Thursday, January 18th, 2018

5 Sababood Oo Cristiano Ronaldo Uu Uga Tegayo Real Madrid?

Published on November 15, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(15-11-2017) Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuu ka tegayo kooxdiisa Real Madrid, taas oo uu ka diiday inuu heshiis cusub u saxeexo.

Ronaldo ayaa ka cadhaysan shan arrimood oo aanu jeclaysan oo uu kala kulmay Real Madrid intii ka dambaysay dhamaadka xili ciyaareedkii hore.

Shabakadda ciyaaraha Cadalool ayaa waxay halkan kusoo bandhigaysaa shan arrimood oo uu ka gadooday Ronaldo.

Warbaahinta Spain: Warbaahinta Spain ayaa si aad ah u qaadaa dhigaysa warka sheegaya in Ronaldo uu doonayo inuu ka tago Spain. El Chiringuito iyo AS ayaa daabacay in ciyaartoygani uu tegayo, waxaanay boggooda hore ku daabaceen cabashooyin dhawr ah oo uu laacibkani tirsanayo. Ronaldo oo Real Madrid kula jira qandaraas soconaya illaa 2021 ayaa waxay warbaahintu si aad ah u buunbuuniyeen lunsi cashuureed iyo qaab-ciyaareedkiisa oo hoos u dhacaya, taas oo uu ciyaartoygu ka gadooday.

Ixtiraam La’aan: Sida ay sheegtay AS, Cristiano Ronaldo kuma dareemo Real Madrid qiimihii uu berigii hore lahaan jiray, waxaana uu la mid noqday ciyaaryahannada kale, taas oo ka mid ah sababaha dabada ka riixaya in uu kooxda horyaalka Yurub haysata ka dalbado in la fasaxo. Ronaldo ayaa u sheegay madaxweynaha Real Madrid sida uu wargeyska AS qoray, in uu doonayo in uu ka dhaqaajiyo naadiga. Ronaldo waxa kale oo uu ka dalbaday Madaxweynaha maalmo ka hor in meesha laga saaro lacagta lagu fasixi karo oo dhan 1 bilyan oo Euro, taas oo aanay kooxina u babbac dhigi karin.

Ronaldo wuxuu ka cadhooday isku-daygii Real Madrid ee Mbappe: Cristiano Ronaldo ayaa dareemay in aan la ixtiraamaynin markii ay Real Madrid isku dayday inay heshiis la gasho Kylian Mbappe xagaagii ka hor intii aanu ku biirin PSG. Real Madrid waxay ku dalbatay Mbappe lacag dhan 140 milyan oo Euro,  markaas oo Ronaldo uu bilaabay muranka iyo khilaafka tegistiisa, sababtoo ah, waxa suurtogal ahayd in Real Madrid ay fasaxdo haddii ay heli lahayd Mbappe. Waxa intaa dheer, Ronaldo waxa uu ka cadhaysan yahay wararka sheegaya in Real Madrid ay doonayso laacibka reer Brazil ee Neymar.

Mushahar Kordhin: Real Madrid waxay usoo bandhigtay Ronaldo heshiis cusub, laakiin laacibka reer Portugal ma soo dhoweynin, sababta ugu weyna waxay tahay in Ronaldo uu doonayo in laga dhigo ciyaartoyga ugu mushaharka badan dunida, taas oo aanay Real Madrid diyaar u ahayn. Ronaldo waxa uu sannadkii mushahar uga qaataa Real Madrid, 21 milyan oo Euro, halka Messi uu qaato 35 milyan oo PSG ay siiso, balse waxa kasii badan Leo Messi oo 40 milyan sannadkii ka qaata Barcelona, taas oo heshiiska cusub u kordhiyey lacagta.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiriirka UEFA oo baaritaan ku samaynaya Manchester United Sabab?

(18-1-2018) Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa laxaqiijiyey in ay baartaan ku samayn doonaan Manchester United ...

