Friday, September 22nd, 2017

Cali Shiine” Cidna lama sheegan karto Xiriirka kubada cagta hirgelinta in Habeen ladheelo Finalkii Cayaaraha degmooyinka

Published on September 14, 2017 by   ·   No Comments

(14-9-2017) Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa shaaca ka qaaday in ay ahaayeen kuwii lahaa fikirka iyo hirgelinta in ladheelo xili Habeen ah Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaas oo sumcad aad u badan u soo hooyey Magaalada Nabad gelyo xumido dilootey ee Muqdisho.

Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo kahadlayey Xaflad ay dhigtay kooxda FC Banaadir oo ah Naadigii qaaday Horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya una soo gudubtey heerka koowaad khamiistii lasoo dhaafay ayaa Hoosta ka xariiqay in Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya Hirgeliyey Nalalka lagu xiray Garoonka Koonis kuwaas oo suurta geliyey in Xili Habeen ah ladheelo Cayaar kubada cagta ah in kabadan 30 Sano kadib.

Cali Shiine ayaa intaa ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir ay uga mahadcelinayaan Garab istaagii ay ka heleen xiligii ay hirgelinayeen in Nalal waa weyn lagu Xiro Garoonka isaga oo sidoo kale iclaamiyey in hada kadib ay dhici doonaan Cayaaro ladheelayo habeenkii  isla Markaana Nalal kale oo dheeraad ah ay dalabadeen laguna xiri doono Garoonka Koonis.

Sheegashada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ee ku aadan in ay leeyihiin amaanta qabashadii Cayaartii Finalka ahayd ee Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa kor u sii qaadeysa Warar beryahaan laysla dhex marayey oo ahaa cida kadanbeysey qabashada shaqadii amaanta badanayd ee lagu Naleeyey Garoonka koonis waxaana jirta in Maamulka Gobolka waaxdiisa Cayaaruhu in ay Warbaahinta ka sheegeen in ay iyagu qabteen shaqadaas ayna tahay in aan laxaqarin wax qabadkooda.

Sida Xaqiiqda ah waxaa muuqata loolan u dhexeeya Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta iyo Gudiga Olombikada Gobolka Banaadir oo uu Hogaamiyo Xasan Wiish kaas oo markasta cabasho ka muujiya wada shaqaynta ay kahelaan Xiriirka oo aan ogoleyn in cid aan iyaga ahayn ka muuqato kubada Cagta Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa jirta in Saxaafada Sportska Soomaaliya ogaatey in Xiririka kubada Cagta aduunka ee FIFA bixiyeen bajad ay ugu talo galeen in lagu Naleeyo labada Garoon ee Koonis iyo Jaamacadaha Sanadkii 2013 balse Xiririka Soomaaliya uusan qaban shaqadaas iyada oo ay muuqato in ay hada ku baraarugeen faa iidada ay leedahay in Xili Habeen ah lacaaro Cayaaraha kubada Cagta qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Liverpool iyo Man Utd oo ku dagaalamaya New Mbappe?

(23-9-2017) Kooxaha Horyaalka dalka England ee kala ah Liverpool iyo Manchester United ayaa isku haysta sida lacadeeyey Cayaaryahan ...

Daawo Sawirada Boqolaal Taageerayaasha Atletico Madrid ah oo sida geesiga u soo dhaweeyey Diego Costa

(22-9-2017) Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha kooxda Atletico Madrid ayaa si diiran u soo dhaweeyey Weeraryahanka dalka Spain ...

Gonzalo Higuain haloo diro Todobaadyo dalxiis ah waayo waxba uma hayo Juventus?

(22-9-2017) Mid ka mid ah Cayaartoydii Caanka ahayd ee soo martay kooxda Juventus Fabrizio Ravanelli ayaa Weerar ku qaaday ...

Magacyada iyo Sawirada 7 Cayaaryahan oo Barcelona ku soo qaadan karto heshiiska Xorta ah si ay ugu badashaan Dembele,

(22-9-2017) Kadib dhaawicii soo gaaray Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Ousmane Dembele kaas oo lasheegay in uu dhaawac dheer ...

Lionel Messi oo Hogaaminaya liiska Cayaartoyda ugu awooda badan Xiligaan Horyaalka Spain

(22-9-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa Hogaanka u haya Cayaartoyda ugu awooda badan Xiligaan Horyaalka ...

Alvaro Morata oo Fariin qoraaleed u qoray Xiddig Real Madrid ah muxuu u sheegey?

(22-9-2017) Weeraryahanka kooxda kubada Cagta Chelsea Alvaro Morata ayaa lacadeeyey in uu fariin qoraaleed u qoray mid ka ...

Yaa kala dhaliyey Goolasha u tartami doona kii ugu qurxoonaa Caalamka oo dhan xiligii lasoo dhaafay?

(22-9-2017) Xiriirka kubada Cagta Calamka ayaa soo saartay Magacyada Cayaartoyda u Taratami doonta Goolkii ugu qurxoonaa ee ladhaliyey ...

Sadexda Kooxood ee u tartami doona in leeyihiin Taageerayaashii ugu fiicnaa Caalamka

(22-9-2017) Xiriirka Kubada Cagta Caalamka ee FIFA ayaa soo Saaray Magacyada 3 da kooxood ee u Tartami doona ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.