Thursday, October 19th, 2017

Daawo Sawirada Boqolaal Taageerayaasha Atletico Madrid ah oo sida geesiga u soo dhaweeyey Diego Costa

Published on September 22, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(22-9-2017) Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha kooxda Atletico Madrid ayaa si diiran u soo dhaweeyey Weeraryahanka dalka Spain ee Diego Costa kaas oo sirasmi ah loogu dhawaaqay in uu heshiis lagaaray Naadigiisii hore.

Xiddigaan ayaa ka soo duulay dalka Braziil waxaana safar dheer ka dib uu soo Gaaray Caasimada dalka Spain halkaa oo sida geesiga ay ugu soo dhaweeyeen Taageerayaasha kooxda Atletico Madrid.

Diego Cista ayaa lacadeeyey in uu dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Atletico Madrid ka dib markii laga cayriyey Naadiga Chelsea oo uu laqaaday Horyaalka dalka England Xiligii la soo dhaafay.

Atletico Madrid ayaa lasheegayaa in ay Diego Cista ku iibsadeen aduun lacageed gaaraya £60million Wxaana uu saxiixi doonaa heshiis 4 Sano ah oo uu ugu dheeli doono Naadiga Atletico Madrid oo uu dib ugu soo laabtay Markiisii labaad.

Xiddigaan ayaa Markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha Magaalada Madrid waxa uu Saxaafada u sheegay in uu ku soo laabtay Gurigiisii isla markaana uu weligii jeclaa Atletico Madrid iyo Taageerayaasheeda sidoo waxa uu Diego Costa ku faanay in uu diidey kooxo aad u badan oo doon doonayey Saxiixiisa kana doorbiday in uu ku soo laabto Hoygiisa sida uu hadalka u dhigay.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester United oo halkoo Gool oo alle kusii ah kaga badisay Benfica

(19-10-2017) Kooxda kubada Cagta Manchster United ayaa Guul dirqi ah ka gaartay kulankii koobka Horyaalada yurub ee ay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Juventus oo dirqi kaga badisay Sporting Cp

(19-10-2017) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa iyada oo joogta Garoonkeeda ka bad baaday in laga ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo 10 qof ku Garaacday Olympiacos

(19-10-2017) Kooxda kubada Cagta Barcelona ayaa Guul kagaartay kulankii ay ladheeleen kooxda dalka Giriiga ee Olympiacos iyaga oo weliba ...

FT: Chelsea 3-3 Roma+Sawiro

(18-10-2017) Gooool  Eden Hazard Edin Dzeko Edin Dzeko Aleksandar Kolarov Eden Hazard David Luiz Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Chelsea: Courtois, Azpilicueta, Christensen, Cahill, Zappacosta, Fabregas, Luiz, ...

FT: Benfica 0-1 Manchester United+Sawiro

(18-10-2017) Gooool Marcus Rashford Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. United: De Gea, Valencia, Lindelof, Smalling, Blind, ...