Wednesday, January 17th, 2018

Kazuyoshi Miura: 50 Jir Garoomada Wacdaro Ka Dhiga Oo Heshiis Cusub Saxeexay

Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-1-2018) Cayaaryahan Kazuyoshi Miura waa ciyaartoy wacdaro ka dhiga garoomada oo 51 jir noqonaya bisha dambe, hase yeeshee, da’diisa weynaatay waxba umay dhimin hannaankiisa ciyaarood iyo hibada adkaysiga ah ee Allah siiyey.

Waxa uu toddobbaadkan qalinka ku duugay heshiis uu la galay kooxda Yokohama FC ee horyaalka heerka labaad ee waddanka Japan, waxaana ay taasi muujinaysaa in aanu wali maanka ku haynin inuu kabaha tiiriyo, taas oo ay u dheer tahay in uu leeyahay karti, awood iyo xirfad uu ku kasbanayo in kooxuhu mushahar badan ku siiyaan u ciyaaristiisa.

Heshiiskan cusub waxa uu ka dhigan yahay inuu xili ciyaareedkii 33aad kordhinayo qandaraas rikoodh jebis ah,  iyadoo uu hayaankiisa ciyareed kasoo bilaabay kooxda Santos ee waddanka Brazil sannadkii 1986-kii.

“Mar kasta niyadda ayaan ka ciyaaraa, waxaanan rajaynayaa inaan ciyaartoy ahaan usii kordhi doono” Sidaas waxa yidhi Kazuyoshi Miura oo u warramay wakaaladda wararka Kyodo.

Kazuyoshi Miura waxa uu usoo ciyaaray kooxaha Genoa iyo Dinamo Zagreb ka hor intii aanu sannadkii 2005 ku biirin kooxda kubadda cagta Yokohama FC.

Kazuyoshi Miura waxa uu u ciyaaray xulka qaranka Japan oo ka hor tegay Brazil sannadkii 1992-kii

Waxa uu u dhashay waddanka Japan oo uu u ciyaaray 89 ciyaarood, kooxda uu u ciyaaro ee Yokohama na waxa uu u dhaliyey 139 gool, taas oo ka dhigtay inuu yahay ciyaartoyga lixaad ee ugu gool dhalinta badan horyaalka heerka labaad ee Japan.

Xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka cimri-dhererka ciyaareed ee Miura

Markii ay da’diisu ahayd 15 jir, Miura waxa uu ka tegay dalka Japan, waxaanu u guuray Braizl, halkaas oo sannadkii 1982-kii uu ka bilaabay riyadiisa kubadda cagta. Sannadkii 1986-kii ayuu heshiis la galay kooxda Santos oo wakhtigaas ka mid ahayd naadiyada dunida ugu wanaagsan iyadoo ay da’diisu ahayd 19 jir.

Miura waxa uu ka tegay Santos, waxaanu ku biiray Palmeiras sannadkii 1987kii, waxaana halkaas ay isku koox ka noqdeen laacibkii weynaa ee Mirandinha oo sannadkii 1987-kii noqday laacibkii ugu horreeyey ee reer Brazil ee ka ciyaara horyaalka Ingiriiska, markaas oo Newcastle United ay kusoo iibsatay £575,000.

Miura waxa uu noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan dunida sannadkaas, isagoo kaga guuleystay Zico iyo Lineker. Sidoo kalena xiddiga waddanka Japan sannadkii 1993-kii.

Isla sannadkii 1993-kii, wuxuu noqday xiddigii ugu hoorreeyey ee waddanka Japan u dhashay ee noqda xiddiga sannadka ee qaaradda Asia.

Kulankii ugu horreeyey waxa uu xulka qaranka Japan u saftay sannadkii 1990-kii, waxaanu dalkiisa usoo saaray koobkii adduunka ee sannadkii 1998-kii isagoo dhaliyey 14 gool kulamadii isreeb-reebka, hase yeeshee, nasiib darro laguma darin ciyaaryahannadii Koobka Adduunka ka qayb-galay.

Sannadkii 2000 ayuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, iyadoo uu dalkiisa u ciyaaray 89 ciyaarood 55 goolna dhaliyey.

Qaaradda Yurub, waxa uu u ciyaaray naadiga Genoa ee ka dhisan Talyaaniga iyo Dinamo Zagreb oo Croatia ka dhisan, taas oo sannadkii 1999 uu kula guuleystay horyaalka Croatia.

