Thursday, December 14th, 2017

Warbixin: Sida Cristiano Ronaldo ugu Guuleystey Ballon d’Or 2017+Sawiro

Published on December 8, 2017 by   ·   No Comments  ·  

(08-12-2017) Weeraryahanka kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa ku karbaashay xidiga naadiga Barcelona, Lionel Messi abaal marinta  Ballon d’Or markiisii shanaaad – iyo sanadkii labaad oo xidhiidh ah.

Guushani waxay ka dhigaysaa 32 jirka reer Portaqiis inuu la sinmay 30 jirka reer Argentina Messi, oo tirade ugu badan haystay biladan, markii u dambeysay ee uu hantiyaana ahayd 2015.

Messi ciyaaryahankii hore uga barbar ciyaari jiray weerarka Barcelona ee Neymar, wakhti xaadirkanse ka tirsan Paris St-Germain, ayaa galay kaalinta saddexaad.

Xili ciyaareedkii hore, Ronaldo wuxuu ka caawiyey Real Madrid inay ku guuleysato horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League iyo Horyaalka Spain ee La Liga markii u horeysay tan iyo sanadii 2012.

Bilada sanadkan 2017 Ballon d’Or ee Ronaldo hantiyey waxay ku barbar tolmaysaa kuwii uu soo qaaday sanadihii 2008, 2013, 2014 iyo 2016, Messina wuxuu noqonayaa ciyaaryahanka kaliya ee abaal marintan soo qaadayay sanadihii kale oo dhan tan iyo 2009 kii.

“Tani waa shayga aan ku hamiyo sanad kasta,” ayuu yidhi, kadib markii lagu gudoonsiiyey figta sare ee Taalada astaanta caasimada Faransiiska Paris ee loo yaqaano – Eiffel Tower -.

“Waxaan u mahad celinayaa ciyaaryahanadayda Real Madrid, waxaa kale oo aan u mahad celinayaa dhamaan dadkii kale ee iga caawiyey inaan heerkan gaadho.”

Maxay Tahay Abaa Marinta Ballon d’Or?

Abaal marinta Ballon d’Or waa abaal marin ay cida ku guuleysanaysa soo xushaan 173 saxafi oo ka kala socda dhamaan dalalka adduunka.

Wargeyska ciyaaraha ka faalooda oo ka soo baxa wadanka Faransiiska ayaa abaal marintan sanad kasta soo bixinayay tan iyo 1956 kii, laakiin lix sanadood ayay ku midoobeen xidhiidhka kubadda cagta aduunka ee FIFA, waxaana sanadahaas 6 da ah la siinayay laacibka sanad kasta ugu fiican aduunyada, magaciina waa laga dhigay “Fifa Ballon d’Or.

Laakiin, qorshahaas, waxay FIFA soo af jareen oo midowgaas ka baxeen bishii September 2016.

Iyadoo abaal marin FIFA u khaas ah la bixiyey bishii October, taas oo Ronaldo loogu caleemo saaray xidigii aduunka sanadka ee raga ‘world’s best male player’.

Ballon d’Or xidigihii ku guuleystay: Ronaldo & Messi oo iska haystay tan iyo 2008

2008       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Fernando Torres

2009       Lionel Messi       Cristiano Ronaldo             Xavi

2010       Lionel Messi       Andres Iniesta   Xavi

2011       Lionel Messi       Cristiano Ronaldo             Xavi

2012       Lionel Messi       Cristiano Ronaldo             Andres Iniesta

2013       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Franck Ribery

2014       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Manuel Neuer

2015       Lionel Messi       Cristiano Ronaldo             Neymar

2016       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Antoine Griezmann

2017       Cristiano Ronaldo             Lionel Messi       Neymar

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Zidane Oo Dejiyey Qorshe Uu Daaqadda Kaga Baxayo Isco

(15-12-2017) Kubbad-sameeyaha Real Madrid ee Isco ayaa waajihi doona kursiga kaydka oo uu fadhiyi doono kaddib markii uu ...

