Wednesday, February 21st, 2018

Cayaaryahan weyn oo u dheeley AC Milan oo ku Guuleystey Madaxweyne dal Africa ah+Sawiro

Published on October 12, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(12-10-2017) George Tawlon Manneh Oppong Ousman Weah: waxa uu ku dhashay Magalada Clara Town oo dacalka ku heysa caasimada Manorovia wadanka Liberia sanadku markuu ahaa 1 Oktober 1966.waxa uu ka dhashay qabaailka Krui la dhaho oo ah qabiilka ugu faqiirsan wadanka Liberia. koriimadiisa waxaa gacan weyn ka geysatay ayeyadis hooyadiis dhashay, Mr. Emma Brown.
waxaa la geeyey dugsi hoose dhexe oo ay leeyihiin Golaha muslimiinta dalka Liberia, iyo sidookale waxa uu kasoo baxay dugsiga sare ee Wells Hairston High School, kahor inta aan loo ogolaanin inuu dibadda ka ciyaaro kubadda cagta. sidoo kale inta uusan noqon Xirfadle kubadda cagta ah waxa uu ka shaqeynayey Shirkad isgaarsiineed oo farsama yaqaan ka ahaa.
George Weah waa aabe leh 4 caruura, 3 wiil iyo gabar, waxayne kala yihiin Tita Timothy Hondoj iyo Samir, Samir ma ahan wiil kisa dhabta ah ee waa wiil oo kasoo adhabti gareeystay wadanka Lubnaan oo kuyaala bariga dhexe ee qaarada Asia kana mid ah Jamacadda Carabta.

Timothy waxa uu talaabo horey u qaaday si lamid ah aabihiis oo waa ciyaaryahan kubadda cagta dheela waana 13 jir kamid ah ciyaarahanada kujira Acedheemiyaha naadiga Chelsea oo aabihis hore ugu soo ciyaaray isla waqtiga uu dhashay Wiilkani ee 2000.

George Weah waa siyaasi u ololeeyahay Xaquuqda bini aadanimada, waxaa wareegii ugu dambeeyey looga guuleystay doorasho muran kujiro oo ah madaxtinimada wadankisa Liberia sanadi 2005,

waxa uu kasoo qalin jabiyey machadka kubadda cagta lagu barto ee kooxda Young Survivors Clareton, kahor inta uusan ku biirin Shirkad iibisa ciyaaryahanada soo koraya ee la dhaho Bongrange Company oo ciyaaryahanada ka dhigta kuwa xirfadlayaal ah kadibna ka iibisa kooxaha waawen,

waxa uu ku biiray kooxda Mighty Barrolle xiliciyaareedkii 1985-86 waxa uuna udhaliyey 7 goal 10 kulan oo u ciyaaray horyaalka, LPL. Liberian Premier League.

isla sanadii ku xigta 86-87 waxa uu kubiiray kooxdii Invicible Eleven, oo uu kula guuleeystay horyalka wadankaas ee LPL, 23 kulan oo uu usaftay kooxdas waxa uu shabaqa soo taabtay 24 jeer.

George Weah xiligaas kadib waxa uu ku biray koox ka dhisan meel ka baxsan wadankisa hooyo, waana kooxda Tonera Youndii ee ka dhisan caasimada Cameron.

waxa uu soo jiitay kooxaha waaweyn ee qaarada yurub ka ciyaara dhammaantood tartarn ayey usoo galeen, balse waxaa tartankii ku guuleystay Professor Arsenl Wenger iyo Kooxdisii As Monaco oo maalin cad diyaarad ku qaatay dheeymankii madoobaa ee qaarada Africa Kasoo iftiimay. waxa ahyed xili ciyaareedkii 1988-89 markii kooxda Monaco ay laacibka la holin la yahay ku darsatay leen up keeda.waxii xiligaa ka dambeeyey George waxaa u bilabatay nolo cusub waa uu kasoo baxay midii africa waxa uu soo galay nolosha Yurub, iyo sidookale kooxowaaweyn oo kubadda cagta ciyaara
muda 4 sano ayuu kahoos ciyaarayey Arsene Wenger 103 kulann oo uu usaftay kooxdaas waxa uu udhaliyey 47 goal tartamada oo dhan waxa uuna kula guuleystay 91dii Coup de France, ama frech Cup.

