Wednesday, October 18th, 2017

Kooxda Liverpool oo aqbashay in ay Philippe Coutinho iska iibiso janaayo

Published on October 11, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(11-10-2017)Kooxda  Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay naadiga reer Barcelona in ay iska iibineeso Philippe Coutinho marka la gaaro  bisha Janaayo.

Xiddiga reer Brazil ayaa waxaa soo doontay Barcelona xagaagii lasoo dhaafay, laakiin waxaa la rumeysan yahay in Reds ay diiday seddex dalab oo ka yimid kooxda reer Catalan.

Warbixin baahsan ayaa sheegtay in dalabkii ugu sareeyay uu ahaa £ 100m, laakiin kooxda Merseyside ayaa istaagtay go,aan cad  islamarkaana aysan iibineen  kubadsameeyaha, kaasoo saxiixay qandaraas cusub oo muddo dheer ah bishii Janaayo.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, inkastoo ay xiiso u qabto Barcelona xagaagii, Liverpool ayaa heshiis la gaartay Coutinho kaasoo u ogolaan doona inuu ka tago Anfield  bisha janaayo haddii loo helo dalab macquul ah.

Laakiin Barcelona ayaa la fahansan inay qorsheeneyso in suuqa bisha January aysan miiska u soo saari doonin kooxda Liverpool in ka badan 80 million euros, lagu daray aduuun kale ee gaarsiisan 30 million euros, oo ah lacagaha gunada, sababa la xidhiidha inuu kagala soo muuqday Liverpool xili ciyaareedkan Champions League, taasoo ka dhigeysa in Blugarana uusan kala qeyb gali Karin tartankan.

Ka dib dhaawacyo iyo qanac sanaan la,aan jirrta, 25 jirkaan ayaa lix kulan u saftay Reds, waxaana uu dhaliyay seddex gool islamarkaana uu caawiyay laba .

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

David Luiz Oo Si Dareen Leh Uga Hadlay Qaraxii Lagu Hoobtay Ee Ka Dhacay Isgoyska Zoobe

(18-10-2017_ Ugu yaraan 300 qofood ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen tiro kelana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib ...

FT: Manchester City 2-1 Napoli+Sawiro

(18-10-2017)Gooool Amadou Diawara Gabriel Jesus Raheem Sterling  Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Manchester City: Ederson; Walker, Stones, Otamendi, Delph; De ...

FT: Real Madrid 1-1 Tottenham+Sawiro

(18-10-2017) Gooool Cristiano Ronaldo Harry Kane Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Real Madrid: Keylor; Achraf, Varane, Ramos, ...

FT: Maribor 0-7 Liverpool+Sawiro

(18-10-2017)Gooool Roberto Firmino Mohamed Salah Mohamed Salah Philippe Coutinho Roberto Firmino Qalinkacayaaraha kala  soco Cayaar walba oo Caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Maribor: Handanovic, Milec, Rajcevic, Suler, Viler, Kramaric, Kabha, ...

Roberto Firmino oo loo diidey in uu soo galo Garoonka kooxda Maribor Sabab?

(17-10-2017) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Roberto Firmino ayaa lasheegayaa in loo diidey in uu soo galo Garoonka Naadiga Maribor kadib ...