Thursday, December 14th, 2017

Warbixin: Rajada Dalalka Afrika Ee Koobka Adduunka Iyo Siday Uga Soo Bixi Karaan Groupyada

Published on December 1, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(01-12-2017) Isku aadka koobka adduunka 2018 ee ka dhici doona waddanka Ruushka ayaa lagu qabtay Magaalada Moscow, halkaas oo shan dal oo Afrika ka soo jeeda ay ka qaybgeli doonaan tartanka oo bilaabmi doona June 14, 2018.

Dalalka Nigeria, Senegal, Egypt, Morocco iyo Tunisia ayaa qaaradda Afrika uga qayb-geli doona tartanka, waxaana shabakadda ciyaaraha ee Cadalool ay halkan ku soo bandhigaysaa falaqaynta rajada dalalkaasi kaga soo gudbi karaan hormooyinka.

Egypt: Dalka Masar waxa uu ku jiraa Group A, oo ay ku wehelinayaan Russia oo dalkiisa lagu ciyaarayo, Saudi Arabia oo ay deris yihiin Masar iyo Uruguay oo qaaradda Latin America kasoo jeeda.

Masar oo oo ay hoggaaminayaan xiddigo da’yar oo si xarrago leh ugu soo baxay isreeb-reebkii ay usoo galeen Koobka Adduunka, ayaa waxay kulanka koowaad iska hor iman doonaan Uruguay oo ay hormood u yihiin Cavani iyo Suarez. Masar waxay ku xoggan tahay afka hore oo uu hoggaamiyo Mohamed Salah oo u ciyaara Liverpool, khadka dhexena waxana taagan ciyaartooyo badan oo qaarkood ka ciyaaraan horyaalka Ingiriiska, laakiin ma gaardhi karaan kooxdii sannadkii 2010 uga qayb-gashay koobka Adduunka.

Masar waxa uu haystaa rajo fiican oo uu ugu bixi karo wareegga 16-ka, waxaanay usii fududaan doontaa haddii ay guuleystaan ciyaarta ugu horreysa ee ay waajahayaan Uruguay, labada dal ee kale ee Ruushka iyo Saudi Arabia na si sahal ah ayay kaga badin karaan marka loo eego ciyaarta Uruguay.

Morocco: Markii uu bilaabmay isreeb-reebka dalalka Afrika u galeen koobka adduunka, cidina ma filaynin in Morocco ay tegi doonto Koobka Adduunka oo toban sannadood ka hor ay wacdaro ka dhigi jireen ciyaartooyo uu ugu magac weynaa Hadji iyo walaalkiisii ka yaraa ee Yusuf.

Dalka Morocco rajo badan ma laha marka la eego halka ay ku jirto oo ah Group B oo ay ku wehelinayaan Portugal oo uu Ronaldo kabtan u yahay, Spain oo tartanka ku guuleysatay sannadkii 2010 kana mid ah dalalka dunida u yeedhiya kubadda cagta wakhtigan iyo Iran oo ahayd dalkii ugu horreeyey ee qaaradda Asia u gudba koobka Adduunka. Saddexda dal ee kale ee Portugal, Spain iyo Iran way ka awood badan yihiin Morocco, waxaana ay saadaashu tahay in Portugal iyo Spain ay halkaas kasoo bixi doonaan, halka Morocco ay noqon doonto dalka ugu dhibcaha yar ee Group B.

Nigeria: Waxa uu ku jiraa Group D oo ay kula hirdami doonaan Argentina, Iceland iyo Croatia. Nigeria waa dalka ugu horreeya kubadda cagta qaaradda Afrika inkastoo sannadahan dambe hoos u dhac ku yimid, waxaana ay sannadkii 2014 ay ciyaar adag ay dirqi ku hadheen markii ay Argentina wakhti dambe gool dirqi ah ka dhalisay.

Nigeria, ciyaarteedii ugu dambaysay waxay bil ka hor la ciyaartay Argentina oo ay ku garaacday 4-2, hase yeeshee, markay noqoto in koob adduun la ciyaaro, dal walba waxa uu soo kaxaysanayaa ciyaartoygiisa ugu tayada sarreeya, lamana barbar dhigi karo ciyaartii saaxiibtinimo ee ay ka guuleysteen Argentina oo uu Messi ka maqnaa. Iceland oo tartankii Euro 2016 wacdaro ka dhigtay, isla markaana ka reebtay tartanka, waa dalka ugu fudud ee ay Nigeria ka badin karto, waxaana ay sidoo kale iska caabbin kartaa Croatia oo ay hoggaaminayaan Luka Modic iyo Perisic, laakiin kulanka Argentina wax rajo ah masugayaan. Saadaashu, waxay tilmaamaysaa in Nigeria ay noqon doonto dalka saddexaad ee ugu dhibcaha bata groupka D.

Tunisia: Tunisa af-libaax ayay ku jirtaa, waxaana la group ah Belgium, Panama iyo England. Ma jirto rajo fiican oo ay ugu soo gudbi karto wareegga 16-ka, hase yeeshee, waxay geli kartaa kaalinta 3aad iyadoo ka badin karta Panama oo qaaradda Woqooyiga America ka socda. Kulanka England iyo Tunisia waxa uu leeyahay taariikh dib ugu celinaysa dadka koobkii adduunka ee 1998 markaas oo Ingiriisku 2-0 kaga badiyey Tunisia, goolashana uu u dhaliyey Alan Shearer.

