Thursday, October 19th, 2017

Mustaqbalka Edinson Cavani ee PSG oo mugdi galay kadib markii Neymar dalbaday in laga diro kooxda

Published on September 19, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(19-9-2017) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay dalka France ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka Braziil ee Neymar uu dalbaday in kooxda PSG laga diro Weeraryahanka  Edinson Cavani kaas oo ay Todobaadkaan ku dagaalameen Rigoore loo dhigay kooxda PSG.

Naadiga Paris Saint-Germain ayaa lasheegayaa in ay aqbali doonaan dalabka Xiddiga aduunka ugu qaalisan ee Neymar isla markaana ay bisha Janaayo iska iibin doonaan Xiddiga Edinson Cavani kaas oo Rigoore u diidey Neymar kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Lyon.

Madaxweynaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa lasheegayaa in uu aad u Taageersanyahay 25 Sano jirka dalka Braziil kaas oo uu doonayo in looga danbeeyo waxkasta oo kooxdu hesho sida Rigoorooyinka iyo laadadka xorta ah taas oo uusan aqbali doonin sida lasheegay  Edinson Cavani oo Naadiga kaga soo horeeyey.

Xiddiga dalka Uruguay ayaa heshiiskiisa PSG Waxaa ka dhiman mudo 3 Sano ah waxaana macquul ah ayaa la leeyahay in kooxda dalka France ay iska diraan marka lagaaro bisha Janaayo in kasta oo aan sirasmi ah loo xaqiijin hadana Warbaahinta qaar ayaa sheegtay in taasi dhici doonto.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester United oo halkoo Gool oo alle kusii ah kaga badisay Benfica

(19-10-2017) Kooxda kubada Cagta Manchster United ayaa Guul dirqi ah ka gaartay kulankii koobka Horyaalada yurub ee ay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Juventus oo dirqi kaga badisay Sporting Cp

(19-10-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa iyada oo joogta Garoonkeeda ka bad baaday in laga ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo 10 qof ku Garaacday Olympiacos

(19-10-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul kagaartay kulankii ay ladheeleen kooxda dalka Giriiga ee Olympiacos iyaga oo weliba ...

FT: Chelsea 3-3 Roma+Sawiro

(18-10-2017) Gooool  Eden Hazard Edin Dzeko Edin Dzeko Aleksandar Kolarov Eden Hazard David Luiz Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Chelsea: Courtois, Azpilicueta, Christensen, Cahill, Zappacosta, Fabregas, Luiz, ...

FT: Benfica 0-1 Manchester United+Sawiro

(18-10-2017) Gooool Marcus Rashford Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. United: De Gea, Valencia, Lindelof, Smalling, Blind, ...