Monday, November 20th, 2017

Karim Benzema Oo Ka Sheekeeyey Dagaal Uu La Galay Jose Mourinho Iyo Wixii Sababay

Published on November 14, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(14-11-2017) Weeraryahanka Karim Benzema ayaa ka sheekeeyey khilaaf ba’an oo uu aad uga cadhooday oo dhex maray tababare Jose Mourinho wakhtigii ay wada joogeen Real Madrid.

Benzema oo u warramay Canal Plus France ayaa ka hadlay sidii uu uga cadhooday markii uu ku tilmaamay bisad.

“Xidhiidh fiican ayaanu lahayn, laakiin waxaannu bilownay hadallo aan meesha oollin. Waxay bixisay dareen ah in ay igu qoslayaan laakiin runtu waxay ahayd, in uu ahaa qof aan ixtiraamo, aad ayaanan uga cadhooday.” Sidaas ayuu yidhi Karim Benzema.

Benzema waxa uu sheegay inuu Mourinho ku wargeliyey inuu doonayo inay wada-hadlaan, isla markaaana ay wada-qaateen kulan saacad ah, kaas oo uu ugu sheegay ixtiraamka ay kala mudan yihiin, waxaanu yidhi: “Waxaan u sheegay inay jiraan arrimo aanu ka wada hadlayno, kaddibna waxaanu yeelanay shir saacad ah. Waxaan u sheegay inaan ahay ciyaartoy, isaguna yahay tababarahayga oo aan ixtiraamo, laakiin aanu isagu ii ixtiraamin ciyaartoy ahaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu tibaaxay in sheekada bisadaha, eyda iyo wixii kaleba ay halkaa ku dhamaadeen.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiliga Rasmig ah ee ay bilaaban doonaan Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo lashaaciyey?

(19-11-2017) War goordhow kasoo baxay Wasaarada Dhalinyada iyo isboortiga ee Dowlada Soomaaliya ayaa si cad loogu sheegay waqti ...

Mohamed Salah kuma sii daahi doono Garoonka Anfield Sabab?

(19-11-2017) Kadib bandhiga layaabka leh ee uu Garoonka Anfield ku soo bandhigay dhawaan galka dalka Masar ee Mohamed Salah ayaa ...

Paris Saint-Germain oo soo bandhigatay lacgat ay Mushaar ahaan usiin doonaan Jose Mourinho

(19-11-2017) Kooxda kubada Cagta Paris Saint-Germain ee dalka France ayaa soo bandhigtay lacagta ay Mushaar ahaan u siin doonaan ...

John Stones oo seegi doona kulanka Manchester United

(19-11-2017) Daafaca kooxda kubada Cagta Manchester City ee John Stones ayaa lasheegayaa in uu dhaawac kaga maqnaan doono kulanka ...

Goolkii Lorenzo Insigne oo keenay canbaareyn adeega VAR ah iyo muran xoogan oo kataagan

(19-11-2017) Kadib Goolkii uu Xalay AC Milan ka dhaliyey Cayaaryahanka dalka Talyaaniga ee Lorenzo Insigne ayaa waxaa ka dhsahay ...

Sergio Ramos oo qaliin lagu Samayn doono Weji Gashina xiran doona inta ka dhiman Xiligaan

(19-11-2017) Daafaca kooxda kubada Cgata Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lacadeeyey in qaliin looga samayn doono Sanka ...

OGOW SABABTA RASMIGA AH EE SOOMAALIYA UGU QAYB GALEYN TARTANKA CECAFA 2017 KENYA:

(19-11-2017) Waxaa usbuucan soo baxay jadwalka tartan goboleedka CECAFA 2017kaasi ay ka qayb galaan wadamada bariga iyo bartamaha ...

Chelsea oo Weerar ku qaadaya kooxdiisii hore ee Chelsea kana doonaya Cayaartoy Muhiim ah

(19-11-2017) Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa mar kale doonaya inuu mar kale weeraro kooxdiisii hore ee ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee hal Xili Cayaareed 30 Gool iyo kabadan ka dhalisay Premier League?

( 19-11-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee hal xili cayaareed 30 Gool ...

‘Libaaxyadu Sida Dadka Uma Bogsadaan, Aniga ayaa Taas Caddaynaya’ – Ibrahimovic Oo Tilmaamay Inuu Yahay Libaax

(19-11-2017) Zlatan Ibrahimovic ayaa ka sheekeeyey sidii uu uga soo kabtay dhaawacii halista ahaa ee bishii April ku ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester United oo Cagta marisay Newcastle

(Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa Guul ka gaartay kulankii xiisaha lahaa ee ay lacayaareen kooxda Newcastle United iyaga ...

Safka rasmiga ay ee ay garoonka kusoo geli doonaan Manchester United iyo Newcastle United

(18-11-2017) Waxaa lasoo saaray liiska Cayaartoyda ay Garoonka ku soo geli doonaan labada kooxood ee kala ah Manchester ...

FT: Leganes 0-3 Barcelona+Sawiro

(18-11-2017) Goool Paulinho Luis Suarez Luis Suarez Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Calaamka oo ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Leganes: Cuellar, Gabriel, ...

FT: West Bromwich Albion 0-4 Chelsea+Sawiro

(18-11-2017) Goooool Hazard. 2 Alonso Alvaro Morata Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Calaamka oo ka dhacaysa. Safka labada kooxood. West Brom: Foster, McAuley, ...

FT: Liverpool 3-0 Southampton

(18-11-2017) Gooool Coutinho, Mohamed Salah Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Calaamka oo ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Liverpool: Mignolet, Alexander-Arnold, Klavan, Lovren, Moreno, Coutinho, ...