Monday, November 20th, 2017

Qaar badan oo ka mid ah Cayaartoydii Xulka Talyaaniga oo Cayaaraha Caalamiga ah ka fariistay+Sawiro

Published on November 14, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(14-11-2017) Qaar badan oo ka mid ahaa ciyaaryahannadii xulka qaranka Talyaaniga u saftay kulankii ay kaga hadheen Koobka Adduunka ee Sweden, ayaa shaaciyey inay ka fadhiisteen ciyaaraha caalamiga ah ama xulka qarankooda Talyaaniga.

Saddex ciyaartoy oo udub-dhexaad u ahaa guulihii xulka qaranka Talyaaniga sannadihii u dambeeyey ayaa shaaciyey inay fadhiisteen, waxaana la filayaa in qaar kale ay go’aankaas oo kale qaataan.

Buffon oo 39 jir ah ayaa isla markii ay ciyaartu dhamaatay ku dhowaaqay inuu ka fadhiistay xulka qarankiisa, waxaana uu noqday go’aan ka soo hormaray wakhtigiisii oo ku muddaysnaa badhtamaha sannadka dambe.

Ciyaaryahanka laf-dhabarta ah ee Andrea Barzagli ayaa guul-darrada xulka dalkiisa ugu daray war kale oo naxdin leh, kaddib markii uu shaaciyey inuu ka fadhiistay guud ahaan ciyaaraha dalkiisa.

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Roma ee Daniele De Rossi ayaa isaguna shaaciyey in aanu u ciyaari doonin xulkiisa oo uu ka fadhiistay, laakiin go’aankiisu ma aha mid lama filaan ah, sababtoo ah da’diisa oo weynaatay iyo ciyaartiisa oo hoos u dhacday ayaa la filayay inuu si degdeg ah kabaha u tiiriyo.

Difaacyahanka Juventus ee Giorgio Chiellini oo marka uu garoomada ku jiro ay adkayd in gool laga dhaliyo, ayaa isagana la filayaa inuu si degdeg ah u shaaciyo inuu ka fadhiistay xulka qarankiisa, taas oo noqon doonta go’aan ay taageereyaashu ka nixi doonaan.

Tababare Giampiero Ventura ayaa isagana la filayaa inuu iscasilo, haddii uu tallaabadaas qaadi waayana waxa suurtogal ah in xidhiidhka kubadda cagta Talyaanigu uu shaqada ka caydhiyo.

BUFFON FOR ITALY

Caps: 175

Goals conceded: 124

Clean sheets: 64

Honours: 2006 World Cup

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiliga Rasmig ah ee ay bilaaban doonaan Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo lashaaciyey?

(19-11-2017) War goordhow kasoo baxay Wasaarada Dhalinyada iyo isboortiga ee Dowlada Soomaaliya ayaa si cad loogu sheegay waqti ...

Mohamed Salah kuma sii daahi doono Garoonka Anfield Sabab?

(19-11-2017) Kadib bandhiga layaabka leh ee uu Garoonka Anfield ku soo bandhigay dhawaan galka dalka Masar ee Mohamed Salah ayaa ...

Paris Saint-Germain oo soo bandhigatay lacgat ay Mushaar ahaan usiin doonaan Jose Mourinho

(19-11-2017) Kooxda kubada Cagta Paris Saint-Germain ee dalka France ayaa soo bandhigtay lacagta ay Mushaar ahaan u siin doonaan ...

John Stones oo seegi doona kulanka Manchester United

(19-11-2017) Daafaca kooxda kubada Cagta Manchester City ee John Stones ayaa lasheegayaa in uu dhaawac kaga maqnaan doono kulanka ...

Goolkii Lorenzo Insigne oo keenay canbaareyn adeega VAR ah iyo muran xoogan oo kataagan

(19-11-2017) Kadib Goolkii uu Xalay AC Milan ka dhaliyey Cayaaryahanka dalka Talyaaniga ee Lorenzo Insigne ayaa waxaa ka dhsahay ...

Sergio Ramos oo qaliin lagu Samayn doono Weji Gashina xiran doona inta ka dhiman Xiligaan

(19-11-2017) Daafaca kooxda kubada Cgata Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lacadeeyey in qaliin looga samayn doono Sanka ...

OGOW SABABTA RASMIGA AH EE SOOMAALIYA UGU QAYB GALEYN TARTANKA CECAFA 2017 KENYA:

(19-11-2017) Waxaa usbuucan soo baxay jadwalka tartan goboleedka CECAFA 2017kaasi ay ka qayb galaan wadamada bariga iyo bartamaha ...

Chelsea oo Weerar ku qaadaya kooxdiisii hore ee Chelsea kana doonaya Cayaartoy Muhiim ah

(19-11-2017) Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa mar kale doonaya inuu mar kale weeraro kooxdiisii hore ee ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee hal Xili Cayaareed 30 Gool iyo kabadan ka dhalisay Premier League?

( 19-11-2017) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee hal xili cayaareed 30 Gool ...

‘Libaaxyadu Sida Dadka Uma Bogsadaan, Aniga ayaa Taas Caddaynaya’ – Ibrahimovic Oo Tilmaamay Inuu Yahay Libaax

(19-11-2017) Zlatan Ibrahimovic ayaa ka sheekeeyey sidii uu uga soo kabtay dhaawacii halista ahaa ee bishii April ku ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester United oo Cagta marisay Newcastle

(Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa Guul ka gaartay kulankii xiisaha lahaa ee ay lacayaareen kooxda Newcastle United iyaga ...

Safka rasmiga ay ee ay garoonka kusoo geli doonaan Manchester United iyo Newcastle United

(18-11-2017) Waxaa lasoo saaray liiska Cayaartoyda ay Garoonka ku soo geli doonaan labada kooxood ee kala ah Manchester ...

FT: Leganes 0-3 Barcelona+Sawiro

(18-11-2017) Goool Paulinho Luis Suarez Luis Suarez Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Calaamka oo ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Leganes: Cuellar, Gabriel, ...

FT: West Bromwich Albion 0-4 Chelsea+Sawiro

(18-11-2017) Goooool Hazard. 2 Alonso Alvaro Morata Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Calaamka oo ka dhacaysa. Safka labada kooxood. West Brom: Foster, McAuley, ...

FT: Liverpool 3-0 Southampton

(18-11-2017) Gooool Coutinho, Mohamed Salah Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo Calaamka oo ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Liverpool: Mignolet, Alexander-Arnold, Klavan, Lovren, Moreno, Coutinho, ...