Kooxda uu wakhtigan u ciyaaro ee Yokohama FC waxa uu ku biiray sannadkii 2005 iyadoo ay da’diisu tahay 38 jir, waxaana uu illaa hadda u saftay 200 iulan oo horyaalka ah.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Xiddig u dheela oo Maxkamadi Xukun ku riday Sabab?

(17-1-2018) Daafaca 25 jirka ah ee baasha midig uga ciyaara Liverpool ee Jon Flanagan ayaa lagu helay inuu ...

Cayaartoyda Arsenal oo Mawqif isku mid ah ka qaatay Alexis Sanchez?

(17-1-2018) Cayaaryahanada kooxda kubada Cagta Arsenal ayaa Mawqif isku mid ah ka qaatay Cayaaryahanka banaan jooga ka ah ...

Cayaaryahanka bartimaameedka u ah Arsenal ee Malcom oo Anshax daro lagu Ganaaxay

(17-1-2018) Cayaartoyga weerarka uga ciyaara Bordeaux ee Malcom ayaa waajahaya ganaax dhaqan xumo ah, kaddib markii uu baraha ...

Xasuuso hadaad Xisleedahay: Kooxdii Madbacada qaranka oo dib loo yagleelay+Sawiro

(17-1-2018) Xaflad dib loogu soo nooleenayay kooxda kubadda cagta Madbacadda ayaa maanta waxa ay ka dhacday hotel SYL ...

Henrikh Mkhitaryan oo Shuruud adag ku xiray in uu ku biiro Arsenal

(17-1-2018) Cayaaryaahnka kooxda kubada Cagta Manchester United Henrikh Mkhitaryan ayaa lasheegayaa in uu shuruud ku xiray in uu ...

Rumeyso ama ha Rumeysan: Horyaalka Championship-ka oo ka daawasho batay Horyaallada Spain, Italy Iyo France

(17-1-2018) Naadiyada heerka labaad ee Ingiriiska  ayaa kaalinta 3aad ka galay horyaallada loogu daawashada badan yahay dunida xili ...

Cristiano Ronaldo oo Real Madrid uga tegaya Masayr uu ka qaaday Lionel Messi?

(17-1-2018) Cayaaryahanka Xiddiga ee u dheela Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa beryahaan laysla dhex marayey in uu ...

Kelechi Iheanacho oo dhaliyey Gool Taariikh Cusub ku soo kordhiyey Kubada cagta England

(17-1-2018) Weeraryahanka kooxda kubada cagta Leicester City Kelechi Iheanacho ayaa dhaliyey Gool galay Taariikhda galay kulankii isku celiska ahaa ...

Manchester United Oo Heshiiska U Kordhinaysa Jose Mourinho

(17-1-2018) Manchester United ayaa u dhow inay heshiis muddo kordhin ah la gaadho tababare Jose Mourinho. Wada-hadallo u socday ...

Kooxda PSG ayaa u soo dhaqaaqi doonta Cristiano Ronaldo

(17-1-2018) Kooxda reer France ayaa dalab lacago badan ku kacaya ka soo gudbin doonta Ronaldo haddii uu Madaxwaynaha Real ...

Maxaa ka cusub saaka suuqa iyo arimihii Sanchez iyo Pierre-Emerick Aubameyang

(17-1-2018) :: Sanchez oo rajo ka qaba inuu Sabtida kulankiisii ugu horreeyay u cayaaro kooxdiisa cusub ee Man United ...

RASMI: Mucjisadii kubadda cagta reer Brazil ee Ronaldinho oo ka fariistay ciyaaraha gabi ahaanba+SAWIRRO

(17-1-2018) Ronaldinho ayaa dhacdoodyin waa waaweyn lagu xusuusan doonaa, sida inay u sacbiyeen taageerayaasha Real Madrid isagoo katirsan Barcelona ...

Wararkii Ugu Waaweynaa Suuuqa Kala Iibsiga Ciyaaraha Dalkeena Soomaaliya

(17-1-2018) Sida aad la socotaan dhawaan waxaa garoomada caasimada ee dalka ka furmidoono horyaalka Somali Premier League 2017-2018 waxaase ...

Portugal: Garoon ay ku cayaareysey FC Porto oo ay ka dhacday kabteydii ma aragtay+Sawiro

(16-1-2018) Ciyaar ka tirsan horyaalka waddanka Portogal oo dhex maraysay FC Porto iyo Estoril ayaa lagu kala yaacay, ...

Arsenal oo heshiiska shaqsiga ah lagaartay Pierre-Emerick Aubameyang

(16-1-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis shakhsi ah la gaadhay weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang oo ...