Wednesday, January 17th, 2018

Macalin Arsene Wenger oo sheegay in uu casuumaad ka helay madaxwaynaha Liberia Ee George Weah

Published on January 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(06-01-2018) Tababare Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in lagu casuumay caleema-saarka madaxweyne George Weah kaas oo noqday madaxweynaha dalka Liberia, wuxuuna xidigiisii hore ku sheegay noloshiias mid u qalanta in sheeko filim laga qoro.

George Weah oo kasoo hoos ciyaaray Arsene Wenger intii u dhaxeysay 1988 ilaa 1992 xilli uu macalinka reer france maamulaha ka ahaa As Monaco, Weah waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha xiga ee Liberia isago helay codadka ugu badan ee doorashadii la qabtay bishii lasoo dhaafay 61.5%.

Caleema saarkiisa wuxuu dhacayaa 22-ka January, waxey kusoo aaday xilli Gunners ay 20-ka January la ciyaareyso Crystal Palace kulan ka tirsan horyaalka Premier League, sidoo kalana ay Chelsea la ciyaareyso 24-ka January lugta labaad ee Semi finalka Carabao Cup.

Xiddigii hore ee AC Milan ayaa dhawaan ku guuleystay cod bixinta Madaxtinimo ee dalkiisa Liberia kaddib markii uu helay 61.5%, Munaasabada caleemo saarkiisa ayaa la qaban doonaa 22-ka bishan Janaayo.

 

Caleemo saarka Weah ayaa dhici doona inta u dhaxeysa marka ay Arsenal Premier League ku wajaheyso Crystal Palace 20-ka Janaayo iyo marka ay Semi Final ka Carabao Cup la dheelayso Chelsea 24-ka Janaayo.

Wenger oo ka hadlaya Weah ayaa yiri:

“Marka aad eegto noloshiisa waa sida Film oo kale. Ma ahan mid la rumeysan karo, waa Film Cajiib ah.

“Waxaan isaga ku arkay Monaco isagoo u muuqda mid lunsan, cidna ma uusan aqoon, looma qiimeyn jirin sida ciyaaryahan.

“Laacibka ugu fiican adduunka ayuu noqday 1995 iminkana waa madaxwaynaha dalkiisa, waa wax aan la rumeysan karin.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...

Cayaartoyda Arsenal oo Mawqif isku mid ah ka qaatay Alexis Sanchez?

(17-1-2018) Cayaaryahanada kooxda kubada Cagta Arsenal ayaa Mawqif isku mid ah ka qaatay Cayaaryahanka banaan jooga ka ah ...

Cayaaryahanka bartimaameedka u ah Arsenal ee Malcom oo Anshax daro lagu Ganaaxay

(17-1-2018) Cayaartoyga weerarka uga ciyaara Bordeaux ee Malcom ayaa waajahaya ganaax dhaqan xumo ah, kaddib markii uu baraha ...

Xasuuso hadaad Xisleedahay: Kooxdii Madbacada qaranka oo dib loo yagleelay+Sawiro

(17-1-2018) Xaflad dib loogu soo nooleenayay kooxda kubadda cagta Madbacadda ayaa maanta waxa ay ka dhacday hotel SYL ...

Henrikh Mkhitaryan oo Shuruud adag ku xiray in uu ku biiro Arsenal

(17-1-2018) Cayaaryaahnka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa lasheegayaa in uu shuruud ku xiray in uu ...

Rumeyso ama ha Rumeysan: Horyaalka Championship-ka oo ka daawasho batay Horyaallada Spain, Italy Iyo France

(17-1-2018) Naadiyada heerka labaad ee Ingiriiska  ayaa kaalinta 3aad ka galay horyaallada loogu daawashada badan yahay dunida xili ...

Cristiano Ronaldo oo Real Madrid uga tegaya Masayr uu ka qaaday Lionel Messi?

(17-1-2018) Cayaaryahanka Xiddiga ee u dheela Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa beryahaan laysla dhex marayey in uu ...

Kelechi Iheanacho oo dhaliyey Gool Taariikh Cusub ku soo kordhiyey Kubada cagta England

(17-1-2018) Weeraryahanka kooxda kubada cagta Leicester City Kelechi Iheanacho ayaa dhaliyey Gool galay Taariikhda galay kulankii isku celiska ahaa ...

Manchester United Oo Heshiiska U Kordhinaysa Jose Mourinho

(17-1-2018) Manchester United ayaa u dhow inay heshiis muddo kordhin ah la gaadho tababare Jose Mourinho. Wada-hadallo u socday ...

Kooxda PSG ayaa u soo dhaqaaqi doonta Cristiano Ronaldo

(17-1-2018) Kooxda reer France ayaa dalab lacago badan ku kacaya ka soo gudbin doonta Ronaldo haddii uu Madaxwaynaha Real ...

Maxaa ka cusub saaka suuqa iyo arimihii Sanchez iyo Pierre-Emerick Aubameyang

(17-1-2018) :: Sanchez oo rajo ka qaba inuu Sabtida kulankiisii ugu horreeyay u cayaaro kooxdiisa cusub ee Man United ...

RASMI: Mucjisadii kubadda cagta reer Brazil ee Ronaldinho oo ka fariistay ciyaaraha gabi ahaanba+SAWIRRO

(17-1-2018) Ronaldinho ayaa dhacdoodyin waa waaweyn lagu xusuusan doonaa, sida inay u sacbiyeen taageerayaasha Real Madrid isagoo katirsan Barcelona ...

Wararkii Ugu Waaweynaa Suuuqa Kala Iibsiga Ciyaaraha Dalkeena Soomaaliya

(17-1-2018) Sida aad la socotaan dhawaan waxaa garoomada caasimada ee dalka ka furmidoono horyaalka Somali Premier League 2017-2018 waxaase ...

Portugal: Garoon ay ku cayaareysey FC Porto oo ay ka dhacday kabteydii ma aragtay+Sawiro

(16-1-2018) Ciyaar ka tirsan horyaalka waddanka Portogal oo dhex maraysay FC Porto iyo Estoril ayaa lagu kala yaacay, ...

Arsenal oo heshiiska shaqsiga ah lagaartay Pierre-Emerick Aubameyang

(16-1-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis shakhsi ah la gaadhay weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo ...