Wednesday, February 21st, 2018

Warbixin: Isku Aadka koobka aduunka 2018 oo Jimcaha lasamayn doono iyo Saacada Muqdisho ee uu dhici doono?

Published on November 30, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(01-12-2017) Maalinta Jimcaha, waxa waddanka Ruushka lagaga dhawaaqi doonaa isku aadka koobka Adduunka 2018 ee lagu qabanayo Ruushka, halkaas oo xaflad weyn oo ay kasoo qaybgeli doonaan dalal badan, Madaxda FIFA iyo marti-sharaf kale oo badan lagu qaban doono.

Xafladda ayaa si toos ah u bilaabmi doonta 6-da makhribnimo ee wakhtiga Bariga Afrika, taas oo shabakadda ciyaaraha ee cadalool.com ay si toos ah u baahin doonto.

Dalalka ka qayb-gelaya:

31 dal ayaa usoo baxay koobka adduunka kaddib markii ay usoo galeen isreeb-reeb, waxaana lagu daray oo 32 lagaga dhigay Ruushka oo martigelinaya.

32ka waddan waxa loo kala tuuri doonaa siddeed group oo min afar kooxood ah, kuwaas oo magacyadooda oo la qariyey oo isku laaban lagu ururiyey afar quraaradood oo kala duwan oo lays ag-dhigayo. Quraarad walba waxa laga soo saari doonaa hal warqad, kaddibna waxa samaysmaya Group ama Hormo.

Sidee quraarada loogu ridayaa dalalka:

Quraada 1aad: Russia (Martigeliye), Germany, Brazil, Portugal, Argentina, Belgium, Poland, France

Quraada 2aad: Spain, Peru, Switzerland, England, Colombia, Uruguay, Mexico, Croatia

Quraada 3aad: Denmark, Iceland, Costa Rica, Sweden, Tunisia, Egypt, Senegal, Iran

Quraada 4aad: Serbia, Nigeria, Australia, Japan, Morocco, Panama, South Korea, Saudi Arabia

Sharraxaad kooban:

 

Dalalka siddeedda ah ee ku jira dhalada koowaad, waxa mid walba lagu dari doonaa saddex waddan oo kale oo laga soo saarayo dhalooyinka 2aad, 3aad iyo 4aad, sidaas ayaanay hormadu ku dhamaystirmi doontaa.

Afartan qaybood ayay FIFA u kala jebisay dalalka, iyadoo ku sallaynaysa qiimayntii bishii October ee xulalka.

Maxaa reebban:

Dalalka qaaradda Yurub oo ah kuwa ugu badan ee tartanka ka qayb-geli doona, waxa uu sharcigu ogol yahay inay laba kali ahi isku group noqon karaan, laakiin waddamada kale ee Latin America, Afrika, Asia iyo North America, ma jiri doonaan laba dal oo isku qaarad ah oo isku group noqonaya.

Tusaale ahaan, England waxay ku beegmi kartaa oo ay isku group noqon karaan Germany, ama Belgium ama Portugal, ama France, laakiin ma dhici doonto inay hormo iskugu yimaaddaan England, Germany iyo Denmar.

Dalalka kala badbaadaya:

Dalalka kuwada jir mid ka mid ah afarta hormo ee sare ku xusan iskuma dhici karaan, laakiin hormo walba waxa laga soo xulan doonaa hal dal. Tusaale ahaan, Germany, Russia, Brazil, Portugal, Argentina, Belgium, Poland iyo France iskuma beegmi doonaan. Halka aanay wejiga hore is arki doonin Spain, Peru, Switzerland, England, Colombia, Uruguay, Mexico, Croatia. Waxa iyaguna aan marxaladda hormooyinka kulmi doonin waddamada Denmark, Iceland, Costa Rica, Sweden, Tunisia, Egypt, Senegal, Iran. Waxa aan iyaguna isku group noqon karin Serbia, Nigeria, Australia, Japan, Morocco, Panama, South Korea, Saudi Arabia.

Yaa samaynaya isku-aadka:

Waxa isku aadka samayn doonaa xiddigihii hore dunida caanka ka ahaa ee Laurent Blanc oo u dhashay Faransiiska,  Gordon Banks oo England ah, Cafu oo ahaa kabtankii Brazil,  Fabio Cannavaro oo dalkiisa u qaaday koobkii adduunka 2006 isagoo kabtan ah, Diego Forlán oo ahaa halyeygii Uruguay, Halyeygii reer Argentina ee Diego Maradona, Kabtankii hore ee Spain ee Carles Puyol iyo Kabtankii Ruushka ee Nikita Simonyan.

