Thursday, December 14th, 2017

Ancelotti Oo Garan Waayey Cidda Leh AC Milan, Kana Hadlay Inuu Tababare U Noqonayo Xulka Qaranka Italy

Published on December 4, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(04-12-2017) Tababaraha caanka ah ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa, waxa uu ka yeelayo haddii loogu yeedho xulka Qaranka Talyaaniga, dhibaatada haysata qarankiisa iyo arrimo kale oo la xidhiidha kooxdiisii hore ee AC Milan.

Ancelotti oo waraysi siiyey idaacadda RAI, ayaa waxa uu sheegay inuu doonayo inuu kusoo laabto shaqada tabarenimada oo uu ka maqnaa tan iyo markii laga casilay Bayern Munich.

“Waan jeclaan lahaa inaan kusoo laabto tababarka naadiyada. Xulka qaranka? Waa shaqadaydii oo aan isbeddel ku sameeyey, laakiin dhibaatada haysata kubadda cagta Talyaaniga, ilama aha inaan xallin karayo, sababtoo ah waa dhibaato ka timid xidhiidhka kubadda cagta.” Sidaas ayuu yidhi Ancelotti.

Tababarahan ruug caddaaga ah oo guulo badan la gaadhay AC Milan wakhtigii uu macallinka u ahaa, ayaa waxa uu xusay in aanu garanaynin cidda iska leh mulkiyadda kooxdiisa hore, isla markaana aanu jirin wax xidhiidh ah oo uu la leeyahay, waxaanu yidhi: “Waligay lamaan hadal madaxweynaha cusub ee Milan, wax xidhiidh ahna lama lihi maamulka cusub. Xataa ma garanayo qofka ah mulkiilaha rasmiga ah ee AC Milan.”

Ancelotti oo wax laga weydiiyey dhibaatada haysata kubadda cagta Talyaaniga oo hoos u sii dhacaysa, taas oo dhaxalsiisay inay ka hadhaan koobka adduunka, waxa uu ku jawaabay: “Ma taagnin meeqaamkii aanu ka joognay Yurub. Waa meerto nasiib darro ah. Kubadda cagta Talyaaniga waxa haysata dhibaato uu xallin karayo xidhiidhku. Waxa loo baahan yahay in la horumariyo carruurto, shuruuc loo dejiyo, isbeddellona la sameeyo. Xaqiiqadu waxay tahay, nasiib-darro, ciyaartooyada wanaagsan maalin walba ma dhashaan.”

Ancelotti waxa uu caddeeyey in maamulka sare ee ciyaaraha Talyaanigu uu la soo xidhiidhay, balse uu siiyey jawaab ah in dalku u baahan yahay xidhiidh ciyaareed oo adag, diiraddana la saaro kooxaha.

Ugu dambayn waxa uu shaaciyey in aanu kusoo laaban doonin tababaridda kooxaha oo uu dibedda ka joogi doono illaa bisha June, sida uu dhigayo heshiiskii uu kula jiray Bayern Munich oo dhowaan uu ka tegay.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkii 17 aad ee Horyaalka Premier League

(14-12-2017) Horyaalka dalka England ayaa lacaayaray Todobaadkii 17 aad Talaadadii iyo Arbacadii lasoo dhaafay waxaana lasoo saaray Magacyada ...

Cayaar dhiig ku daatay oo ka dhacday mid ka mid ah dalalka yurub+Sawiro

(14-12-2017) Cayaarta Kubada Cagta oo ka mid ah Cayaaraha loogu jecelyahay caalamka oo dhan ayaa mararka qaar waxaa ...

Cayaaryahan Bartilmaameed u ah Manchester United oo sheegay in xiligii ugu danbeeyey uu u dheelayo kooxdiisa

(14-12-2017) Mid ka mid ah Cayaartoyda bartilmaameedka koowaad u ah Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in uu ...

‘Mararka qaarkood xiddiguhu ma Sameeyaan koox wanaagsan’ – Rakitic oo Farriin U Diray Neymar

(14-12-2017) Barcelona waxay wali buuxin kari la’dahay booskii uu banneeyey Neymar oo xagaagii lacag badan ugu wareegay PSG, ...

Cristiano Ronaldo oo ka Xanaaqay Taageerayaal ku heesayey magaca Messi kulankii Club World Cup

(14-12-2017) Xiddiga kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa xanaaq ka muujiyey hadalo ay ku hadaaqayeen Taageerayaal ...

Taageerayaasha AC Milan oo Xalay ka oysiiyey Gianluigi Donnarumma iyo Bonucci oo Aamisiyey+Sawiro

(14-12-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa Xalay soo qaatay boorar ay wax kaga sheegayaan Goolhayaha da.da ...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo baajiyey kulankii Maanta dhex mari lahaa Jubaland iyo Galmudug

(14-12-2017) Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqay in labaajiyey kulan Cayaareedkii dhex mari lahaa dowlad Goboleedyada kala ...

Jose Mourinho Oo Warbaahinta Ku Eedeeyey Ixtiraam La’aan

(14-12-2017) Tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa ku eedeeyey warbaahinta inay kala jeclaystaan kooxaha, isla markaana aanay ...

Neymar oo Todobaadkii labaad laga waayey liiska PSG Sabab?

(13-12-2017) Cayaaryahanka Caalamka oo dhan ugu qaalisan ee Neymar ayaa markale laga waayey liiska Cayaartoyda Naadigiisa PSG oo ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan oo ay bisha Janaayo doonayaan Real Madrid

(13-12-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay doonayaan Cayaartoy dhoawr ah marka uu dib u ...

Laba Xiddig oo Caan ka ah Caalamka oo is Guursaday

(13-12-2017) Kabtanka xulka Kiriketka Hindiya Virat Kohli iyo atariishada caanka ah Anushka Sharma ayaa isku mehersaday dalka Talyaaniga, ...

Daawo Video Eden Hazard oo diidey biladii MOTM kulankii Xalay

(13-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa diidey in uu gudoomo abaal marintii lagudoonsiiyey ee Cayaaryaahnka ...

Kooxda Newcastle United Oo Lagu Xaraashayo £300 Milyan

(13-12-2017) Mulkiilaha kooxda Newcastle United oo lagu magacaabo Mike Ashhley ayaa u dhow inuu qalinka ku duugo heshiis ...

Louis van Gaal” Jose Mourinho Waxa uu i Nacsiiyey in aan Daawado Cayaaraha Man United

(13-12-2017) Macalinkii hore ee kooxda Manchester United  Louis van Gaal ayaa Weerar ku qaaday qaab Cayaareedka Macalinka xiligaan ee ...

BBC oo markale kusoo wada bilaaban doona Garoonka

(13-12-2017) Xiddigaha kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Magacooda loosoo gaabiyo BBC ayaa lasheegayaa in uu ku soo ...