakhtigii BBC uu dhamaad ku dhow yahay, ...