Maxaa ku soo kordhay kala Horeynta Gooldhalinta Horyaalka Premier League?

(15-12-2017) Horyaalka  Premier League dalka England waxaa la cayaaray xiligaan kulamadii 17 aad iyada oo dhanka Gool dhalinta uu weli ...

Ronaldinho Oo Ku biiraya Siyaasadda, Kana Qayb-gelaya Doorashada Dalka Brazil

(14-12-2017) Cayaaryahankii hore ee xulka qaranka Brazil iyo Barcelona ee Ronaldinho ayaa la sheegay inuu ka baxayo xirfadda ...

Magacyada iyo Sawirada 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkii 17 aad ee Horyaalka Premier League

(14-12-2017) Horyaalka dalka England ayaa lacaayaray Todobaadkii 17 aad Talaadadii iyo Arbacadii lasoo dhaafay waxaana lasoo saaray Magacyada ...

Cayaar dhiig ku daatay oo ka dhacday mid ka mid ah dalalka yurub+Sawiro

(14-12-2017) Cayaarta Kubada Cagta oo ka mid ah Cayaaraha loogu jecelyahay caalamka oo dhan ayaa mararka qaar waxaa ...

Cayaaryahan Bartilmaameed u ah Manchester United oo sheegay in xiligii ugu danbeeyey uu u dheelayo kooxdiisa

(14-12-2017) Mid ka mid ah Cayaartoyda bartilmaameedka koowaad u ah Manchester United ayaa shaaca ka qaaday in uu ...

‘Mararka qaarkood xiddiguhu ma Sameeyaan koox wanaagsan’ – Rakitic oo Farriin U Diray Neymar

(14-12-2017) Barcelona waxay wali buuxin kari la’dahay booskii uu banneeyey Neymar oo xagaagii lacag badan ugu wareegay PSG, ...

Cristiano Ronaldo oo ka Xanaaqay Taageerayaal ku heesayey magaca Messi kulankii Club World Cup

(14-12-2017) Xiddiga kooxda kubada Cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa xanaaq ka muujiyey hadalo ay ku hadaaqayeen Taageerayaal ...

Taageerayaasha AC Milan oo Xalay ka oysiiyey Gianluigi Donnarumma iyo Bonucci oo Aamisiyey+Sawiro

(14-12-2017) Taageerayaasha kooxda kubada Cagta AC Milan ayaa Xalay soo qaatay boorar ay wax kaga sheegayaan Goolhayaha da.da ...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo baajiyey kulankii Maanta dhex mari lahaa Jubaland iyo Galmudug

(14-12-2017) Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta ku dhawaaqay in labaajiyey kulan Cayaareedkii dhex mari lahaa dowlad Goboleedyada kala ...

Jose Mourinho Oo Warbaahinta Ku Eedeeyey Ixtiraam La’aan

(14-12-2017) Tabobaraha naadiga Manchester United, Jose Mourinho, ayaa ku eedeeyey warbaahinta inay kala jeclaystaan kooxaha, isla markaana aanay ...

Neymar oo Todobaadkii labaad laga waayey liiska PSG Sabab?

(13-12-2017) Cayaaryahanka Caalamka oo dhan ugu qaalisan ee Neymar ayaa markale laga waayey liiska Cayaartoyda Naadigiisa PSG oo ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan oo ay bisha Janaayo doonayaan Real Madrid

(13-12-2017) Kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay doonayaan Cayaartoy dhoawr ah marka uu dib u ...

Laba Xiddig oo Caan ka ah Caalamka oo is Guursaday

(13-12-2017) Kabtanka xulka Kiriketka Hindiya Virat Kohli iyo atariishada caanka ah Anushka Sharma ayaa isku mehersaday dalka Talyaaniga, ...

Daawo Video Eden Hazard oo diidey biladii MOTM kulankii Xalay

(13-12-2017) Cayaaryahanka kooxda kubada Cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa diidey in uu gudoomo abaal marintii lagudoonsiiyey ee Cayaaryaahnka ...