Saturday, December 16th, 2017

Xiliga Rasmig ah ee ay bilaaban doonaan Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo lashaaciyey?

Published on November 19, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(19-11-2017) War goordhow kasoo baxay Wasaarada Dhalinyada iyo isboortiga ee Dowlada Soomaaliya ayaa si cad loogu sheegay waqti rasmiyan ee la qaban doono tartanka Maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyada iyo isboortiga ee Dowlada Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo booqosho ku joogta Magaalada Kismaayo ayaa aqalka Martida ee Jubaland kulan kula qaadatay Wasiirada isboortiga ee Maamul goboleedyada dalka iyo Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta, kaas oo shalay ilaa maanta gelinkii hore ka socday magaalada Kismaayo.

Wafdiga Wasiirka Wasaarada Dhalinyada iyo isboortiga ee Dowlada Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay garoonka Waamo Stadium, kaas oo la ogson yahay in uu wali ka socdo dayactir, si bilowga bisha danbe loogu qabto Ciyaaraha maamulka goboleedyada dalka oo 7-ka bisha danbe ee December ka dhici doona halkaas.

Shir goor dhow soo gabagaboobmar ayaa looga soo saaray qodobo dhowr ah.

1-aad 29-ka bishan ilaa horaanta December ay noqoto keenista iyo dejinta Ciyaartoyda Dowlad Goboleedyada iyo gudiyadooda.

2- In Kooxaha ay tababar ku qaataan garoonka Kubada Cagta ee Waamo Stadium 2-ilaa iyo 5-ta December.
3- in sedexda bisha December loo samayn doono qori tuur ama isku aadka Kooxaha Dowlad goboleedyada dalka.

4- In 6-bisha December dhamaan Kooxaha waxaa la sheegay in ay geli doonaa maalin nasasho ah.

5- Waxaa si rasmi ah lo sheegay in Toddobada bisha December uu si rasmi ah u furmi doono tartanka maamul goboleedyada dalka oo ay ka qayb galayaan dhamaan maamulada hoostaga Dowlada Federaalka Soomaaliya oo kala ah Jubaland, Buntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hiirshabeele iyo Ciyaartoyda Gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee’ sanad Ciyaareedkii tagay ee 2016-kii Ciyaaraha Maamul goboleedyada dalka oo lagu qabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ku guulaystay Ciyaartoydii Maamul Goboleeda Buntland markaas oo ay ka qaadeen dhigooda Jubaland.

W/D Maxamed Cabdulaahi Digirey

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Dhamaan Kulamada Sabtiga dhici doona iyo Saacada Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(16-12-2017) Waxaa Sabtiga la cayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo ah Horyaalada laxiiseeyo ee qaarada yurub ...

Warbixin: Tottenham ayaa ah kooxda kaliya ee Taako u dhigi karta Manchester City?

(15-12-2017) Tottenham ayaa Sabtida u safri doonta magaalada Manchester, halkaas oo ay garoonka Etihad kula ciyaari doonto kooxda ...

Carlo Ancelotti oo ku laaban doona kooxdiisii hore Chelsea?

(15-12-2017) Macalinka u dhashay dalka Talyaaniga ee Carlo Ancelotti ayaa lasheegayaa in uu dib ugu laaban doono Kooxdiisii hore ...

Daawo Sawiro Xul ah kulankii Puntland iyo Koofur Galbeed ee bareejada ku dhamaaday

(15-12-2017) Maamul Goboleedka Puntland ayaa mar kale bar baro heshay, waxaana ugu dambeyn ay xaqiijisay in ay kaalinta ...

Xiriirka FA ga oo Mourinho Ka Codsaday Inuu Sharaxo Kalmado Afkiisa Ka Soo Baxay

(15-12-2017) Tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa laga codsaday inuu sharaxaad ka soo bixiyo, weedho afkiisa ka ...

Dalka Spain oo qatar ugu jira in laga Ganaaxo koobka aduunka 2018 Sabab?

(15-12-2017) Warar Goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Xiriirka kubada cagta Caalamka ee FIFA ay Go aan ka ...

Daawo Sawirada Paul Pogba oo markale dunida ka yaabiyey

(15-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Manchester United Ganaaxa kaga maqan ee Paul Pogba ayaa qaab Cusub oo layaab ...

Ronaldinho oo Habeen Sakhraamay bur buriyey Rajadiisii Maraykanka

(15-12-2017) Sannadkii 2010, Ronaldinho waxa uu ku jiray xaalad roog cas loogu diyaariyey waddanka Maraykanka oo kooxda Red ...

Wasiirka Cayaaraha Soomaaliya oo sheegtay in ay qabteen kaarar faalso ah oo lagu geli lahaa Garoonka Banaadir digniina dirtay?

(15-12-2017) Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo cayaaraha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Khadiija Maxamed diiriye ayaa sheegtay in ay ...

FT: Puntland 1-1 K.Galbeed

(15-12-2017) Waxaa hada socota Cayaar xiiso badan oo u dhaxaysa ismaamul Goboleedyada kala ah Puntland iyo koofur Galbeed ...

Pep Guardiola oo bishii 3 aad ee Xiriir ah ku Guuleystey Macalinka bisha Horyaalka Premier League+Sawiro

(15-12-2017) Macalinka kooxda kubada cagta Manchester City Pep Guardiola ayaa ku Guuleystey Markii 3 aad ee Xiriir ah ...

Manchester United Oo Heegan Ugu Jirta Griezmann Oo Ka Tegaya Atletico Madrid

(15-12-2017) Manchester United ayaa heshay war ay ku faraxday, kaddib markii uu tababaraha Atletico Madrid shaaciyey in weeraryahanka ...

Mohamed Salah oo loo doortay Cayaaryahanka bisha ee Horyaalka Premier League

(15-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Liverpool Mohamed Salah ayaa ku guuleystey laacibka bisha Horyaalka Premier League dalka England taas oo ...

Xiddig kooxo badan yurub ah doonayaan oo kooxdiisa ay kala tagayan janaayo

(15-12-2017)  Ciyaaryahanka kooxda AS  Monaco Fabinho ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago kooxda ka dhisan Ligue 1 ...

Pep Guardiola oo sheegay in wali uusan dhamaan tartanka horyaalka

(15-12-2017)  Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa fariin udiray kooxaha ka ciyaara horyaaalka isaga oo sheegay in ...