Tuesday, September 19th, 2017

Alvaro Morata oo ka sheekeeyey Sababtii uu u diidey Man United uguna biirey Chelsea

Published on September 16, 2017 by   ·   No Comments

(16-9-2017) Weeraryahankii hore ee kooxda kubada cagta Real Madrid Alvaro Morata ayaa ka sheekeeyey Sababtii uu ugu biiri waayey Manchester United una doortay Kooxda uu hada u Cayaaro ee Chelsea.

Alvaro Morata oo Waraysi siiyey Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in uu doonayey ku biiritaanka Manchester United intii uusan Tilifoon ka soo wicin Macalinka dalka Talyaaniga ee Antonio Conte kaas oo u sheegay in uu dhankiisa u soo Wareego.

Xiddigaan ayaa intaa ku daray in uu kooxdiisa Cadaadis ku Saarayey in deg deg looga iibiyo Manchester United isla Markaana uu diidey Tababarka Real Madrid balse uu fikirkiisa badalay Markii uu ku calaacalay Macalin Antonio Conte kana aqbalay in uu kooxda London u soo dhaqaaqo.

Manchester United ayaa lawareegtay Romelu Lukaku.intii uusan Alvaro Morata ku biirin kooxda Chelsea Waxayna sheegeen in Macalin Jose Mourinho uu doorbidayey Romelu Lukaku.intii uu soo qaadan lahaa Alvaro Morata balse Weeraryahanka dalka Spain ayaa sheegay in uu isagu diidey ku biiritaanka Man United kana doortay Chelsea markii uu Codsaday Macalin Antonio Conte.

during the Premier League match between Leicester City and Chelsea at The King Power Stadium on September 9, 2017 in Leicester, England.

during the Premier League match between Liverpool and Arsenal at Anfield on August 27, 2017 in Liverpool, England.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Arsene Wenger iyo Alex Ferguson oo caawa kulan Cayaareed markale isaga hor imaan doona Sabab?

(20-9-2017) Dunida kubada cagta Caalamka ayaa markale dib u Xasuusan doonta Caawa marka ay maqlaan Magacyada Macalimiintii mudada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Bandhigii Barcelona iyo 4 Gool oo uu dhaliyey Lionel Messi

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Horyaalka Spain ee ay xalay ladheeleen ...

Cayaaryahan ay lahayd Juventus oo ku Geeriyoodey dalka Maraykanka?

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa shaacisay Geerida mid ka mid ah Cayaartoydeeda oo ku ...

Taageerayaasha Manchester United oo lagu dacweeyey hees ay u qaadaan Romelu Lukaku taas oo Tilmaameysa Xubintiisa Taranka

(20-9-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lagu eedeeyey in ay hees lagu tilmaamay anshax daro iyo ...

Jose Mourinho oo ku dhawaaqay Xiddiga ugu qoran Rigoore dhalinta Waa kuma?

(20-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday Cayaaryahanka ugu qoran in uu ...

Marcel Desailly oo lagu Casuumay Finalkii Tartanka K/Cagta Djibouti Cup lana kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele+Sawiro

(20-9-2017) Kooxda ciiddamada gendermarie ee dalka Jabuuti ayaa ku guulaystay tartanka kubada cagta ee lo yaqaan Djibouti Cup ...

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu ...

Danny Welbeck oo lashaaciyey mudo uu Garoomada dhaawac uga maqnaan doono?

(19-9-2017) Kooxda kubada Cagta Arsenal ee dalka England ayaa shaacisay dhaawac soo gaaray Weeraryahankeeda Danny Welbeck kaas oo ka ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.