Wednesday, January 17th, 2018

Daawo Sawirada Mohamed Salah oo ku Guuleystey Cayaaryahanka ugu fiican qaarada Africa

Published on January 5, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(05-01-2018) Weeraryahanka xulka qaranka Masar iyo Liverpool ee Mohamed Salah ayaa loo doortay xiddiga qaaradda Afrika ee sannadka 2017 ee abaalmarinta xidhiidhka kubadda cagta Afrika.

Salah oo bishii hore loo caleemo saaray xiddiga BBC ee qaaradda Afrika, ayaa waxa uu kaga guuleystay abaalmarintan laacibiinta reer Senegal iyo Gabon ee Sadio Mane iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo kala galay kaalmaha labaad iyo saddexaad.

Salah ayaa loogu doortay xiddignimada Afrika, wacdarihii uu ka dhigay garoomada sannadkii tegay, markaas oo xulka qarankiisa Masar uu usuurtogeliyey inuu iska xaadiyo koobka adduunka ee badhtamaha sannadkan lagu qaban doono Ruushka, kaas oo ay ka maqnaayeen muddo aad u badan.

Dhinaca naadiyada, waxa uu xarfad ku dawakhiyey isla markaana goolal badan ka dhaliyey horyaalka waddanka Talyaaniga oo uu Roma u ciyaarayay, ka hor intii aanu ku biirin Liverpool oo uu u dhaliyey tiro badan.

60-kii kulan ee u dambeeyey ee uu u ciyaaray Roma iyo Liverpool, waxa uu dhaliyey 39 gool iyo 19 uu caawiye ka ahaa, waxaase dheer saamaynta aan la qiyaasi karin ee uu ku lahaa kooxahooda iyo siday difaacu ugu mashquulayeen.

Dhinaca kale, tababaraha xulka qaranka Masar, Hector Cuper ayaa la guddoonsiiyey abaalmarinta tababarihii ugu wanaagsanaa qaaradda Afrika sannadkii tegay.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...

Cayaartoyda Arsenal oo Mawqif isku mid ah ka qaatay Alexis Sanchez?

(17-1-2018) Cayaaryahanada kooxda kubada Cagta Arsenal ayaa Mawqif isku mid ah ka qaatay Cayaaryahanka banaan jooga ka ah ...

Cayaaryahanka bartimaameedka u ah Arsenal ee Malcom oo Anshax daro lagu Ganaaxay

(17-1-2018) Cayaartoyga weerarka uga ciyaara Bordeaux ee Malcom ayaa waajahaya ganaax dhaqan xumo ah, kaddib markii uu baraha ...

Xasuuso hadaad Xisleedahay: Kooxdii Madbacada qaranka oo dib loo yagleelay+Sawiro

(17-1-2018) Xaflad dib loogu soo nooleenayay kooxda kubadda cagta Madbacadda ayaa maanta waxa ay ka dhacday hotel SYL ...

Henrikh Mkhitaryan oo Shuruud adag ku xiray in uu ku biiro Arsenal

(17-1-2018) Cayaaryaahnka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa lasheegayaa in uu shuruud ku xiray in uu ...

Rumeyso ama ha Rumeysan: Horyaalka Championship-ka oo ka daawasho batay Horyaallada Spain, Italy Iyo France

(17-1-2018) Naadiyada heerka labaad ee Ingiriiska  ayaa kaalinta 3aad ka galay horyaallada loogu daawashada badan yahay dunida xili ...

Cristiano Ronaldo oo Real Madrid uga tegaya Masayr uu ka qaaday Lionel Messi?

(17-1-2018) Cayaaryahanka Xiddiga ee u dheela Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa beryahaan laysla dhex marayey in uu ...

Kelechi Iheanacho oo dhaliyey Gool Taariikh Cusub ku soo kordhiyey Kubada cagta England

(17-1-2018) Weeraryahanka kooxda kubada cagta Leicester City Kelechi Iheanacho ayaa dhaliyey Gool galay Taariikhda galay kulankii isku celiska ahaa ...

Manchester United Oo Heshiiska U Kordhinaysa Jose Mourinho

(17-1-2018) Manchester United ayaa u dhow inay heshiis muddo kordhin ah la gaadho tababare Jose Mourinho. Wada-hadallo u socday ...

Kooxda PSG ayaa u soo dhaqaaqi doonta Cristiano Ronaldo

(17-1-2018) Kooxda reer France ayaa dalab lacago badan ku kacaya ka soo gudbin doonta Ronaldo haddii uu Madaxwaynaha Real ...

Maxaa ka cusub saaka suuqa iyo arimihii Sanchez iyo Pierre-Emerick Aubameyang

(17-1-2018) :: Sanchez oo rajo ka qaba inuu Sabtida kulankiisii ugu horreeyay u cayaaro kooxdiisa cusub ee Man United ...

RASMI: Mucjisadii kubadda cagta reer Brazil ee Ronaldinho oo ka fariistay ciyaaraha gabi ahaanba+SAWIRRO

(17-1-2018) Ronaldinho ayaa dhacdoodyin waa waaweyn lagu xusuusan doonaa, sida inay u sacbiyeen taageerayaasha Real Madrid isagoo katirsan Barcelona ...

Wararkii Ugu Waaweynaa Suuuqa Kala Iibsiga Ciyaaraha Dalkeena Soomaaliya

(17-1-2018) Sida aad la socotaan dhawaan waxaa garoomada caasimada ee dalka ka furmidoono horyaalka Somali Premier League 2017-2018 waxaase ...

Portugal: Garoon ay ku cayaareysey FC Porto oo ay ka dhacday kabteydii ma aragtay+Sawiro

(16-1-2018) Ciyaar ka tirsan horyaalka waddanka Portogal oo dhex maraysay FC Porto iyo Estoril ayaa lagu kala yaacay, ...

Arsenal oo heshiiska shaqsiga ah lagaartay Pierre-Emerick Aubameyang

(16-1-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis shakhsi ah la gaadhay weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo ...