Thursday, January 18th, 2018

England vs Brazil: Tababare Southgate Oo Cayaartooyo Da’yar Ciyaarsiin doona

Published on November 14, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(14-11-2017) Tababaraha xulka qaranka England, Gareth Southgate ayaa qorshaynaya inuu kulanka Brazil ee caawa kala hortago ciyaartooyo da’yar oo dardar iyo weji cusub ku qaabila xiddigaha dharka Huruudda ah.

Tababare Southgate ayaa sheegay in aanu dayici doonin fursad uu siiyo ciyaartooyada Dominic Solanke, Lews Cook iyo Angus Gunn kulanka caawa, si da’yartani ay u helaan khibrad iyo kalsooni.

Saddexdan ciyaartoy oo da’doodu tahay 20 jirro, ayaa uu tababaruhu soo gelin doonaa qaybta dambe sida la saadaalinayo, waxaase boosaskooda heli doona ciyaartooyada khibradda leh si ay guul uga gaadhi karaan kuwa Brazil ee xoogga ah.

“Saddexdaas wiil waxay ku habboon yihiin garoonka, waxaananu ka caawinaynaa siday garoomada ugu habboonaan lahaayeen. Waa ciyaartooyo fiican oo tababarkana si fiican u qaata.” Sidaas ayuu yidhi Southgate.

Tababaruhu waxa kale oo uu shaaciyey in laacibka khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ee Eric Dier uu sii ahaan doono kabtanka ciyaartan ka dhici doonta Wembley, taas oo si toos ah ay shabakadda ciyaaraha ee Cadalool u tebin doono, iyadoo aanu tebinteeda bilaabi doono 10:30 PM oo ah nusasaace ka hor wakhtiga ay bilaabmayso oo ah 11:00PM.

Kulankii Jimcihii uu xalka qaranka England la ciyaaray Germany ee ku dhamaaday barbar-dhaca goolal la’aanta ah, waxa uu tababare Southgate ciyaarsiiyey laacibiin da’yar oo ay ka mid ahaayeen Ruben Loftus-Cheek oo ka tirsan Chelsea balse amaah ugu ciyaara Crystal Palace, goolhaye Pickford oo Crystal Palace ah iyo weeraryahanka Tammy Abraham oo Swansea ka tirsan, halka Joe Gomez iyo Jack Cork ay beddel kusoo galeen.

Isla Jimcihii ciyaaryahannada Solanke, Cook iyo Gunn waxay ciyaarayeen ciyaar xulka qaranka England ee da’doodu ka hoosayso 21 jirku ay 2-0 ku karbaasheen Ukraine, taas daraadeedna may joogin madashii ay isku haleeleen Ingiriiska iyo Jarmalku.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiriirka UEFA oo baaritaan ku samaynaya Manchester United Sabab?

(18-1-2018) Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa laxaqiijiyey in ay baartaan ku samayn doonaan Manchester United ...

Warbixin: Dhibka haysta Real Madrid iyo Cayaartoyda ay doonayaan?

(18-1-2018) Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez waxa uu aaminsan yahay in wakhtigii BBC uu dhamaad ku dhow yahay, ...

Henrikh Mkhitaryan oo fariin Macasalaameys ah u diray Taageerayaasha Manchester United

(18-1-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray fariin uu ku ...

Dhamaan kooxaha Premier League Cayaartoyda ka tagtay iyo kuwa ay soo qaateen bishaan Janaayo

(18-1-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal dhamaan kooxaha Horyaalka Premier League  dalka England Cayaartoyda ay qaateen bishaan Janaayo iyo ...

SHALAY MAANTA KU ILOW,MILYINEERKA CUSUB EE ENGLAND SANCHEZ LACAG IYO MAGAC AYUU DOONTAY:OGOW SIRTA?Sawiro

(18-1-2018) Alexis Sanchez ayaa caawa si rasmi ah ugu biiri doona kooxdiisa cusub ee Man United oo ah ...

Saadaaliyaha Cayaartoyda imaaneysa Man United Jesse Lingard oo sheegay in diyaarsaday qaabkii uu u Salaami lahaa Alexis Sanchez

(18-1-2018) Xiddiga kooxda kubada Cagta Manchester United Jesse Lingard ayaa bartiisa Instagram+ka soo dhigay hadalo uu ku muujinayo soo dhaweynta ...

Daawo Sawiradii ugu danbeeyey Alexis Sanchez oo ku sii jeeda Manchester United

(18-1-2018) Kadib maalmo badan oo la dhamayn waayey heshiiska Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez ayaa hada waxaa lasheegayaa ...

Fariintii qiirada lahayd ee uu Garoomada ku Sagootiyey Ronaldinho?

(18-1-2018) Xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxaha Barcelona, PSG iyo AC Milan ee Ronaldinho ayaa farriin ...

Heshiiska Alexis Sanchez oo lashaaciyey Xiliga uu dhacayo?

(18-1-2018) Kadib maalmo badan oo la dhamayn waayey heshiiska Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez ayaa hada waxaa lasheegayaa ...

Cajiib! Taageereyaasha PSG Oo Cay U Miisay Neymar Markii Uu Dhaliyey Goolka 4aad

(18-1-2018) Neymar ayaa markii u horreysay taariikhdiisa casriga ah ee Yurub, waxa uu u dabbaal-degay afar gool oo ...

Nicolas Otamendi:Noloshaydii ayaa u hibeeyay kooxda Man City:

(18-1-2018) Nicolas Otamendi ayaa saxiixay heshiis cusub oo kooxda ku sii haynaya ilaa 2022, Otamendi oo Man City u ...

Neymar oo xalay wax lala yaabo ka dhigay horyaalka faransiiska Xili Edison Cavani uu Soo Qabtey Record-kii Zlatan Ibrahimovic+SAWIRRO

(18-1-2018) Edinson Cavani ayaa Noqonaya ciyaaryahanka ugu goolasha badan kooxda Paris Saint-Germain maadama uu xaley dhaliyey gool uu u baahnaa ...

Kooxda Barcelona oo laga jabiyay rikoorkii guul dara la,aanta xilli Kooxda Espanyol ay garaacday+SAWIRRO

(18-1-2018) ooxda Espanyol ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan guuldaro u soo xambaarisay kooxda Valverde ee saddexda ...

Kooxda Chelsea oo Rigooreyaal uga Badisay Norwich xilli laba casaan ah kooxda la siiyay+SAWIRRO

(18-1-2018) Chelsea ayaa dhibaato wayn kala kulantay kooxda heerka labaad ee Norwich City iyada oo rekoodhayaal 5-3 ah ugu ...

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...