Sunday, September 24th, 2017

Degamada Waaberi:- Xiriirka kubada cagta iyo Garsoore Maxamed Soomaali waxay doonayeen in ay fashiliyaan Cayaaraha degmooyinka?

Published on September 9, 2017 by   ·   No Comments

(09-09-2017) Mid ka mid ah Madaxada Olombikada degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa eedeyn dusha ka saaray Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya isaga oo ku eedeeyey in ay doonayeen in fashiliyaan Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qofkaan oo diidey in aan Saxaafada Magaciisa u adeegsano ayaa Shabakedda qalinkacayaaraha Tilifoon ugu sheegey in Cayaartii Finalka ahayd ee dhexmartay Waaberi iyo Hodan uu qaladaad aad u badan ka sameeyey Garsoorihii kulankaas oo lagu Magacaabo Maxamed Soomaali kaas oo ay sheegeen in ay Horay uga dacwoodeen in aan lagu soo qorin Cayaarta Finalka maadaama intii koobkaan socdey uu ka galay qalad muuqda.

Ninkaan u hadlay Degmada Waaberi ayaa intaa ku daray in Cayaar hada kahor ay dheeleen intii uu socdey koobkaan uu Maxamed Soomaali ka dhigay Rigoore qalad ah Roosana ka siiyey Cayaaryahan isla Markaana  daraadiis loo ganaaxay Macalinkii degmada Waaberi ayna  u sheegeen Xiriirka  in aysan markale ku soo qorin Cayaara ay dheelayaan maadaama uu Ninkaas yahay mid si Gooni ah ula dagaashan degmadooda.

Sidoo kale Waxay degmada Waaberi sheegeen in Cayaartii Finalka ahayd ee Xalay uu ka dhigay demadooda Rigoore been ah hadana iyada oo aan qalad dhicin uu amray in lagu celiyo kaaga sii darane waxa uu bixiyey Roose aan ilaa hada Naloo sheegin waxa uu ku bixiyey Garsoorihii kulankii Xalay ayuu hadalkiisa kusii daray ruuxaan katirsan Gudiga Olombikada degmada Waaberi.

Waxaa kaloo jira in qofkaan waraysiga siiyey qalinkacayaaraha uu sheegay in ay jiraan dad degan degmada waaberi kana tirsan Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya ay iyagu ahaayeen kuwa ka danbeeyey shirqoolka lala doonayey degmadooda kuwaas oo dagaal kala dhaxeeyo sida uu sheegey Maamulka degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Waaberi ayaa 3-1 ku Garaacday dhigooda Hodan iyaga oo 10 Cayaaryahan ku dheeley inta badan Cayaartii Finalka ahayd ee xalay dhacay kaas oo ay daawadeen dadkii ugu badan ee Garoon soo gala mudooyinkii ugu danbeeyey Cayaaraha dalka Soomaaliya.

 

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Kenya oo laga xayuubiyey Xuquuqdii marti gelinta koobka African Nations Championship (CHAN) 2018 Sabab?

(24-9-2017) Shir ay isugu yimaadeen Gudiga fulinta Xiriirka kubada Cagta Africa ee Caf ayaa lagu Go aamiyey dalka ...

AC Milan oo shaacisay Cayaartoyda u diyaarka ah kulanka Sampdoria iyo shax cusub oo uu dheeli doono Vincenzo Montella

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta AC Milan Vincenzo Montella ayaa soo bandhigay Cayaartoyda Naadigaas ee u diyaarka ah kulanka ...

Waa Maxay Nasiib darada kaga habsatay Gool dhalintii Cristiano Ronaldo?

(24-9-2017) Xiddiga Naadiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa shalay Xanaaq iyo madax xanuun kala baxay Garoonka kadib markii ...

Kadib Sadexleydii Alvaro Morata Chelsea oo qarka u saaran in ay jabiso Record u yaalay Arsenal?

(24-9-2017) kadib Guushii weyneyd ee ay Gaartay Chelsea kulankii Stoke City iyo Sadexleydii uu dhaliyey Alvaro Morata kooxda ...

Daawo Goos Gooska iyo sawirada bandhigii Paulo Dybala iyo Guushii Bianconeri

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Derby della Mole ee ay ladheeleen Naadiga ...

Romelu Lukaku kaligii oo aan ku soo laaban Magaalada Manchester welina baaqi ku ah Southampton Sabab?

(24-9-2017) Kadib Guushii ay ka gaareen kulankii ay lacayaareen Sabtigii kooxda Southampton .Cayaartoyda Manchester United ayaa ku soo laabtay Magaaladooda ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo Guul ka gaartay Kulankii Girona

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacayaareen kooxda Xiligaan soo ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Man United oo Guul Rafaad ah ka gaartay Southampton

(23-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa Guul dirqi ah ka Gaartay kulankii Xiisaha lahaa ee ay banaanka ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.