1992 ayuu ku biiray Paris St Germain, PSG waxa uuna markiiba farta ka saaray France Legue 1, 1993-94 sidookale 92-93 coup de France and Super cup 95. sidookale waxa uu ku guuleystay gool dhalinta horyaalka qarada yurub Uefa Champions League.
3 sano oo ku sugna magalada Paris waxa saftay 96 kulan 32 gaol ayuuna dhaliyey.

Xili ciyaareedkii 1995-96 waxa uu heshiis la saxiiday naadigii Ac Milan oo ah naadiga waqtigiisii ugu badnaa uu lasoo qaatay, sanadkaas 95 George Weah Iyo guud ahaan Qaarad Africa waxa ay u aheyd mid aan la ilaawi doonin marnaba Kadib markii uu ku guuleystay biladkasta ee Ciyaaryahan ku guuleysto waxa uu isku darsaday laacibka aduunka Fif player of the year, laacibka Yurub, Eorpian player of the year iyo sidookale African Player of the year, George waa ciyaaryahanka kaliya ee qaarada africa u dhashay ee ku guuleystay xidig aduun iyo iyo xidig yurub.

George imaan shihiisa Sansiiro waxa ay noqotay mid sii kicisa xamaasada taageerayaashiisa ,waxa uuna la qaaday laba jeer kooxda Ac Milan horyaalka wadanka Talyaaniga Italian Seria A sanadihii 1996 iyo 99,
xili ciyaareedkii 99 waxa uu amaah ugu wareegay Kooxda Chelsea ee cara Ingiriis waxa uuna usuura galiyey mudo kadib iney ku guuleeystan FA CUP ka ingiriiska, shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay Stanford Bridg waxay noqotay in macalin Gianluka Vialli uu heshiis toos ah kula wareego dheeymanka Madow, laakin taasi waa socon weysay waxaana isla markiiba fursada ka faaiideystay kooxda heerka labaad kasoo dalacday sanadaas ee Manchester City waxa ayna faraqa ugu shubeen milkiilahga Milan aduun lacageed oo gaaraya 1 milion oo lagu fasaqayey heshiiskisii Milan, 5 bilood oo qura ayuu ku sugna Man City 7 kulan oo uu usaftay waxa uu udhaliyey 1 goal

2000-2001 waxa uu dib ugu labtay halkii uu kasoo bilaabay waayihiisii quruxda badnaa ee yurub, ee horyaalka wadanka France ee League one, waxa uuna markaan ku biiray naadiga Marseall 19 kulan oo gashanaa maaliyada blue cadaan xigeenka ee Marseal waxa uu dhaliyey 5 goal oo qura.

George Weah waxa uu ubaqoolay markaana qaarada Assia iyo naadiga Al Jaziira 2003 ayuuna kabaha ku xooray halkaas.

60 kulan ayuu usaftay xulka qarankiisa Liberia 22 goal ayuuna u dhaliyey.

Abaal marinnadii uu kusoo guuleystay.

African Footballer of the Year: 1989,1995
UEFA Champions League top scorer: 1994–95
Ballon d’Or: 1995
FIFA World Player of the Year: 1995

FIFA Fair Play Award: 1996
African Player of the Century: 1996
FIFA World Player of the Year (Silver award): 1996
FIFA 100.

George Weah marnaba uma suura galin inuu Xulkisa usoo saaro koobka aduunka.

W/D: Farhan Ali Halane

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cesc Fabregas” ’90 daqiiqo Oo Difaac Ah Waa Is Miidaamin’

(21-2-2018) Laacibka dhexda uga ciyaara kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa sheegay inay ahayd wax laga yaq-yaqsoodo, gacan ...

