Thursday, February 22nd, 2018

‘Guardiola Waa Beenaale’ – Mourinho Oo Weeraray Tababare Pep Guardiola

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(06-12-2017) Macalinka kooxda kubada Cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa ku eedeeyey dhigiisa Hogaamiya Manchester City Pep Guardiola inuu yahay beenaale ka been sheegay dhaawac aan jirin oo uu ku sheegay David Silva.

Pep Guardiola ayaa Salaasadii sheegay in Silva ay suurtogal tahay inuu ka maqnaado kulanka Manchester derby ee Axadda maadaama uu dhaawacan yahay, waxaase arrintaas been cad ku tilmaamay Mourinho oo xusay in Pep uu dhaawac aan jirin sheegayo, isla markaana uu marin habaabinayo ciyaarta Axadda oo uu safkiisa ku bilaabi doono Silva.

“Kooxaha naga soo horjeedaa mar walba sidan ayay yeelaan. Waxay soo bandhigaan dhaawacyo, laakiin marka la gaadho wakhtiga ciyaarta qof walba wuu ciyaaraa.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho.

Tababare Jose Mourinho oo Axadda garoonka Old Trafford ku martigelin doona Manchester City, ayaa waxa uu sheegay in aanu waligii ka been sheegin sida Guardiola oo kale caafimaadka kooxdiisa, isla markaana aanu ciyaartoy caafimaad qaba ku sheegin inuu dhaawacan yahay, taas oo ujeedadeedu tahay marin-habaabin.

Waxa uu Jose Mourinho xusay in tababare Wenger uu toddobaadkii hore sheegay in Lacazette uu ka dhaawacan yahay, laakiin uu ciyaaray kulankii ay Arsenal iyo Man United iska hor yimaaddeen, arrinta David Silva na ay sidaas oo kale noqon doonto.

Jose Mourinho waxa uu caddeeyey in difaaca reer Ivory Coast ee Eric Baily uu dhaawacan yahay oo aanu ciyaari doonin kulanka Manchester Derby, hase yeeshee Phil Jones uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, suurtogalna ay tahay inuu safto.

Marouane Fellaini iyo Zlatan Ibrahimovic ayuu caddeeyey inay suurtogal tahay inay ciyaaraan inkastoo ay weli cabanayaan, hase yeeshee, Nemanja Matic uu ciyaari doono.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Jamaahiirta Manchester United oo dalbaday in Ganaax adag lasaaro Pep Guardiola?

(22-2-2018) Jamaahiirta kooxda kubada cagta ee Manchester United ayaa aaminasan in Pep Guardiola uu u qalmo ganaax kadib ...

Kumaa loo doortay Man of the match kulankii Sevilla iyo Manchester United?

(22-2-2018) Kadib markii ay dhamaatay cayaartii Xiisaha badanayd ee Xalay dhe martay kooxaha Sevilla iyo Manchester United ayuaa ...

Jose Mourinho oo ka yaabsaday Wariye Su aal ka weydiiyey qaab cayaareedkii McTominay kulankii Sevilla kadib!+Sawiro

(22-2-2018) Macalinka kooxda Kubada cagta Manchester United Jose Mourinho ayaa ka yaabiyey Wariye u shaqeeya BT Sports oo ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo soo degtay kaalinta 3 aad Horyaalka La Liga

(22-2-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guul ka Gaartay kulankii horay ugu baaqday ee Horyaalka dalka Spain ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada David de Gea oo bad baadiyey Manchester United

(22-2-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester United ee dalka England ayaa ka bad baaday Guuladro ay kala kulmi lahayd ...

James Rodriguez Iyo Pepe Oo Dib Ugu Midoobay Alianz Arena

(21-2-2018) Kulankii xalayto dhex maray kooxaha Besiktas iyo Bayern Munich ayaa wuxuu kulmiyay ciyaartooy horay kaga soo wada ...

Daawo: Liverpool oo Maanta sixun u Garaacday Manchester United

(21-2-208) Kooxda Kubada cagta Liverpool ayaa Guul ka gaartay kulan xiiso badnaa oo ay Galabta ladheeleen Naadiga ay ...

Paul Pogba oo laxaqiijiyey in uu Kursiga keydka ku soo bilaaban doono Kulanka Sevilla

(21-2-208) Wararkii ugu danbeeyey ee laga helay Kooda Manchester United ayaa sheegaya in Cayaaryahanka dalka France ee Paul ...

Thierry Henry Oo Fariin U Diray Laacibka Ugu Qaalisan Kubada Cagta?

(21-2-2018) Hadii xidigii hore ee Barcelona Neymar uu caasimada France ugu guuray in uu ka baxo hooska Lionel ...

Wiil uu dhalay Didier Drogba oo heshiis lagaaray kooxda?

(21-2-2018) Cayaaryahan da.yar oo uu dhalay Weeraryahankii hore ee kooxda kubada Cagta Chelsea Didier Drogba'ayaa lasheegayaa in uu ...

Zinedine Zidane Oo Ronaldo Ka Saaray Xidigaha Wajihi Doona Leganes

(21-2-2018) Tabababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qorsheynaya in uu nasiyo ciyaariyahan Cristiano Ronaldo kulanka caawa ay ...

Cesc Fabregas” ’90 daqiiqo Oo Difaac Ah Waa Is Miidaamin’

(21-2-2018) Laacibka dhexda uga ciyaara kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa sheegay inay ahayd wax laga yaq-yaqsoodo, gacan ...

Kumuu ahaa Xidiga loo doortay Man of the match kulankii Chelsea iyo Barcelona+Sawiro

(21-2-2018) Kadib Markii ay dhamaatay Cayaartii Xiisaha badnayd ee Xalay dhex martay kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa ...

Yaa lahaa qaladkii uu Goolku uga dhashay Chelsea kulankii Barcelona?

(21-2-2018) Gool uu xidiga Barcelona ee Lionel Messi shabaqa dhex dhigay ayuu barbar dhac ku soo celiyey tirsiga ...

Lionel Messi oo Hogaaminaya 6 da Cayaaryahan ee Goolasha ugu badan ka dhalisay Kooxaha England

(21-2-2018) Cayaaryahanka kooxda kubada cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu danbayn meesha ka saaray weligiis Gool kama dhalin ...