Xidhiidhiyeyaasha Xafladda:

Waxa xafladda hagi doona oo xidhiidhinteeda iyo sida ay wax u soconayaanba maamulaya Lineker iyo Komandnaya.

Wakhtiga isku-aadku dhacayo: 6:00 PM (Wakhtiga bariga Afrika)

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cesc Fabregas” ’90 daqiiqo Oo Difaac Ah Waa Is Miidaamin’

(21-2-2018) Laacibka dhexda uga ciyaara kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa sheegay inay ahayd wax laga yaq-yaqsoodo, gacan ...

Kumuu ahaa Xidiga loo doortay Man of the match kulankii Chelsea iyo Barcelona+Sawiro

(21-2-2018) Kadib Markii ay dhamaatay Cayaartii Xiisaha badnayd ee Xalay dhex martay kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa ...

Yaa lahaa qaladkii uu Goolku uga dhashay Chelsea kulankii Barcelona?

(21-2-2018) Gool uu xidiga Barcelona ee Lionel Messi shabaqa dhex dhigay ayuu barbar dhac ku soo celiyey tirsiga ...

Lionel Messi oo Hogaaminaya 6 da Cayaaryahan ee Goolasha ugu badan ka dhalisay Kooxaha England

(21-2-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu danbayn meesha ka saaray weligiis Gool kama dhalin ...

Jose Mourinho oo cadeeyey in uu diyaar yahay Paul Pogba+Sawiro

(21-2-2018) Macalinka kooxda Kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar yahay Cayaaryahankiisa ...

FT: Chelsea 1-1 Barcelona+Sawiro

(21-2-2018) Goool Messi Willian Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Chelsea: Courtois, Azpilicueta, Christensen, Rudiger, ...

FT: Bayern Munich 5-0 Besiktas+Sawiro

(21-2-2018) Goool Robert Lewandowski  Thomas Mueller Kingsley Coman Thomas Mueller Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Besiktas Waxaa Calaamada casaanka ah ...

Layaab! Cayaaryahan sixun u garaacay mid ka mid ah ilmaha kubadaha soo qabta+Sawiro

(20-2-2018) Mid ka mid ah Cayaratoyda ka cayaarta Horyaalka dalka Braziil ayaa si arxan daro ah u garaacay ...

DEG DEG: Safka Rasmiga ah ee Kulanka Chelsea iyo Barcelona oo la soo saaray+Sawiro

(20-2-2018) Waxaa lasoo saaray min 11 ka Cayaaryahan ee ay garoonka ku soo bilaabi doonaan Macalinmiinta kooxaha Chelsea ...

Magacyada iyo Sawirada Cayaartoyda dhalisay 5 Tii Hat-Trick ee ugu dhaqsiyaha badnaa Champions League

(20-2-2018) Aqristeyaasheena sharafta lahoow waxaan idiin soo gudbineynaa Magacyada iyo sawirada Cayaartoydii dhalisey shanti sadexleey ee ugu dhaqsiyaha ...

Frank Lampard” Hal cayaaryahan unbaa Joojin karaya Lionel Messi?

(20-2-2018) Cayaaryahankii hore ee kooxda kubada cagta Chelsea Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro hal ...

Guriga Philippe Coutinho oo ladhacay Gaarigiisa iyo Gaarigiisa oo lajiitey+Sawiro

(20-2-2018) Wargeyska Sport oo soo xiganaya ilo ku dhaw laacibka Brazil iyo Barcelona Philippe Coutinho ayaa sheegaya in ...

Kooxda Horseed oo Guul ku xustay Geeridii Taageerihii weynaa ee Xasan Abuukar Cali lana Wareegtay Hogaanka Horyaalka

(20-2-2018) Kooxda Kubada cagta Horseed ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa Guul muhiim ah ka gaartay Cayaartii Horyaalka ...

Eden Hazard Oo Tilmaamay Hal Arin Oo Kooxdiisa Qasab Ku Ah Kulanka Caawa?

(20-2-2018) Cayaariyahanka weerarka uga ciyaara kooxd Chelsea Eden Hazard ayaa aaminsan in kooxdiisa Blues ay dhibaato dhexda ka ...

Lionel Messi Oo Dhibaatada Ugu Badan Ee Heer Kooxeed Ku Qaba Chelsea !

(20-2-2018) Laacibka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi, ayaa heli doona laba kulan oo fursad ah ...