Tuesday, September 19th, 2017

Ander Herrera oo ku soo laabtay Tababarka si uu u buuxiyo booskii Paul Pogba+Sawiro

Published on September 15, 2017 by   ·   No Comments

(15-9-2017) Cayaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester United Ander Herrera ayaa ku soo laabtay Tababarka Naadiga si uu u buuxiyo booskii uu ka dhawaacamay Cayaaryahanka dalka France ee Paul Pogba kaas oo Garoomada ka maqnaan doona mudo 4 Todobaad ah.

Ander Herrera ayaan ka mid ahayn Cayaartoyda Joogtadsa ah ee manchester United Xiligaan balse waxa uu heli doonaa boos uu rasmiyan uga dheelo inta uu maqanyahay Paul Pogba oo dhaawac ka soo gaaray kulankii koobka Horyaalada yurub ee ay lacayaareen Basle.

Macalinka Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay maqnaasha iyo dhaawaca soo gaaray Cayaaryahankiisa Paul Pogba kaas oo uu ku sheegay in uu ahaa midka ugu muhiimsan khadka dhexe ee kooxdiisa balse ay isku dayi doonaan in ay buuxiyaan booskiisa.

Daafacyada Chris Smalling iyo Victor Lindelof ayaa dib ugu laaban doona kursiga keydka kadib markii ay Cayaareen kulankii koobka Horyaalada yurub ee ay is qaabileen Basle iyada oo ay ku soo bilaabaan doonaan Cayaarta Everton Xiddigaha Eric Bailly iyo Phil Jones kuwaas oo Ganaax ku maqnaa Cayaartii koobka Horyaalada yurub.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Arsene Wenger iyo Alex Ferguson oo caawa kulan Cayaareed markale isaga hor imaan doona Sabab?

(20-9-2017) Dunida kubada cagta Caalamka ayaa markale dib u Xasuusan doonta Caawa marka ay maqlaan Magacyada Macalimiintii mudada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Bandhigii Barcelona iyo 4 Gool oo uu dhaliyey Lionel Messi

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Horyaalka Spain ee ay xalay ladheeleen ...

Cayaaryahan ay lahayd Juventus oo ku Geeriyoodey dalka Maraykanka?

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa shaacisay Geerida mid ka mid ah Cayaartoydeeda oo ku ...

Taageerayaasha Manchester United oo lagu dacweeyey hees ay u qaadaan Romelu Lukaku taas oo Tilmaameysa Xubintiisa Taranka

(20-9-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lagu eedeeyey in ay hees lagu tilmaamay anshax daro iyo ...

Jose Mourinho oo ku dhawaaqay Xiddiga ugu qoran Rigoore dhalinta Waa kuma?

(20-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday Cayaaryahanka ugu qoran in uu ...

Marcel Desailly oo lagu Casuumay Finalkii Tartanka K/Cagta Djibouti Cup lana kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele+Sawiro

(20-9-2017) Kooxda ciiddamada gendermarie ee dalka Jabuuti ayaa ku guulaystay tartanka kubada cagta ee lo yaqaan Djibouti Cup ...

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu ...

Danny Welbeck oo lashaaciyey mudo uu Garoomada dhaawac uga maqnaan doono?

(19-9-2017) Kooxda kubada Cagta Arsenal ee dalka England ayaa shaacisay dhaawac soo gaaray Weeraryahankeeda Danny Welbeck kaas oo ka ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.