Thursday, December 14th, 2017

Hal-xiraalaha Champions League: Maxaa Lagu Kala-saarayaa Kooxaha Iskaga mid noqda, Goolasha, Dhibcaha, Kulamadii ay is-arkeen iyo Goolashii ay Iska Dhaliyeen

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(05-12-2017) Kulankii ugu dambeeyey tartanka Champions League marxaladda Groupyada ayay caawa iyo habeen dambe kooxuhu iskaga hor imanayaan, waxaana siddeeda hormo kasoo bixi doona min 2 kooxood, taas oo ka dhigan in 32-ka kooxood ee tartanka ku jira ay 16 ka mid ahi u gudbi doonaan wareegga 16-ka, halka 16-ka kalena ay 8 ka mid ahi u degi doonaan tartanka Europa League, siddeeda kalena guryahoodii ku noqon doonaan.

Haddaba, waxa dhici karta arrin qariib ah oo aan inta badan lagu arag ciyaaraha Champions League, taas oo ay suurtogal tahay in mararka qaarkood la arko, laakiin ogow inuu sharci ka yaallo.

Shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL, waxay raad-raac ku samaysay sharciga lagu kala saarayo kooxaha isku groupka ah ee isku dhibcaha, goolasha, guulaha, akhlaaqda, guul-darrooyinka iyo wax walba isku mid ka noqda, kuwaas oo loo baahan yahay inuu midkood soo baxo.

Sida loo kala saarayo

  1. a) Waxa loo eegayaa ciyaarihii dhexmaray midkoodii badiyey.
  2. b) Haddii ay isku mid noqdaan dhibcaha, labadii kulan ee ay ciyaareenna isku mid noqdaan, waxa loo eegayaa farqiga goolashii ay dhaliyeen.
  3. c) Haddii ay isku mid noqdaan goolasha ay dhaliyeen, waxa loo eegayaa goolasha laga dhaliyey.
  4. d) Haddii ay ka sinnaadaan goolasha laga dhaliyey, waxa la eegayaa goolasha ay ku dhaliyeen garoomada kale.
  5. e) Haddii ay isku mid ka noqdaan goolasha dibedda, waxa loo eegayaa inta kulan ee ay badiyeen.
  6. f) Haddii ay isku mid noqdaan kulamada badiska, waxa la eegayaa, kulamada ay garoomada martida kusoo badiyeen.
  7. g) Haddii ay taana isku mid ka noqdaan, waxa loo eegayaa, rikoodhka akhlaaqda.
  8. h) Haddii ay taana isku mid noqdaan, xalka ugu dambeeya ee lagu kala saarayaa, waa halka ay kaga jiraan qiimaynta UEFA iyo rikoodho laga ururiyey kulamadii u dambeeyey ee tartamada kala duwan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkii 17 aad ee Horyaalka Premier League

(14-12-2017) Horyaalka dalka England ayaa lacaayaray Todobaadkii 17 aad Talaadadii iyo Arbacadii lasoo dhaafay waxaana lasoo saaray Magacyada ...

Cayaar dhiig ku daatay oo ka dhacday mid ka mid ah dalalka yurub+Sawiro

(14-12-2017) Cayaarta Kubada Cagta oo ka mid ah Cayaaraha loogu jecelyahay caalamka oo dhan ayaa mararka qaar waxaa ...

Cayaaryahan Bartilmaameed u ah Manchester United oo sheegay in xiligii ugu danbeeyey uu u dheelayo kooxdiisa

(14-12-2017) Mid ka mid ah Cayaartoyda bartilmaameedka koowaad u ah Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in uu ...

‘Mararka qaarkood xiddiguhu ma Sameeyaan koox wanaagsan’ – Rakitic oo Farriin U Diray Neymar

(14-12-2017) Barcelona waxay wali buuxin kari la’dahay booskii uu banneeyey Neymar oo xagaagii lacag badan ugu wareegay PSG, ...

Cristiano Ronaldo oo ka Xanaaqay Taageerayaal ku heesayey magaca Messi kulankii Club World Cup

(14-12-2017) Xiddiga kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa xanaaq ka muujiyey hadalo ay ku hadaaqayeen Taageerayaal ...

Taageerayaasha AC Milan oo Xalay ka oysiiyey Gianluigi Donnarumma iyo Bonucci oo Aamisiyey+Sawiro

(14-12-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa Xalay soo qaatay boorar ay wax kaga sheegayaan Goolhayaha da.da ...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo baajiyey kulankii Maanta dhex mari lahaa Jubaland iyo Galmudug

(14-12-2017) Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqay in labaajiyey kulan Cayaareedkii dhex mari lahaa dowlad Goboleedyada kala ...

Jose Mourinho Oo Warbaahinta Ku Eedeeyey Ixtiraam La’aan

(14-12-2017) Tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa ku eedeeyey warbaahinta inay kala jeclaystaan kooxaha, isla markaana aanay ...

Neymar oo Todobaadkii labaad laga waayey liiska PSG Sabab?

(13-12-2017) Cayaaryahanka Caalamka oo dhan ugu qaalisan ee Neymar ayaa markale laga waayey liiska Cayaartoyda Naadigiisa PSG oo ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan oo ay bisha Janaayo doonayaan Real Madrid

(13-12-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay doonayaan Cayaartoy dhoawr ah marka uu dib u ...

Laba Xiddig oo Caan ka ah Caalamka oo is Guursaday

(13-12-2017) Kabtanka xulka Kiriketka Hindiya Virat Kohli iyo atariishada caanka ah Anushka Sharma ayaa isku mehersaday dalka Talyaaniga, ...

Daawo Video Eden Hazard oo diidey biladii MOTM kulankii Xalay

(13-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa diidey in uu gudoomo abaal marintii lagudoonsiiyey ee Cayaaryaahnka ...

Kooxda Newcastle United Oo Lagu Xaraashayo £300 Milyan

(13-12-2017) Mulkiilaha kooxda Newcastle United oo lagu magacaabo Mike Ashhley ayaa u dhow inuu qalinka ku duugo heshiis ...

Louis van Gaal” Jose Mourinho Waxa uu i Nacsiiyey in aan Daawado Cayaaraha Man United

(13-12-2017) Macalinkii hore ee kooxda Manchester United  Louis van Gaal ayaa Weerar ku qaaday qaab Cayaareedka Macalinka xiligaan ee ...

BBC oo markale kusoo wada bilaaban doona Garoonka

(13-12-2017) Xiddigaha kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Magacooda loosoo gaabiyo BBC ayaa lasheegayaa in uu ku soo ...