Tuesday, September 19th, 2017

Ousmane Dembele oo mudo 4 bilood ah dhaawac uga maqnaan doona Barcelona

Published on September 17, 2017 by   ·   No Comments

(17-9-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa lasheegayaa in uu Garoomada kaga maqnaan doono dhaawac mudo 4 bilood ah dhaawacaas oo soo gaaray kulankii Horyaalka dalka Spain ee ay ladheeleen kooxda Getafe.

War qoraal ah oo lagu faafiyey barta Internetka kooxda Barceona ayaa lagu Cadeeyey in Ousmane Dembele uu mudo 4 bilood ah dhaawac uga maqnaan doono Garoomada Waxaana dhaawacaas uu ka soo Gaaray Muruqa daqiiqadii 25 aad ee kulankii Horyaalka Spain ee Barcelona 2-1 kaga badisay Getafe.

Ousmane Dembele ayaa lasheegayaa in Todobaadkaan Gudihiisa qaliin looga samayn doono muruqa qaliinkaas oo ka dhici doona dalka Finland Waxaana lafilayaa in uu ugu yaraan Garoomada ka maqnaado 4 ta bilood ee soo socota.

Barcelona ayaa Xiddigaan 20 Sano jirka ah ka soo qaadatay Xiligaan Naadiga ,Borussia Dortmund kadib markii ay bixiyeen aduun lacageed gaaraya £135.5m, iyada oo ladoonayey in uu buuxiyo booskii Neymar oo ay iibsatay PSG balse dhaawaca soo gaaray ayaa ah mid aad Nasiib daro ugu ah Cayaaryahanka iyo naadigiisa.

99 koronto100

WARARKII UGU DANBEEYAY EE CAYAARAHA

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Bandhigii Barcelona iyo 4 Gool oo uu dhaliyey Lionel Messi

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Horyaalka Spain ee ay xalay ladheeleen ...

Cayaaryahan ay lahayd Juventus oo ku Geeriyoodey dalka Maraykanka?

(20-9-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa shaacisay Geerida mid ka mid ah Cayaartoydeeda oo ku ...

Taageerayaasha Manchester United oo lagu dacweeyey hees ay u qaadaan Romelu Lukaku taas oo Tilmaameysa Xubintiisa Taranka

(20-9-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lagu eedeeyey in ay hees lagu tilmaamay anshax daro iyo ...

Jose Mourinho oo ku dhawaaqay Xiddiga ugu qoran Rigoore dhalinta Waa kuma?

(20-9-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday Cayaaryahanka ugu qoran in uu ...

Marcel Desailly oo lagu Casuumay Finalkii Tartanka K/Cagta Djibouti Cup lana kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele+Sawiro

(20-9-2017) Kooxda ciiddamada gendermarie ee dalka Jabuuti ayaa ku guulaystay tartanka kubada cagta ee lo yaqaan Djibouti Cup ...

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu ...

Danny Welbeck oo lashaaciyey mudo uu Garoomada dhaawac uga maqnaan doono?

(19-9-2017) Kooxda kubada Cagta Arsenal ee dalka England ayaa shaacisay dhaawac soo gaaray Weeraryahankeeda Danny Welbeck kaas oo ka ...

Lionel Messi 11 Rigoore ayaan siiyey Neymar Xiligii lasoo dhaafay

(19-9-2017) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.ayaa shaaca ka qaaday in uu siiyey 11 Rigoore Saaxiibkii Neymar Xili Cayaareedkii ...
.

Halkaan Ka Daawo Ciyaaraha Dalka

.