Thursday, December 14th, 2017

Mauro Icardi oo si Caro leh uga Jawaabay Su.aal laga weydiiyey Real Madrid?

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(05-12-2017) Weeraryahanka Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa jawaabo cadho leh ka bixiyey su’aalo laga weydiiyey warar ku xidhiidhiyey inuu u wareegayo kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Mauro Icardi oo u warramay wargeyska Telefe, ayaa waxa uu sheegay inuu rajaynayo in lagu daro xulka qaranka Argentina ee ka qayb-geli doona koobka adduunka badhtamaha sannadka dambe lagu qaban doono waddanka Ruushka. Sidoo kale, waxa uu xusay in wax walba uu u hurayo kooxdiisa Inter Milan oo uu wakhtigan ka tirsan yahay, isla markaana aanay jirin koox kale oo uu wada-hadal kula jiro.

Icardi oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi: “Haddii laygu yeedho xulka qaranka Argentina waxay ka dhigan tahay in laygu abaalmariyey shaqadii badnayd ee aan u qabtay Inter Milan. Wax kasta si fiican ayay u socdaan, waxaanan rajaynayaa inaan sii wado dhalinta goolasha illaa dhamaadka xili ciyaareedka. Waana inaan goolal dhaliyo haddii aan jecelahay inaan Ruushka (Koobka Adduunka) tago.”

Wariyaha waraysiga ka qaadayey Icardi ayaa waxa uu markaas kaddib weydiiyey su’aal ku saabsan inuu u wareegayo Real Madrid iyo in kale iyo waliba inuu jiro wada-hadal dhexmaray, waxaanu ku jawaabay: “Real Madrid? Halkan Talyaaniga ayaan ku faraxsanahay. Waxa aanu nahay kooxda hoggaaminaysa horyaalka, aniguna waxaan ahay gool-dhaliyaha ugu goolasha badan, maxaa kale ee aan doonayaa?.”

Icardi ayaa xili ciyaareedkan waxa uu kooxdiisa Inter Milan u dhaliyey 16 gool, 15 ciyaarood oo uu saftay, waxaana uu kulankii Chievo ku galay taariikhda Inter Milan oo uu noqday ciyaartoygii 10-aad ee ugu goolasha badnaa abid, waxaanu la sinmay Mario Corso oo booskaas ku  jiray, iyadoo uu hiigsanayo Meazza oo goolashii ugu badnaa u dhaliyey kooxdaas abid, kuwaas oo tiradoodu tahay 284 gool.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Ronaldinho Oo Ku biiraya Siyaasadda, Kana Qayb-gelaya Doorashada Dalka Brazil

(14-12-2017) Cayaaryahankii hore ee xulka qaranka Brazil iyo Barcelona ee Ronaldinho ayaa la sheegay inuu ka baxayo xirfadda ...

Magacyada iyo Sawirada 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkii 17 aad ee Horyaalka Premier League

(14-12-2017) Horyaalka dalka England ayaa lacaayaray Todobaadkii 17 aad Talaadadii iyo Arbacadii lasoo dhaafay waxaana lasoo saaray Magacyada ...

Cayaar dhiig ku daatay oo ka dhacday mid ka mid ah dalalka yurub+Sawiro

(14-12-2017) Cayaarta Kubada Cagta oo ka mid ah Cayaaraha loogu jecelyahay caalamka oo dhan ayaa mararka qaar waxaa ...

Cayaaryahan Bartilmaameed u ah Manchester United oo sheegay in xiligii ugu danbeeyey uu u dheelayo kooxdiisa

(14-12-2017) Mid ka mid ah Cayaartoyda bartilmaameedka koowaad u ah Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in uu ...

‘Mararka qaarkood xiddiguhu ma Sameeyaan koox wanaagsan’ – Rakitic oo Farriin U Diray Neymar

(14-12-2017) Barcelona waxay wali buuxin kari la’dahay booskii uu banneeyey Neymar oo xagaagii lacag badan ugu wareegay PSG, ...

Cristiano Ronaldo oo ka Xanaaqay Taageerayaal ku heesayey magaca Messi kulankii Club World Cup

(14-12-2017) Xiddiga kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa xanaaq ka muujiyey hadalo ay ku hadaaqayeen Taageerayaal ...

Taageerayaasha AC Milan oo Xalay ka oysiiyey Gianluigi Donnarumma iyo Bonucci oo Aamisiyey+Sawiro

(14-12-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa Xalay soo qaatay boorar ay wax kaga sheegayaan Goolhayaha da.da ...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo baajiyey kulankii Maanta dhex mari lahaa Jubaland iyo Galmudug

(14-12-2017) Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqay in labaajiyey kulan Cayaareedkii dhex mari lahaa dowlad Goboleedyada kala ...

Jose Mourinho Oo Warbaahinta Ku Eedeeyey Ixtiraam La’aan

(14-12-2017) Tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa ku eedeeyey warbaahinta inay kala jeclaystaan kooxaha, isla markaana aanay ...

Neymar oo Todobaadkii labaad laga waayey liiska PSG Sabab?

(13-12-2017) Cayaaryahanka Caalamka oo dhan ugu qaalisan ee Neymar ayaa markale laga waayey liiska Cayaartoyda Naadigiisa PSG oo ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan oo ay bisha Janaayo doonayaan Real Madrid

(13-12-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay doonayaan Cayaartoy dhoawr ah marka uu dib u ...

Laba Xiddig oo Caan ka ah Caalamka oo is Guursaday

(13-12-2017) Kabtanka xulka Kiriketka Hindiya Virat Kohli iyo atariishada caanka ah Anushka Sharma ayaa isku mehersaday dalka Talyaaniga, ...

Daawo Video Eden Hazard oo diidey biladii MOTM kulankii Xalay

(13-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa diidey in uu gudoomo abaal marintii lagudoonsiiyey ee Cayaaryaahnka ...

Kooxda Newcastle United Oo Lagu Xaraashayo £300 Milyan

(13-12-2017) Mulkiilaha kooxda Newcastle United oo lagu magacaabo Mike Ashhley ayaa u dhow inuu qalinka ku duugo heshiis ...

Louis van Gaal” Jose Mourinho Waxa uu i Nacsiiyey in aan Daawado Cayaaraha Man United

(13-12-2017) Macalinkii hore ee kooxda Manchester United  Louis van Gaal ayaa Weerar ku qaaday qaab Cayaareedka Macalinka xiligaan ee ...