Senegal: Dalka haysta rajada ugu fiican ee uu ugu bixi karayo wareegga 16-ka ee kasoo jeeda qaaradda Afrika, kaas oo ka badin kara dhamaan saddexda dal ee kale ee hormada H kula jira. Senegal waxay isku group yihiin Poland, Colombia iyo Japan, kuwaas oo inkasta oo ay adag yihiin ay haddana kaalinta koowaad kaga soo bixi karto.

Koobis:

Senegal: Waxay u gudbi doontaa wareegga 16-ka.

Egypt: Waxay u gudbi doontaa wareegga 16-ka.

Morocco: Waxay ku hadhi doontaa Groupka oo ay ka heli doonto dhibcaha ugu yar ama kaalinta afraad.

Nigeria: Waxay ku hadhi doontaa wareegga koowaad ee Groupka oo ay ka geli doonto kaalinta saddexaad.

Tunisia: Waxay ku hadhi doontaa groupka

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Ronaldinho Oo Ku biiraya Siyaasadda, Kana Qayb-gelaya Doorashada Dalka Brazil

(14-12-2017) Cayaaryahankii hore ee xulka qaranka Brazil iyo Barcelona ee Ronaldinho ayaa la sheegay inuu ka baxayo xirfadda ...

Magacyada iyo Sawirada 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkii 17 aad ee Horyaalka Premier League

(14-12-2017) Horyaalka dalka England ayaa lacaayaray Todobaadkii 17 aad Talaadadii iyo Arbacadii lasoo dhaafay waxaana lasoo saaray Magacyada ...

Cayaar dhiig ku daatay oo ka dhacday mid ka mid ah dalalka yurub+Sawiro

(14-12-2017) Cayaarta Kubada Cagta oo ka mid ah Cayaaraha loogu jecelyahay caalamka oo dhan ayaa mararka qaar waxaa ...

Cayaaryahan Bartilmaameed u ah Manchester United oo sheegay in xiligii ugu danbeeyey uu u dheelayo kooxdiisa

(14-12-2017) Mid ka mid ah Cayaartoyda bartilmaameedka koowaad u ah Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in uu ...

‘Mararka qaarkood xiddiguhu ma Sameeyaan koox wanaagsan’ – Rakitic oo Farriin U Diray Neymar

(14-12-2017) Barcelona waxay wali buuxin kari la’dahay booskii uu banneeyey Neymar oo xagaagii lacag badan ugu wareegay PSG, ...

Cristiano Ronaldo oo ka Xanaaqay Taageerayaal ku heesayey magaca Messi kulankii Club World Cup

(14-12-2017) Xiddiga kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa xanaaq ka muujiyey hadalo ay ku hadaaqayeen Taageerayaal ...

Taageerayaasha AC Milan oo Xalay ka oysiiyey Gianluigi Donnarumma iyo Bonucci oo Aamisiyey+Sawiro

(14-12-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa Xalay soo qaatay boorar ay wax kaga sheegayaan Goolhayaha da.da ...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo baajiyey kulankii Maanta dhex mari lahaa Jubaland iyo Galmudug

(14-12-2017) Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqay in labaajiyey kulan Cayaareedkii dhex mari lahaa dowlad Goboleedyada kala ...

Jose Mourinho Oo Warbaahinta Ku Eedeeyey Ixtiraam La’aan

(14-12-2017) Tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa ku eedeeyey warbaahinta inay kala jeclaystaan kooxaha, isla markaana aanay ...

Neymar oo Todobaadkii labaad laga waayey liiska PSG Sabab?

(13-12-2017) Cayaaryahanka Caalamka oo dhan ugu qaalisan ee Neymar ayaa markale laga waayey liiska Cayaartoyda Naadigiisa PSG oo ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan oo ay bisha Janaayo doonayaan Real Madrid

(13-12-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay doonayaan Cayaartoy dhoawr ah marka uu dib u ...

Laba Xiddig oo Caan ka ah Caalamka oo is Guursaday

(13-12-2017) Kabtanka xulka Kiriketka Hindiya Virat Kohli iyo atariishada caanka ah Anushka Sharma ayaa isku mehersaday dalka Talyaaniga, ...

Daawo Video Eden Hazard oo diidey biladii MOTM kulankii Xalay

(13-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa diidey in uu gudoomo abaal marintii lagudoonsiiyey ee Cayaaryaahnka ...

Kooxda Newcastle United Oo Lagu Xaraashayo £300 Milyan

(13-12-2017) Mulkiilaha kooxda Newcastle United oo lagu magacaabo Mike Ashhley ayaa u dhow inuu qalinka ku duugo heshiis ...

Louis van Gaal” Jose Mourinho Waxa uu i Nacsiiyey in aan Daawado Cayaaraha Man United

(13-12-2017) Macalinkii hore ee kooxda Manchester United  Louis van Gaal ayaa Weerar ku qaaday qaab Cayaareedka Macalinka xiligaan ee ...