Friday, September 22nd, 2017

7 ka mid ah Cayaartoyda Safka hore ee kooxda Arsenal oo seegi doona kulanka Europa League ee Caawa+Sawiro

Published on September 14, 2017 by   ·   No Comments

(14-9-2017) Kooxda kubada cagta Arsenal ee dalka England oo Caawa dheeli doonta kulankeedii koowaad ee koobka UEFA Europa League ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin dhanka dhaawacyada ah kadib markii Tababarka Naadiga laga waayey 7 Cayaaryahan oo Safka hore ah.

Macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaciyey in cayaarta ay ladheelayaan caawa Naadiga Cologne aysan dheeli doonin Cayaartoyda kala ah Petr Cech, Laurent Koscielny, Alexandre Lacazette, Danny Welbeck, Granit Xhaka, Mesut Ozil iyo Aaron Ramsey  kuwaas oo aan dhamaantood soo Xaadirin Tababarka subixii Arbacada.

Arsene Wenger ayaa sheegay in Xiddigahaan Sababta uusan u dheelsiin doonin ay tahay iyada oo ay jiraan kuwo qaba dhaawacyo yar yar iyo kuwo uu u Nasiyey Cayaarta Horyaalka England ee ay lacayaari doonaan Chelsea isaga oo sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay xiligaan muhiimada koowaad siin doonaan Horyaalka oo ay doonayaan in ay qaadan 13 sano kadib.

Safka macquulka ah ee ay Caawa Garoonka ku soo geli doonaan Arsenal?

Probable line-up: Ospina; Holding, Mertesacker, Mustafi; Bellerin, Wilshere, Elneny, Kolasinac; Sanchez, Iwobi; Giroud.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Liverpool iyo Man Utd oo ku dagaalamaya New Mbappe?

(23-9-2017) Kooxaha Horyaalka dalka England ee kala ah Liverpool iyo Manchester United ayaa isku haysta sida lacadeeyey Cayaaryahan ...

Daawo Sawirada Boqolaal Taageerayaasha Atletico Madrid ah oo sida geesiga u soo dhaweeyey Diego Costa

(22-9-2017) Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha kooxda Atletico Madrid ayaa si diiran u soo dhaweeyey Weeraryahanka dalka Spain ...

Gonzalo Higuain haloo diro Todobaadyo dalxiis ah waayo waxba uma hayo Juventus?

(22-9-2017) Mid ka mid ah Cayaartoydii Caanka ahayd ee soo martay kooxda Juventus Fabrizio Ravanelli ayaa Weerar ku qaaday ...

Magacyada iyo Sawirada 7 Cayaaryahan oo Barcelona ku soo qaadan karto heshiiska Xorta ah si ay ugu badashaan Dembele,

(22-9-2017) Kadib dhaawicii soo gaaray Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Ousmane Dembele kaas oo lasheegay in uu dhaawac dheer ...

Lionel Messi oo Hogaaminaya liiska Cayaartoyda ugu awooda badan Xiligaan Horyaalka Spain

(22-9-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa Hogaanka u haya Cayaartoyda ugu awooda badan Xiligaan Horyaalka ...

Alvaro Morata oo Fariin qoraaleed u qoray Xiddig Real Madrid ah muxuu u sheegey?

(22-9-2017) Weeraryahanka kooxda kubada Cagta Chelsea Alvaro Morata ayaa lacadeeyey in uu fariin qoraaleed u qoray mid ka ...

Yaa kala dhaliyey Goolasha u tartami doona kii ugu qurxoonaa Caalamka oo dhan xiligii lasoo dhaafay?

(22-9-2017) Xiriirka kubada Cagta Calamka ayaa soo saartay Magacyada Cayaartoyda u Taratami doonta Goolkii ugu qurxoonaa ee ladhaliyey ...

Sadexda Kooxood ee u tartami doona in leeyihiin Taageerayaashii ugu fiicnaa Caalamka

(22-9-2017) Xiriirka Kubada Cagta Caalamka ee FIFA ayaa soo Saaray Magacyada 3 da kooxood ee u Tartami doona ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.