Kumuu ahaa Xidiga loo doortay Man of the match kulankii Chelsea iyo Barcelona+Sawiro

(21-2-2018) Kadib Markii ay dhamaatay Cayaartii Xiisaha badnayd ee Xalay dhex martay kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa ...

Yaa lahaa qaladkii uu Goolku uga dhashay Chelsea kulankii Barcelona?

(21-2-2018) Gool uu xidiga Barcelona ee Lionel Messi shabaqa dhex dhigay ayuu barbar dhac ku soo celiyey tirsiga ...

Lionel Messi oo Hogaaminaya 6 da Cayaaryahan ee Goolasha ugu badan ka dhalisay Kooxaha England

(21-2-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu danbayn meesha ka saaray weligiis Gool kama dhalin ...

Jose Mourinho oo cadeeyey in uu diyaar yahay Paul Pogba+Sawiro

(21-2-2018) Macalinka kooxda Kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar yahay Cayaaryahankiisa ...

FT: Chelsea 1-1 Barcelona+Sawiro

(21-2-2018) Goool Messi Willian Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Chelsea: Courtois, Azpilicueta, Christensen, Rudiger, ...

FT: Bayern Munich 5-0 Besiktas+Sawiro

(21-2-2018) Goool Robert Lewandowski  Thomas Mueller Kingsley Coman Thomas Mueller Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Besiktas Waxaa Calaamada casaanka ah ...

Layaab! Cayaaryahan sixun u garaacay mid ka mid ah ilmaha kubadaha soo qabta+Sawiro

(20-2-2018) Mid ka mid ah Cayaratoyda ka cayaarta Horyaalka dalka Braziil ayaa si arxan daro ah u garaacay ...

DEG DEG: Safka Rasmiga ah ee Kulanka Chelsea iyo Barcelona oo la soo saaray+Sawiro

(20-2-2018) Waxaa lasoo saaray min 11 ka Cayaaryahan ee ay garoonka ku soo bilaabi doonaan Macalinmiinta kooxaha Chelsea ...

Magacyada iyo Sawirada Cayaartoyda dhalisay 5 Tii Hat-Trick ee ugu dhaqsiyaha badnaa Champions League

(20-2-2018) Aqristeyaasheena sharafta lahoow waxaan idiin soo gudbineynaa Magacyada iyo sawirada Cayaartoydii dhalisey shanti sadexleey ee ugu dhaqsiyaha ...

Frank Lampard” Hal cayaaryahan unbaa Joojin karaya Lionel Messi?

(20-2-2018) Cayaaryahankii hore ee kooxda kubada cagta Chelsea Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro hal ...

Guriga Philippe Coutinho oo ladhacay Gaarigiisa iyo Gaarigiisa oo lajiitey+Sawiro

(20-2-2018) Wargeyska Sport oo soo xiganaya ilo ku dhaw laacibka Brazil iyo Barcelona Philippe Coutinho ayaa sheegaya in ...

Kooxda Horseed oo Guul ku xustay Geeridii Taageerihii weynaa ee Xasan Abuukar Cali lana Wareegtay Hogaanka Horyaalka

(20-2-2018) Kooxda Kubada cagta Horseed ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa Guul muhiim ah ka gaartay Cayaartii Horyaalka ...

Eden Hazard Oo Tilmaamay Hal Arin Oo Kooxdiisa Qasab Ku Ah Kulanka Caawa?

(20-2-2018) Cayaariyahanka weerarka uga ciyaara kooxd Chelsea Eden Hazard ayaa aaminsan in kooxdiisa Blues ay dhibaato dhexda ka ...

Lionel Messi Oo Dhibaatada Ugu Badan Ee Heer Kooxeed Ku Qaba Chelsea !

(20-2-2018) Laacibka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi, ayaa heli doona laba kulan oo fursad ah ...