Warbixin: Dhibka haysta Real Madrid iyo Cayaartoyda ay doonayaan?

(18-1-2018) Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez waxa uu aaminsan yahay in wakhtigii BBC uu dhamaad ku dhow yahay, ...

Henrikh Mkhitaryan oo fariin Macasalaameys ah u diray Taageerayaasha Manchester United

(18-1-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa bartiisa bulshada ku soo qoray fariin uu ku ...

Dhamaan kooxaha Premier League Cayaartoyda ka tagtay iyo kuwa ay soo qaateen bishaan Janaayo

(18-1-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal dhamaan kooxaha Horyaalka Premier League  dalka England Cayaartoyda ay qaateen bishaan Janaayo iyo ...

SHALAY MAANTA KU ILOW,MILYINEERKA CUSUB EE ENGLAND SANCHEZ LACAG IYO MAGAC AYUU DOONTAY:OGOW SIRTA?Sawiro

(18-1-2018) Alexis Sanchez ayaa caawa si rasmi ah ugu biiri doona kooxdiisa cusub ee Man United oo ah ...

Saadaaliyaha Cayaartoyda imaaneysa Man United Jesse Lingard oo sheegay in diyaarsaday qaabkii uu u Salaami lahaa Alexis Sanchez

(18-1-2018) Xiddiga kooxda kubada Cagta Manchester United Jesse Lingard ayaa bartiisa Instagram+ka soo dhigay hadalo uu ku muujinayo soo dhaweynta ...

Daawo Sawiradii ugu danbeeyey Alexis Sanchez oo ku sii jeeda Manchester United

(18-1-2018) Kadib maalmo badan oo la dhamayn waayey heshiiska Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez ayaa hada waxaa lasheegayaa ...

Fariintii qiirada lahayd ee uu Garoomada ku Sagootiyey Ronaldinho?

(18-1-2018) Xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil iyo kooxaha Barcelona, PSG iyo AC Milan ee Ronaldinho ayaa farriin ...

Heshiiska Alexis Sanchez oo lashaaciyey Xiliga uu dhacayo?

(18-1-2018) Kadib maalmo badan oo la dhamayn waayey heshiiska Cayaaryahanka dalka Chile ee Alexis Sanchez ayaa hada waxaa lasheegayaa ...

Cajiib! Taageereyaasha PSG Oo Cay U Miisay Neymar Markii Uu Dhaliyey Goolka 4aad

(18-1-2018) Neymar ayaa markii u horreysay taariikhdiisa casriga ah ee Yurub, waxa uu u dabbaal-degay afar gool oo ...

Nicolas Otamendi:Noloshaydii ayaa u hibeeyay kooxda Man City:

(18-1-2018) Nicolas Otamendi ayaa saxiixay heshiis cusub oo kooxda ku sii haynaya ilaa 2022, Otamendi oo Man City u ...

Neymar oo xalay wax lala yaabo ka dhigay horyaalka faransiiska Xili Edison Cavani uu Soo Qabtey Record-kii Zlatan Ibrahimovic+SAWIRRO

(18-1-2018) Edinson Cavani ayaa Noqonaya ciyaaryahanka ugu goolasha badan kooxda Paris Saint-Germain maadama uu xaley dhaliyey gool uu u baahnaa ...

Kooxda Barcelona oo laga jabiyay rikoorkii guul dara la,aanta xilli Kooxda Espanyol ay garaacday+SAWIRRO

(18-1-2018) ooxda Espanyol ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan guuldaro u soo xambaarisay kooxda Valverde ee saddexda ...

Kooxda Chelsea oo Rigooreyaal uga Badisay Norwich xilli laba casaan ah kooxda la siiyay+SAWIRRO

(18-1-2018) Chelsea ayaa dhibaato wayn kala kulantay kooxda heerka labaad ee Norwich City iyada oo rekoodhayaal 5-3 ah ugu ...

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...