Sunday, September 24th, 2017

Senegal vs South Africa: FIFA Oo Amartay In Lagu Celiyo Ciyaar Hore U Dhacday, Sababta Iyo Dalka Faa’iido Ka Heli Doona

Published on September 8, 2017 by   ·   No Comments

(08-09-2017) Cayaar ka tirsanayd isreeb-reebka waddamada Afrika ugu jiraan Koobka adduunka oo dhex martay waddamada Senegal iyo South Afrika bishii November ee sannadkii hore ayaa dib loogu celin doonaa, kaddib markii ay FIFA amartay in garsoorihii kulanka dhex-dhexaadinayay lagu helay eex iyo inuu sameeyey khaladaad waaweyn, sidaas daraadeedna laga mabnuucay inuu ciyaaro dambe ka gar-naqo.

Cayaartaas oo 2-1 ay ku badisay Konfur Afrika ayaa waxa uu garsoore Joseph Lamptey oo u dhashay Ghana uu si badheedh ah ugu eexday Koonfur Afrika oo uu ku abaal-mariyey rikoodhe aan jirin, isagoo ku andacooday in kubbad uu jilibka ku qabsaday difaacyahanka Napoli ee Kalidou Koulibaly ay gacan ay gacan ahayd.

Waddanka Senegal ayaa u gudbiyey FIFA dacwad la xidhiidha arrintan, taas oo sababtay in Lamptey laga mabnuuco inuu ciyaaro garsooro inta cimrigiisa ka hadhay.

Garsoore Lamptey waxa uu dhexdhexaadiyey qaar ka mid ah ciyaarihii Rio Olympics ee sannadkii hore dhacay, hase yeeshee, ciyaartan lagu celiyey ayaa waxa faa’iido weyn ka heli doonta Senegal oo xaq-darro lagaga badiyey ciyaartii hore.

Senegal waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad ee Group D, halka ay South Afrika ku jirto kaalinta afraad, waxaana ka dhibco badan oo ka sarreeya Burkina Faso iyo Cape Verde Islands.

Burkina Faso iyo Cape Verde waxay leeyihiin min lix dhibcood, Senegal shan ayay haysataa halka South Afrika ay ka leedahay afar, laakiin Senegal oo caddaalad darro lagaga badiyey kulankii Koonfur Afrika, haddii ay badiso waxay yeelan doontaa 8 dhibcood, waxaana hoos u degi doonta Koonfur Afrika oo ay saddex dhibcood ka go’i doonaan.

Waddanka ugu dhibcaha bata Group kasta ayaa u gudbi doona koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka, waxaana dalalka Afrika u hadhay min saddex ciyaarood oo kaliya.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Kenya oo laga xayuubiyey Xuquuqdii marti gelinta koobka African Nations Championship (CHAN) 2018 Sabab?

(24-9-2017) Shir ay isugu yimaadeen Gudiga fulinta Xiriirka kubada Cagta Africa ee Caf ayaa lagu Go aamiyey dalka ...

AC Milan oo shaacisay Cayaartoyda u diyaarka ah kulanka Sampdoria iyo shax cusub oo uu dheeli doono Vincenzo Montella

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta AC Milan Vincenzo Montella ayaa soo bandhigay Cayaartoyda Naadigaas ee u diyaarka ah kulanka ...

Waa Maxay Nasiib darada kaga habsatay Gool dhalintii Cristiano Ronaldo?

(24-9-2017) Xiddiga Naadiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa shalay Xanaaq iyo madax xanuun kala baxay Garoonka kadib markii ...

Kadib Sadexleydii Alvaro Morata Chelsea oo qarka u saaran in ay jabiso Record u yaalay Arsenal?

(24-9-2017) kadib Guushii weyneyd ee ay Gaartay Chelsea kulankii Stoke City iyo Sadexleydii uu dhaliyey Alvaro Morata kooxda ...

Daawo Goos Gooska iyo sawirada bandhigii Paulo Dybala iyo Guushii Bianconeri

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Derby della Mole ee ay ladheeleen Naadiga ...

Romelu Lukaku kaligii oo aan ku soo laaban Magaalada Manchester welina baaqi ku ah Southampton Sabab?

(24-9-2017) Kadib Guushii ay ka gaareen kulankii ay lacayaareen Sabtigii kooxda Southampton .Cayaartoyda Manchester United ayaa ku soo laabtay Magaaladooda ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo Guul ka gaartay Kulankii Girona

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacayaareen kooxda Xiligaan soo ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Man United oo Guul Rafaad ah ka gaartay Southampton

(23-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa Guul dirqi ah ka Gaartay kulankii Xiisaha lahaa ee ay banaanka ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.