Wednesday, January 17th, 2018

Cayaaryaahnka Ugu Taajirsan Dunida Oo Ka Yaabiyey Ronaldo, Messi, Hazard Iyo Hantiileyaasha Yurub

Published on January 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-01-2018) Marka laga hadlayo ciyaaryahannada lacagta badan haysta, waxa markiiba maskaxdaada kusoo dhacaya Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, David Beckham, Rooney, Ronaldinho iyo xiddigo kale, hase yeeshee, xaqiiqadu way ka fogtahay middaas.

Bishii August ee sannadkii tegay ee 2017, waxay majaladda Forbes sheegtay in tobanka laacib ee dunida ugu qanisan uu hoggaaminayo Cristiano Ronaldo oo haysta £250 million, kaalinta labaadna uu ku jiro Lionel Messi oo haysta £230 million, kaalinta saddexaadna uu fadhiyo Zlatan Ibrahimovic oo xisaabtiisa u kaydsan tahay £110 million, haka Rooney iyo Eden Hazard ay ku jiraan kaalmaha afraad iyo shanaad oo ay haystaan lacag dhan £93 million iyo £77 million siday u kala horreeyaan.

Shanta ciyaartoy ee kale ayaa haysta Gareth Bale (£56 million), Neymar (£49 million), Yaya Toure (£43 million), Sergio Aguero (£40 million) iyo John Terry (£39 million).

Tobankan ciyaartoyba waxay lacagtan ku heleen xirfaddooda, hase yeeshee, waxa jira nin aanay waligood gaadhi karin.

Waa 19 jir, waxaanu u ciyaaraa Leicester City oo heerkeeda hoose ka tirsan yahay. Waxa uu u dhashay waddanka Brunei.

Wiilkan da’da yar oo lagu magacaabo Faiq Bolkiah ayaa waxa awoow u ah suldaanka maamula dalka Brunei oo lagu magacaabo Hassanall Bolkiah oo hantida uu haysto ay kor u dhaaftay 20 bilyan oo Euro.

Faiq oo ka ciyaara baal weerar ah waxa uu xirfaddiisa waddanka Ingiriiska ka bilaabay kooxda AFC Newbury ka hor intii aanu u wareegin Southampton oo uu uga sii gudbay Arsenal iyo Chelsea.

Aabbaha dhalay Faiq oo lagu magacaabo Jefri Bolkiah ayaa la sheegay in bil gudaheed uu khasaariyey lacag dhan 35 milyan oo Gini oo uu ku isticmaalay gawaadhi, saacado iyo qalimaan dahabka cad ah. Ninkan lacagta daadaadinaya ayaa la wariyey in gawaadhida uu leeyahay ay hadda gaadhayaan 2,300 (laba kun iyo saddex boqol oo gaadhi), kuwaas oo ka kooban baabuurta qaaliga ah ee Ferrari, Rolls-Royces iyo Bentleys.

Markii Jefri uu 50 jirsaday, waxa uu 12.5 Gini kusoo kiraystay heesaagii caanka ahaa ee Michael Jackson oo ugu heeso ugu qaaday garoon weyn oo loo dhisay xafladda dhalashiisa oo kaliya.

Faiq oo waalidkiisu ay haystaan lacagaha tiradaas leh, waxa uu ogyahay inuu yahay mid ka mid ah hantiileyaasha dunida ugu taajirsan, hase yeeshee, waxa uu wakhtigan ku kooban yahay kubadda cagta, waxaana waraysi qariib ah oo uu warbaahinta siiyey uu ku sheegay in qoyskiisu ay ka caawiyaan inuu noqdo xirfadle kubadda cagta.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...

Cayaartoyda Arsenal oo Mawqif isku mid ah ka qaatay Alexis Sanchez?

(17-1-2018) Cayaaryahanada kooxda kubada Cagta Arsenal ayaa Mawqif isku mid ah ka qaatay Cayaaryahanka banaan jooga ka ah ...

Cayaaryahanka bartimaameedka u ah Arsenal ee Malcom oo Anshax daro lagu Ganaaxay

(17-1-2018) Cayaartoyga weerarka uga ciyaara Bordeaux ee Malcom ayaa waajahaya ganaax dhaqan xumo ah, kaddib markii uu baraha ...

Xasuuso hadaad Xisleedahay: Kooxdii Madbacada qaranka oo dib loo yagleelay+Sawiro

(17-1-2018) Xaflad dib loogu soo nooleenayay kooxda kubadda cagta Madbacadda ayaa maanta waxa ay ka dhacday hotel SYL ...

Henrikh Mkhitaryan oo Shuruud adag ku xiray in uu ku biiro Arsenal

(17-1-2018) Cayaaryaahnka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa lasheegayaa in uu shuruud ku xiray in uu ...

Rumeyso ama ha Rumeysan: Horyaalka Championship-ka oo ka daawasho batay Horyaallada Spain, Italy Iyo France

(17-1-2018) Naadiyada heerka labaad ee Ingiriiska  ayaa kaalinta 3aad ka galay horyaallada loogu daawashada badan yahay dunida xili ...

Cristiano Ronaldo oo Real Madrid uga tegaya Masayr uu ka qaaday Lionel Messi?

(17-1-2018) Cayaaryahanka Xiddiga ee u dheela Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa beryahaan laysla dhex marayey in uu ...

Kelechi Iheanacho oo dhaliyey Gool Taariikh Cusub ku soo kordhiyey Kubada cagta England

(17-1-2018) Weeraryahanka kooxda kubada cagta Leicester City Kelechi Iheanacho ayaa dhaliyey Gool galay Taariikhda galay kulankii isku celiska ahaa ...

Manchester United Oo Heshiiska U Kordhinaysa Jose Mourinho

(17-1-2018) Manchester United ayaa u dhow inay heshiis muddo kordhin ah la gaadho tababare Jose Mourinho. Wada-hadallo u socday ...

Kooxda PSG ayaa u soo dhaqaaqi doonta Cristiano Ronaldo

(17-1-2018) Kooxda reer France ayaa dalab lacago badan ku kacaya ka soo gudbin doonta Ronaldo haddii uu Madaxwaynaha Real ...

Maxaa ka cusub saaka suuqa iyo arimihii Sanchez iyo Pierre-Emerick Aubameyang

(17-1-2018) :: Sanchez oo rajo ka qaba inuu Sabtida kulankiisii ugu horreeyay u cayaaro kooxdiisa cusub ee Man United ...

RASMI: Mucjisadii kubadda cagta reer Brazil ee Ronaldinho oo ka fariistay ciyaaraha gabi ahaanba+SAWIRRO

(17-1-2018) Ronaldinho ayaa dhacdoodyin waa waaweyn lagu xusuusan doonaa, sida inay u sacbiyeen taageerayaasha Real Madrid isagoo katirsan Barcelona ...

Wararkii Ugu Waaweynaa Suuuqa Kala Iibsiga Ciyaaraha Dalkeena Soomaaliya

(17-1-2018) Sida aad la socotaan dhawaan waxaa garoomada caasimada ee dalka ka furmidoono horyaalka Somali Premier League 2017-2018 waxaase ...

Portugal: Garoon ay ku cayaareysey FC Porto oo ay ka dhacday kabteydii ma aragtay+Sawiro

(16-1-2018) Ciyaar ka tirsan horyaalka waddanka Portogal oo dhex maraysay FC Porto iyo Estoril ayaa lagu kala yaacay, ...

Arsenal oo heshiiska shaqsiga ah lagaartay Pierre-Emerick Aubameyang

(16-1-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis shakhsi ah la gaadhay weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo ...