Thursday, December 14th, 2017

Pep Guardiola Oo Ka Badbaaday Ganaax Lagu Saaro Gardarradii Uu La Doontay Redmond

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(05-12-2017) Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa ka badbaaday ciqaab lagu saaro falkii daandaansiga ahaa ee uu kula kacay weeraryahanka Nathan Redmond markii ay dhamaatay ciyaartii City ay daqiiqaddii ugu dambaysay u damaashaadday guusha ee ay Southampton isku haleeleen Etihad Stadium 29-kii November.

Xidhiidhka FA ayaa ka dalbaday tababaraha reer Spain inuu faahfaahin ka bixiyo falkii uu kula kacay ciyaartoyga 23 jirka ah, waxaana markii dambe ay sheegeen inay ogolaadeen sharraxaaddiisii oo aanay jirin turxaan uu huwanaa damaashaadkiisu.

Tababare Pep Guardiola ayaa u muuqday inuu ku qayliyey Redmond markii uu garoonka kasiibaxayay, laakiin Redmond ayaa afka u kala qaaday inuu u jawaabo.

Redmond oo warbaahinta la hadlay ayaa difaacay Pep Guardiola, waxaanu ka sheekeeyey hadalladii uu ku yidhi, waxaanu yidhi: “Wuxuu faalleeyey tayadayda anigoo ah ciyaartoy da’yar oo Ingiriis ah, iyo siduu u doonayey inaan weeraro kooxdiisa intii ay ciyaartu socotay sidii sannadkii hore oo kale”

Redmond oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi: “Waxaan u sheegay inaan qabtay wixii uu tababaraygu i faray.”

Jimcihii ayaa uu tababare Pep Guardiola sheegay in mararka qaarkood aanu naftiisa maamuli karin oo ay ka tan badanayso xamaasaddu.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkii 17 aad ee Horyaalka Premier League

(14-12-2017) Horyaalka dalka England ayaa lacaayaray Todobaadkii 17 aad Talaadadii iyo Arbacadii lasoo dhaafay waxaana lasoo saaray Magacyada ...

Cayaar dhiig ku daatay oo ka dhacday mid ka mid ah dalalka yurub+Sawiro

(14-12-2017) Cayaarta Kubada Cagta oo ka mid ah Cayaaraha loogu jecelyahay caalamka oo dhan ayaa mararka qaar waxaa ...

Cayaaryahan Bartilmaameed u ah Manchester United oo sheegay in xiligii ugu danbeeyey uu u dheelayo kooxdiisa

(14-12-2017) Mid ka mid ah Cayaartoyda bartilmaameedka koowaad u ah Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in uu ...

‘Mararka qaarkood xiddiguhu ma Sameeyaan koox wanaagsan’ – Rakitic oo Farriin U Diray Neymar

(14-12-2017) Barcelona waxay wali buuxin kari la’dahay booskii uu banneeyey Neymar oo xagaagii lacag badan ugu wareegay PSG, ...

Cristiano Ronaldo oo ka Xanaaqay Taageerayaal ku heesayey magaca Messi kulankii Club World Cup

(14-12-2017) Xiddiga kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa xanaaq ka muujiyey hadalo ay ku hadaaqayeen Taageerayaal ...

Taageerayaasha AC Milan oo Xalay ka oysiiyey Gianluigi Donnarumma iyo Bonucci oo Aamisiyey+Sawiro

(14-12-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa Xalay soo qaatay boorar ay wax kaga sheegayaan Goolhayaha da.da ...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo baajiyey kulankii Maanta dhex mari lahaa Jubaland iyo Galmudug

(14-12-2017) Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqay in labaajiyey kulan Cayaareedkii dhex mari lahaa dowlad Goboleedyada kala ...

Jose Mourinho Oo Warbaahinta Ku Eedeeyey Ixtiraam La’aan

(14-12-2017) Tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa ku eedeeyey warbaahinta inay kala jeclaystaan kooxaha, isla markaana aanay ...

Neymar oo Todobaadkii labaad laga waayey liiska PSG Sabab?

(13-12-2017) Cayaaryahanka Caalamka oo dhan ugu qaalisan ee Neymar ayaa markale laga waayey liiska Cayaartoyda Naadigiisa PSG oo ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan oo ay bisha Janaayo doonayaan Real Madrid

(13-12-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay doonayaan Cayaartoy dhoawr ah marka uu dib u ...

Laba Xiddig oo Caan ka ah Caalamka oo is Guursaday

(13-12-2017) Kabtanka xulka Kiriketka Hindiya Virat Kohli iyo atariishada caanka ah Anushka Sharma ayaa isku mehersaday dalka Talyaaniga, ...

Daawo Video Eden Hazard oo diidey biladii MOTM kulankii Xalay

(13-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa diidey in uu gudoomo abaal marintii lagudoonsiiyey ee Cayaaryaahnka ...

Kooxda Newcastle United Oo Lagu Xaraashayo £300 Milyan

(13-12-2017) Mulkiilaha kooxda Newcastle United oo lagu magacaabo Mike Ashhley ayaa u dhow inuu qalinka ku duugo heshiis ...

Louis van Gaal” Jose Mourinho Waxa uu i Nacsiiyey in aan Daawado Cayaaraha Man United

(13-12-2017) Macalinkii hore ee kooxda Manchester United  Louis van Gaal ayaa Weerar ku qaaday qaab Cayaareedka Macalinka xiligaan ee ...

BBC oo markale kusoo wada bilaaban doona Garoonka

(13-12-2017) Xiddigaha kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Magacooda loosoo gaabiyo BBC ayaa lasheegayaa in uu ku soo ...