Friday, September 22nd, 2017

FC: Banaadir oo dhigatay xaflad ay ugu dabaal dageyso hanashada horyaalka heerka labaad + SAWIRRO

Published on September 13, 2017 by   ·   No Comments

(13-9-2017) Kooxda FC Banaadir ayaa xaflad si heer sare loo soo aggaasimay ugu dabaal degtay hanashada horyaalka heerka labaad oo ay kooxda ku guuleystay.

Xafladaan oo ka dhacay  Indian Ocean ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo uu hoggaaminayo guddomiye ku xigeenka xiriirka Cali Shiine, guddoomiyayaasha 25-ta kooxood ee ka dhisan dalka, halyeeyo horay usoo maray qaranka Soomaaliya, Xasan Macalin oo ah xildhibaan horay usoo maray dowlada iyo maareeyihii hore ee Dekedda Cabdi Jiinoow oo sidoo kale soo noqday guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Dhexe

Guddoomiyaha kooxda FC: Banaadir  Cumar Mugaambe  ayaa furay munaasibadda isagoo ka sheekeeyay taariikhda dheer ee naadiga ,waxa uuna ugu dambeyn u mahad celiyay xiddigaha kooxda heerka koowaad soo gaarsiiyay.

Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo isna ah gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee Xiriirka Soomaaliyeed  kubada cagta ayaa ugu hambalyeeyay kooxda heerka ay soo gaartay,isagoo u baaqay maamulka iyo ciyaartooyda naadiga in ay ku dadaalaan sidii ay heerka koowaad usii joogi lahaayeen.

Bashiir Dheere oo ku hadlay afka guddoomiyayaasha kooxaha ayaa ku aamanay maamulka naadiga sida wanaagsan ay iskula shaqeynayaan, waxa uuna dhanka kale sheegay in naadiga ay tahay kooxdii ugu horeysay ee xaflad ku kulmisa guddoomiyaasha 25-ka kooxood ee dalka ka ciyaara.

Ugu dambeyn  Cabdi Jiinoow oo horay usoo noqday maareeyihii Dekedda muqdihso iyo sidoo kale guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa kooxda kula taliyay in is badel ay sameyso mahadaama ay galeyso waji cusub oo uu ula jeeday in naadiga ay la ciyaari doonto koox ka adag kuwii ay horay ugu soo aragtay heerka labaad.

Sikastaba kooxda ayaa waxaa macalimiin u ah C/Kariin Boqori iyo walaalkiis Bakar oo ugu dambeyn kooxda soo gaarsiiyeen heerka koowaad, waxaana shahaado sharaf la guddoonsiiyay  shaqsiyaadkii ka qeyb qatay horumarka  naadiga.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Wargeyska L’Équipe oo Marco Asensio u aqoonsaday Xiddiga ugu fiican Caalamka kuwa 21 ka Sano ka hooseeya

(23-9-2017) Wargeyska L'Équipe ee ka soo baxa dalka France ayaa abaal marin Gudoonsiiyey Cayaaryahanka Xulka Spain iyo Real ...

Liverpool iyo Man Utd oo ku dagaalamaya New Mbappe?

(23-9-2017) Kooxaha Horyaalka dalka England ee kala ah Liverpool iyo Manchester United ayaa isku haysta sida lacadeeyey Cayaaryahan ...

Daawo Sawirada Boqolaal Taageerayaasha Atletico Madrid ah oo sida geesiga u soo dhaweeyey Diego Costa

(22-9-2017) Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha kooxda Atletico Madrid ayaa si diiran u soo dhaweeyey Weeraryahanka dalka Spain ...

Gonzalo Higuain haloo diro Todobaadyo dalxiis ah waayo waxba uma hayo Juventus?

(22-9-2017) Mid ka mid ah Cayaartoydii Caanka ahayd ee soo martay kooxda Juventus Fabrizio Ravanelli ayaa Weerar ku qaaday ...

Magacyada iyo Sawirada 7 Cayaaryahan oo Barcelona ku soo qaadan karto heshiiska Xorta ah si ay ugu badashaan Dembele,

(22-9-2017) Kadib dhaawicii soo gaaray Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Ousmane Dembele kaas oo lasheegay in uu dhaawac dheer ...

Lionel Messi oo Hogaaminaya liiska Cayaartoyda ugu awooda badan Xiligaan Horyaalka Spain

(22-9-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa Hogaanka u haya Cayaartoyda ugu awooda badan Xiligaan Horyaalka ...

Alvaro Morata oo Fariin qoraaleed u qoray Xiddig Real Madrid ah muxuu u sheegey?

(22-9-2017) Weeraryahanka kooxda kubada Cagta Chelsea Alvaro Morata ayaa lacadeeyey in uu fariin qoraaleed u qoray mid ka ...

Yaa kala dhaliyey Goolasha u tartami doona kii ugu qurxoonaa Caalamka oo dhan xiligii lasoo dhaafay?

(22-9-2017) Xiriirka kubada Cagta Calamka ayaa soo saartay Magacyada Cayaartoyda u Taratami doonta Goolkii ugu qurxoonaa ee ladhaliyey ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.