Wednesday, February 21st, 2018

Go aamo ka soo baxay shir laba Saacadood socdey oo ay yeesheen maamulka iyo Macalinka Real Madrid

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(05-12-2017) Waxaa soo gaba gaboobey shir qaatay mudo laba Saacadood ah oo dhex maray Maamulka iyo macalinka Real Madrid shirkaas oo looga wadahadalayey qaabkii loo wajihi lahaa suuqa kala iibsiga bisha Janaayo iyo Hoos u dhaca Xiligaan ee Naadiga Boqortooyada.

Wargeyska Marca ayaa daabacay in Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez uu si kulul uga hadlay Xaalada qalafsan ee Naadiga isla Markaana uu ku maray maareeyaha Cayaaraha Jose Angel Sanchez in uu keeno Cayaartoy bisha Janaayo oo uu dib u furmi doono suuqa kala iibsiga cayaartoyda.

Shirka Real Madrid ayaa lagu Go aamiyey in Kooxdu ay soo qaadato bisha Janaayo ugu yaraan 2 Cayaaryahan kuwaas oo ka kala Cayaara boosaska Goolhaye iyo Weeraryahan lamana shaacin magacyada Cayaartoyda bartimaameedka ay ka dhigteen ee ay doonayaan bisha Janaayo.

Real Madrid ayaa 8 dhibcood ka hooseysa Hogaamiye yaasha Horyaalka La Liga ee Barcelona waxaana Xiligaan haysta dhibaato aad u weyn oo dhanka Guulaha ah mana muuqato in ay koobabka ay qaadeen Xiligii hore difaacan karayaan hadii aan isbadal lasamayn.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cesc Fabregas” ’90 daqiiqo Oo Difaac Ah Waa Is Miidaamin’

(21-2-2018) Laacibka dhexda uga ciyaara kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa sheegay inay ahayd wax laga yaq-yaqsoodo, gacan ...

Kumuu ahaa Xidiga loo doortay Man of the match kulankii Chelsea iyo Barcelona+Sawiro

(21-2-2018) Kadib Markii ay dhamaatay Cayaartii Xiisaha badnayd ee Xalay dhex martay kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa ...

Yaa lahaa qaladkii uu Goolku uga dhashay Chelsea kulankii Barcelona?

(21-2-2018) Gool uu xidiga Barcelona ee Lionel Messi shabaqa dhex dhigay ayuu barbar dhac ku soo celiyey tirsiga ...

Lionel Messi oo Hogaaminaya 6 da Cayaaryahan ee Goolasha ugu badan ka dhalisay Kooxaha England

(21-2-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu danbayn meesha ka saaray weligiis Gool kama dhalin ...

Jose Mourinho oo cadeeyey in uu diyaar yahay Paul Pogba+Sawiro

(21-2-2018) Macalinka kooxda Kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in uu diyaar yahay Cayaaryahankiisa ...

FT: Chelsea 1-1 Barcelona+Sawiro

(21-2-2018) Goool Messi Willian Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Chelsea: Courtois, Azpilicueta, Christensen, Rudiger, ...

FT: Bayern Munich 5-0 Besiktas+Sawiro

(21-2-2018) Goool Robert Lewandowski  Thomas Mueller Kingsley Coman Thomas Mueller Qalinkacayaaraha kala soco Cayaar walba oo caalamka ka dhacaysa. Safka labada kooxood. Besiktas Waxaa Calaamada casaanka ah ...

Layaab! Cayaaryahan sixun u garaacay mid ka mid ah ilmaha kubadaha soo qabta+Sawiro

(20-2-2018) Mid ka mid ah Cayaratoyda ka cayaarta Horyaalka dalka Braziil ayaa si arxan daro ah u garaacay ...

DEG DEG: Safka Rasmiga ah ee Kulanka Chelsea iyo Barcelona oo la soo saaray+Sawiro

(20-2-2018) Waxaa lasoo saaray min 11 ka Cayaaryahan ee ay garoonka ku soo bilaabi doonaan Macalinmiinta kooxaha Chelsea ...

Magacyada iyo Sawirada Cayaartoyda dhalisay 5 Tii Hat-Trick ee ugu dhaqsiyaha badnaa Champions League

(20-2-2018) Aqristeyaasheena sharafta lahoow waxaan idiin soo gudbineynaa Magacyada iyo sawirada Cayaartoydii dhalisey shanti sadexleey ee ugu dhaqsiyaha ...

Frank Lampard” Hal cayaaryahan unbaa Joojin karaya Lionel Messi?

(20-2-2018) Cayaaryahankii hore ee kooxda kubada cagta Chelsea Frank Lampard ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro hal ...

Guriga Philippe Coutinho oo ladhacay Gaarigiisa iyo Gaarigiisa oo lajiitey+Sawiro

(20-2-2018) Wargeyska Sport oo soo xiganaya ilo ku dhaw laacibka Brazil iyo Barcelona Philippe Coutinho ayaa sheegaya in ...

Kooxda Horseed oo Guul ku xustay Geeridii Taageerihii weynaa ee Xasan Abuukar Cali lana Wareegtay Hogaanka Horyaalka

(20-2-2018) Kooxda Kubada cagta Horseed ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ayaa Guul muhiim ah ka gaartay Cayaartii Horyaalka ...

Eden Hazard Oo Tilmaamay Hal Arin Oo Kooxdiisa Qasab Ku Ah Kulanka Caawa?

(20-2-2018) Cayaariyahanka weerarka uga ciyaara kooxd Chelsea Eden Hazard ayaa aaminsan in kooxdiisa Blues ay dhibaato dhexda ka ...

Lionel Messi Oo Dhibaatada Ugu Badan Ee Heer Kooxeed Ku Qaba Chelsea !

(20-2-2018) Laacibka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi, ayaa heli doona laba kulan oo fursad ah ...