Sunday, September 24th, 2017

Daawo Sawirada Mo Farah oo ku guuleystay Orodka Great North Sanadkii 4-aad Oo Xidhiidh Ah

Published on September 10, 2017 by   ·   No Comments

(11-9-2017) Orod-yahan Sir Mo Farah ayaa mar kale taariikh dhigay Axadii kadib markii uu ku guuleystay Horyaalnimada tartanka Orodka ee Great North Run markii afraad oo xidhiidh ah.

Mucjisada orodka afarta biladood ee dahabka ah ka haysta Olambiga aduunyadu, wuxuu kaga adkaatay tartankan, orodyahanka reer New Zealand ee Jake Robertson markii lagu dhawaa xariiqda dhamaadka, waxaanu ku dhamaystiray, saacad iyo lix ilbidhiqsi.

Maxamed Faarax, wuxuu sidaas ku noqonayaa, orodyahankii ugu horeeyey abid ee afar jeer oo isku xiga ku guuleysta bilada dahabka ah ee tartanka the Great North Run, Wuxuuse xaga shaqsiyada ugu guulaha badan kala sinmay, orodyahankii hore ee Benson Masya oo reer Kenya ahaa, kaas oo afar jeer oo kala duwan biladan ku guuleystay sanadihii 1991, 1992, 1994 iyo 1996.

“Waxay runtii, aad iyo aad ahayd xaalad adag,” ayuu Farah ku yidhi warfidiyaha BBC. “Waxay ila tahay inay ku timid uun tabobarka xaqiiqatan.

“Markii ay ka hadhsanayd afar mayl, waxaan ahaa mid laga horeeyo – laakiin waxaan maamulay inaan kalsooni naftayda ku qabo, waanan ogaa inaan xiliga u dambeeya dar-dar la soo baxayo.

“Isku daygiina wuu ii shaqeeyey, aad baanan ugu faraxsanahay uguna raaxaysanayaa inaan riyadii ku naaloodo. Aad baan ugu riyaaqsanahay sida kalkani uu ku soo dhamaaday.”

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Kenya oo laga xayuubiyey Xuquuqdii marti gelinta koobka African Nations Championship (CHAN) 2018 Sabab?

(24-9-2017) Shir ay isugu yimaadeen Gudiga fulinta Xiriirka kubada Cagta Africa ee Caf ayaa lagu Go aamiyey dalka ...

AC Milan oo shaacisay Cayaartoyda u diyaarka ah kulanka Sampdoria iyo shax cusub oo uu dheeli doono Vincenzo Montella

(24-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta AC Milan Vincenzo Montella ayaa soo bandhigay Cayaartoyda Naadigaas ee u diyaarka ah kulanka ...

Waa Maxay Nasiib darada kaga habsatay Gool dhalintii Cristiano Ronaldo?

(24-9-2017) Xiddiga Naadiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa shalay Xanaaq iyo madax xanuun kala baxay Garoonka kadib markii ...

Kadib Sadexleydii Alvaro Morata Chelsea oo qarka u saaran in ay jabiso Record u yaalay Arsenal?

(24-9-2017) kadib Guushii weyneyd ee ay Gaartay Chelsea kulankii Stoke City iyo Sadexleydii uu dhaliyey Alvaro Morata kooxda ...

Daawo Goos Gooska iyo sawirada bandhigii Paulo Dybala iyo Guushii Bianconeri

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Derby della Mole ee ay ladheeleen Naadiga ...

Romelu Lukaku kaligii oo aan ku soo laaban Magaalada Manchester welina baaqi ku ah Southampton Sabab?

(24-9-2017) Kadib Guushii ay ka gaareen kulankii ay lacayaareen Sabtigii kooxda Southampton .Cayaartoyda Manchester United ayaa ku soo laabtay Magaaladooda ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo Guul ka gaartay Kulankii Girona

(24-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul ka Gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacayaareen kooxda Xiligaan soo ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Man United oo Guul Rafaad ah ka gaartay Southampton

(23-9-2017) Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa Guul dirqi ah ka Gaartay kulankii Xiisaha lahaa ee ay banaanka ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.