Monday, November 20th, 2017

Soomaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha Kubadda Gacanta Adduunka+Sawirro

Published on November 13, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(13-11-2017) Waxaa maalinti Axadda lagu soo gebagebeeyey Antalya, Turkiga Shirweynihii 36aad ee Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka oo ay ka soo qeyb galeen 176 waddan oo ay Somalia ku jirto, waxaana Xiriirka Kubadda Gacanta Somaliya u matelayey Xoghayaha Guud ee Xiriirka Nuur Maye Cusmaan.

Sida uu inoo sheegey Xoghayaha Xiriirka waxaa shirweynaha lagu doortey inuu xilka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka 4ta sanno ee soo socota uu hogaamiyo Dr Hassan Mustafa, halka ku xigeen loo doortey Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Faransiiska Joel Delplanqu e (FRANCE).

Xisaabiyaha: Anna Rapp (SWEDEN)

Guddoomiyaha Abaabulka iyo Tartamada: Per Bertelsen (DENMAR)

Guddoomiyaha Shuruucda cayaarta iyo Garsoorka: Ramon Gallego (ESPAIN)

Guddoomiyaha Tababarayaasha: Dietrich Spate (GERMANY)

Guddoomiyaha Guddiga Caafimaadka: Dr Francois Gnamian (Côte d’Ivoire)

Guddoomiyaha Horumarinta: Raquel Pedercini Marinho (CANADA)

Nuur Maye Cusmaan wuxuu intaa raaciyey in 5 waddan ay site buuxda ugu soo biireen Xiriir weynaha Kubadda Gacanta Adduunka, kuwaasoo kala ah Jamaica, England, Fiji, Timor-Leste iyo Scotland.

Xoghayaha Xiriirka Nuur Maye Cusmaan wuxuu kaloo faahfaahin ka bixiyey in Hassan Mustafa aad ugu mahad celiyey kasoo qeyb galayaasha shirka sidii howl karnimada lahayd ee ay ula shaqeeyeen Xiriirka Kubadda Gacanta Adduunka , iyo howlaha baaxadda leh ee horyaala 4ta sanno ee soo socoto. Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha shirka iyo intii aanan fursad u helin inay ka soo qeyb gasho shirka inay fursad u heystaan inay soo gudbiyaan wixii talo iyo horumarineed kubadda gacanta ah.

Xoghaye Nuur Maye Cusmaan intuu joogay shirka wuxuu si gooni gooni ah ula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ay isla soo qaadeen sidii loo yeelan lahaa wada shaqeyn dhan walba leh, qaabka ugu haboon ee loo horumarin karo cayaarta kubadda gacanta iyo sameynta qorshe horey loogu dhigaayo kubadda Gacanta.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiliga Rasmig ah ee ay bilaaban doonaan Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo lashaaciyey?

(19-11-2017) War goordhow kasoo baxay Wasaarada Dhalinyada iyo isboortiga ee Dowlada Soomaaliya ayaa si cad loogu sheegay waqti ...

Mohamed Salah kuma sii daahi doono Garoonka Anfield Sabab?

(19-11-2017) Kadib bandhiga layaabka leh ee uu Garoonka Anfield ku soo bandhigay dhawaan galka dalka Masar ee Mohamed Salah ayaa ...

Paris Saint-Germain oo soo bandhigatay lacgat ay Mushaar ahaan usiin doonaan Jose Mourinho

(19-11-2017) Kooxda kubada Cagta Paris Saint-Germain ee dalka France ayaa soo bandhigtay lacagta ay Mushaar ahaan u siin doonaan ...

John Stones oo seegi doona kulanka Manchester United

(19-11-2017) Daafaca kooxda kubada Cagta Manchester City ee John Stones ayaa lasheegayaa in uu dhaawac kaga maqnaan doono kulanka ...

Goolkii Lorenzo Insigne oo keenay canbaareyn adeega VAR ah iyo muran xoogan oo kataagan

(19-11-2017) Kadib Goolkii uu Xalay AC Milan ka dhaliyey Cayaaryahanka dalka Talyaaniga ee Lorenzo Insigne ayaa waxaa ka dhsahay ...

Sergio Ramos oo qaliin lagu Samayn doono Weji Gashina xiran doona inta ka dhiman Xiligaan

(19-11-2017) Daafaca kooxda kubada Cgata Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lacadeeyey in qaliin looga samayn doono Sanka ...

OGOW SABABTA RASMIGA AH EE SOOMAALIYA UGU QAYB GALEYN TARTANKA CECAFA 2017 KENYA:

(19-11-2017) Waxaa usbuucan soo baxay jadwalka tartan goboleedka CECAFA 2017kaasi ay ka qayb galaan wadamada bariga iyo bartamaha ...

Chelsea oo Weerar ku qaadaya kooxdiisii hore ee Chelsea kana doonaya Cayaartoy Muhiim ah

(19-11-2017) Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa mar kale doonaya inuu mar kale weeraro kooxdiisii hore ee ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee hal Xili Cayaareed 30 Gool iyo kabadan ka dhalisay Premier League?

( 19-11-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee hal xili cayaareed 30 Gool ...

‘Libaaxyadu Sida Dadka Uma Bogsadaan, Aniga ayaa Taas Caddaynaya’ – Ibrahimovic Oo Tilmaamay Inuu Yahay Libaax

(19-11-2017) Zlatan Ibrahimovic ayaa ka sheekeeyey sidii uu uga soo kabtay dhaawacii halista ahaa ee bishii April ku ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester United oo Cagta marisay Newcastle

(Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa Guul ka gaartay kulankii xiisaha lahaa ee ay lacayaareen kooxda Newcastle United iyaga ...

Safka rasmiga ay ee ay garoonka kusoo geli doonaan Manchester United iyo Newcastle United

(18-11-2017) Waxaa lasoo saaray liiska Cayaartoyda ay Garoonka ku soo geli doonaan labada kooxood ee kala ah Manchester ...

FT: Leganes 0-3 Barcelona+Sawiro

(18-11-2017) Goool Paulinho Luis Suarez Luis Suarez Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Calaamka oo ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Leganes: Cuellar, Gabriel, ...

FT: West Bromwich Albion 0-4 Chelsea+Sawiro

(18-11-2017) Goooool Hazard. 2 Alonso Alvaro Morata Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Calaamka oo ka dhacaysa. Safka labada kooxood. West Brom: Foster, McAuley, ...

FT: Liverpool 3-0 Southampton

(18-11-2017) Gooool Coutinho, Mohamed Salah Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Calaamka oo ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Liverpool: Mignolet, Alexander-Arnold, Klavan, Lovren, Moreno, Coutinho, ...